Farxaddu iib maaha Q2AAD W/Q: Cabdulle Cabdikariim(Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q2AAD

Markii uu waaga baryay ee la quraacday ayuu Rooble albaabka ka dagay waxa uuna toos u abbaaray cidda dariska gurigooda, soo dhaweyn iyo marxabeyn ka dib odaygii reerka waa Raage’e ayuu ka codsaday inuu maanta caawiyo, asagana si fudud ayuu uga ogolaaday asagoon wax su’aal ah weydiin, waa ayna isa soo raaceen.

Markii ay inyar ay wada socdeen ayaa Rooble oo ahaa ninka taajirka ah, ayaa hadalka ku bilaabay: “Waxaan filaa in aysan aheyn markii ugu horreysay aan kulano caawin kuuma weydiisan in abaalkii aan kuu galay in aad ii gudo, waxaan daris aheyn muddo badan intaana aan kor kaa ogaan jiray gaar ahaan maalmaha ciidaha iyo bil walbo dhammaadkeeda, ma aheyn mid aan ku qasbanaay in aan sameeyo ama aan is tustus iyo wax la mid ah u sameynaayay, wax walba aan kuu sameyn jiray dar Illaahey ayaan u sameyn jiray, waayo qof kasta oo dhaqaalo heysto oo Muslim ah xoolihiisa waxaa wax ku leh inta aan xoolo heysan oo bini’aadam ah.

Wax bixinta iyo ka warhaynta bulshada kale waa waajib nafteyda saran qof walba oo hantiile ahna waa xil eebbe oogada u surey, hadduu gudan waayona uu ku mudan karo caddaab.

Si kasta ay ahaataba maanta waxaan kugu imid hal walxaato oo kaliya, waxa ayna tahay halkaas inaan kaa joojin doono dhaqaaleyntii aan ku dhaqaaleyn jiray, gebi ahaanteed. Raage oo si quman u dhageysanayay hadalka ayaa aad uga naxay oo kasoo dhax galay warkii loo waday waxa uuna la soo booday su’aalo is dabo joog ah, asagoo leh waa iska xaal adduun balse maxaan ku muteystay? Xageedse colaadda igala qaaday? Ma caruurtaa guriga kaa shiiday? IWM.

Rooble ayaa ugu jawaabay colaad iyo xumaan ma jirto ee ha dag dagin waan ogahay haddaan Soomaali nahay xasil aan war ku sugno xataa ma lihin” Nimaan war sugin waran ma sugo” ee aan hadalka dhammeystee fursad ii sii, waan kaa joojiyay sababta aan kaa joojiyay ayaa waxa ay tahay, waxaan rabaa maanta laga bilaabo inaan ku maalgaliyo oo adiga aad iskaa u noqoto ganacsade weyn oo anigoo kale ah, ama ka heer sarreeya, garabkeyga aad ka soo muuqato, maanta waxaan ku siinayaa fursadaas ee sideed u aragtaa?

Raage oo naxdintiisii hore la amakaagsanaa ayaa farxad la hadli waayay. Rooble ayaa garabka kasoo qabtay oo ku yiri waxaan tageynaa xafiiskeyga waxaan farta kaa saarayaa 500.000 oo Doolar haddaad dayacdo waa kugu amaah aakhiro iyo adduun, haddaad garabkeyga ka soo muuqato waa kuu cafis oo waxba kaama rabo, halkaas shuruud oo kaliya haddaad iga oggolaato warka waa isku dhammaaday loo laaban maayo.

Raage waxaa lama filaan ku noqday balanqaadka loo sameeyay waxa uu kala garan waayay inuu riyo ku jiro iyo in kale asaga oo aan haa iyo maya midna dhihin, ayey xafiiska yimaadeen, xafiiska waxaa hor taagnaa Garyaqaano qaas u ah Rooble, salaan ka dib waxa uu is baray garyaqaanada iyo Raage ka dibna waxa uu ka codsaday iney gudaha soo wadda galaan, kolkii cabbaar la shaaheeyay ayaa Rooble soo bixiyay warqadda heshiiska waxa uuna u qoray magaca Raage iyo lacag cadadkeedu dhan yahay 500,000 oo Doolar waxa uuna ku lifaaqay warqad kale uu ku caddeynayo lacagtaan haddii raage uu gubbo/dayaco in ay deyn ku tahay aakhiro iyo adduun, haddii uu wax ku qabsadana sannad walba inta faa’iido u siyaado oo kale uu ugu dari doono xisaab xirkana uu dhici doono maanta oo kale sannadka soo socdo, Rooble oo ahaa ninka taajirka ayaa saxiixay, labadii garyaqaan ayuu u dhiibay waa ay aqriyeen waana saxiixeen, Rooble ayaa loo celiyay warqaddii waxa uu dhiibay Raage waxa uuna ku yiri Raagoow qasab ma ahan inaad hadda saxiixdo qaado gurigaaga la tag, ka soo fikir adigoo go’aan buuxa wato saxiix maadaama aan kadis kaaga dhigay.

Raage warkaas ka soo yeeray Rooble aad ayuu ugu riyaaqay, aad ayuu ugu mahad celiyay saas ayaan yeeli doonaa ayuu yiri maalinta beri ah, anigoo go’aan buuxo wato ayaan kuu imaan doonaa, haddii Alle idmo, maalintaas sidaas ayaa lagu kala tagay.

Raage wax u bilaawday walwal iyo fikir waxa uu sameyn doono asagoo sidii ruux waalan gacanta filfilqaayo oo marba meel wax iska tusinaayo ayuu gurigiisa soo dhax istaagay, Raage oo aan looga baran inuu subaxnimada hore guriga ku soo laabto xaaskiisa ayaa ku soo oroday oo tiri: Bismilaahi Raagoow sideey wax u jiraan? mugoo ma nabad qabtaa? Raage oo aan juuq u celin ayaa kadinka u sii dhaafay.

La soco qeybaha kale

Cabdulle Cabdikarim Jallaato

SHEEKOOYIN