Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q3AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q3AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Waa ku diriraan” wuxuu ka hadlayo is la guurowga ayaad ka dhex heli doontaa iyo waxa lagu dirirayo, waxaanse la illoobi karin in Abwaan Maxammad Gacal Xaayoow (A.U.N) uu ahaa Abwaanka kaliya ee Soomaaliyeed ee aan weligii u maansoon una gabyin, ama guuroobin, qabiil, Qabyaalad, qola is ka celin, deegaan iyo gobol gaara intaba. sidaa aawgeed wuxuu halabuurkiisa u adeegsaday dhanka xagasha quman, ee waddaniyaddu ku dhantahay, marka aad u dhabba gasho suugaantiisa ama aad barbar dhigto kuwa badan oo aan abwaanna u naqaanno, waxaad kasoo helee Suugaantooda ama heesaha ay curiyeen kuwa maldahan ama deegaan gaar ah lagu ammaanayo, waana meelaha ay ku qaldaan dadka aan fahan sanayn dedanta Suugaanta. Abwaan Maxammad Gacal Xaayow Eebbe ayaa ka bad-baadiyay inow ummaddiisa uga tago erayo caaddifadaysan ama kala gaynaya, waana sida laga doonayo ruux kasta oo hal-abuur ah, bulshadana wax u bidhaaminaya. Haddaba guurowgii “WAA KU DIRIRAAN” aan idiin kala dhex boxo ee ka bigasho wacan!’

Aqal deena Doolliya bisadi, Waa ku diriraane
Doqon iyo nin door ragannimada, Waa ku diriraane
Laba doob garoob laba da’asaday, Waa ku diriraane
Digniin amar debleey iyo Sarkaal, Waa ku diriraane
Deeqsi iyo bakhiil ragannimada, Waa ku diriraane
Oday habar ka doogsaday haddoow, Daalli kale yeesho
Duqdi horaya tii daba ka gala, Waa ku diriraane
Dugsi macallin ootaye mid kale, Looga deris yeelay
Haddii lays ku diro Diiniyada, Waa ku diriraane
Diyaarada colaadeed walaal, Waa ku diriraane
Dad is jecel wax dheef lays ku deray, Waa ku diriraane
Gobannimo nin diidaya nin raba, Waa ku diriraanee.

Derisnimo xaqeed iyo inaan, Dhalasho door soomin
Waxa loo daliishaday haddaan, Dowgi garan waynay
Dugsi weeye nabadduye haddii, Derinti loo laabay
Haddii door wareenkiyo warmihi, Layska daba tuuray
Doqowdiyo cuqaashiyo haddaan, Odaya doodaynin
Haddii Culama Diinlihi Cilmigi, Deeq u bixi wayday
Duf caddiyo Suldaannadi haddii, Laga dambeey waayay
Dambasteeda waa lagu gubtaa, Diga colaadeede
Waxaa dacalka laysugu dhiftaa, Dogobba Naareede
Dabeecadaba looga ma ekaan, Ehalu Diineede
Daa’imow Allahayow adaan, Daawa heli wayne
Debka horay bakhtii deeq Allaa, Lagu ducaystaahee.

Deegaanka dumayuu ma bogin, Degel ka qiiqaysa
Daaraha dumaayuu ma bogin, Degegentoodiiyee
Dadka kala dabayshaday marbaa, Laysu dumayaahe
Dagaalka u dhexeyuu ma bogi, Dira-diraalow’e
Haba lays ku daalee dib waa, Laga heshiiyaahe
Dalka kala go’aayuu ma bogin, Doonni kala raace
Daa’imow Allahayow adaan, Daawa heli weyne
Debka horay bakhtii deeq Allaa, Lagu duceystaahee.

Waabaaya duug iyo sunbaa, Lagu dabiibaahe
Dambar laga lisiyo deeq la mida, Laga duceyn maaye
Gu’ darriimay iyo Dayr is xigay, Daawa lagu waayay
Ee inya Dalkii looga baxay, Dibadda loo aaday
Doqonka deegaanka gubay, Waa la soo diraye
Daa’imow Allahayow adaan, Daawa heli wayne
Debka horay bakhtii deeq Allaa, Lagu ducaystaahee.

 

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN