Gorfeyn: Buugga Habeen Kaama Tagin

Gorfeyn: Buugga Habeen Kaama Tagin

Buugga Habeen Kaama Tagin waxaa qoray Amal Gilin, wuxuuna soo baxay gu’gii 2016. Waxa uu ka kooban 150 bog, waxaa lagu daabacay magaalada Hargeysa. Farriinta uu xambaarsan yahay waxa ay ku dulwareeganaysaa sida aynu ku horumarin karno nolosheena adduunyo iyo midda danbe. Halkudhegyada qaar waa kuwa xiiso badan, oo aan u boggay intii aan akhrinaayey. (Fiiri bogga 51; 79; 95). Buugga waxa uu si qurux badan oo ay la socdaan tusaalooyin uga halday sida dhalllinyarada ay uga guurayaan afka iyo dhaqankii hore Soomaalida. Maadaama buugga uu yahay mid xiiso badan, haddana maahan mid ka madax bannaan dhaliil iyo god daloolo.

Intii aan akhrinaayey, waxaan ku dul-kufay qaladaad badan oo aan isleeyahay, way habboon tahay in dib loo saxo. Buugga waxaa ka buuxa gafaf dhanka  xeerarka qoraalka iyo higgaadda sida shibanayaasha labanlaabma. Taasi waxa ay muujinaysaa in buugga uusan helin tifaftir ku filan. Sidoo kale, buugga waxaa ku jira erayo badan oo af-suuq ah sida ‘caadi iska dhig’ iwm.

Haykalka buugga waxaa ka muuqda isku dhex yaac. (Fiiri bogga 7, 8, 11, 14). Caadiyan hordhaca buugga maahan in la raaciyo qeybta hore (Preliminary section). Buugga waxa uu ku fashilmay in cutub walba uu siiyo lambar, si akhristaha uusan ugu wareerin. Buugga cutubyadiisa iyo cutub hoosaadyadiisa, labaduba ma kala cadda. Sidoo kale, waxaad arkaysaa qeyb ka mida buugga oo aad mooddo in uu cutub yahay, haddana hal bog iyo bar ah. (fiiri bogga 91 ilaa 93). Mowduucyada qaar ee buugga iyo macluumaadka gudaha ku jira iskuma toosna ama isma lahan. (Fiiri bogga 17 ilaa 23).  

Qeybta tixraaca looma dejin hab waa waafaqsan hababka kala duwan ee loo qoro tixraaca sida APA, Harvard iwm. Tusaale ku saabsan mid ka mida tixraaca buugga, “Baraha bulshadu ku xidhiidho (Websites) sida: Toga harer, Hadhwanaag, Soomaaliland today.” (Fiiri bogga 154).

Mararka qaar qoraayadu waxa ay ku xeeldheeraanaysaa ka sheekeynta macluumaad aan micno badan u laheyn akhristaha. (Fiiri bogga 109 ilaa 113). Guud ahaan buugga waxa uu ku dulwareeganayaa wacdi iyo waano, sidoo kale marka aad akhrinayso waxaad mooddaa in uu ku hor fadhiyo wadaad kaaga sheekeynaya hawlaha adduunyo iyo aakhiro. Buugga waxa uu ku fashilmay in uu nala wadaago aragtiyada dadkii wax ka qoray mowduucyada buugga. Buug sidaan oo kale u qiima badan, waxa ay aheyd in uu lahaado qeybta gunaanadka balse ma dhicin.

Igama aha dhaliil iyo cilad u raadin buugga ah, sidaan korba ku sheegay waxaa jira in badan oo aan la dhacay buugga waa mid waxtarkiisu sareeyo, waxaan ku daray liiska buuggaagtii qiimaha badnaa ee aan akhriyey abid, haddana in aad gorfeysaa waxaad aqrido waxay la mid tahay inaad socdaalka aad meel ku tagtay inaad sheegto intaad ka heshay iyo waxaad ka weyday, halkaad la dhacday iyo halkaad saluugteyba.

Gorfeeye: Hassan Mudane

Bahda Laashin

 

SHEEKOOYIN