Home Qoraallo Taariikhdii Halgamaa: Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf. W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Taariikhdii Halgamaa: Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf. W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

110
0
SHARE

Taariikhdii Halgamaa: Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf. W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Caalimkii, Halgamaaga ahaa: Sheekh Bashiir Sh. Yuusuf sh. Xasan wuxuu ku dhashay Taleex sannadkii 1905. Waxa la diley 15-kii Shabcaan 1336 Hijriya oo ku beegnayd July 5-dii 1945.waxa uu ahaa madi dhinaca hooyadii oo lagu magacaabi jiray: Shaqlan Aw Cabdillaahi Aw Cumar ,inkastoo ay jireen ubad kale oo Aabihii dhalay.

Afar da’ faceed, laga bilaabo Aabbihii Sh.Yuusuf Sh. Xasan illaa Abkoowyaashii Fiqi Cabdi iyo Fiqi Cismaan, waxa ay ahaayeen qooys diinta ku caan ah, waxaana jira kitaabo ay qoreen qarnigii 17aad.

Sh. Bashiir Sh. Yuusuf markii uu Taleex ku dhashay, waxa uu Aabbihii Sh. Yuusuf u bixiyey Maxamed, Laakin Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa u bixiyay “Bashiir” Taleexna waxa looga yaqiin yaraantiisii Maxamed-bashiir, waxaa se xoog batay magaca Bashiir.Aaabbihii Sh. Yuusuf Sh. Xasan waxa uu ka mid ahaa Culumadii Daraawiishta diinta bari jirey. Laakin markii dambe Sh. Yuusuf waxaa la xumaaday sidii Sayidku wax u maamulayey, waxa uuna ka soo baxsaday xaruntii Daraawiish sannadihii 1917 ama 1918 midkood, wuxuuna soo degey Beer oo ahayd halkii uu deganaan jirey Aabbihii Sh. Xasan Fiqi Cabdi, markii horena uu Sayidka ka soo raacay. Sh. Yuusuf waxa uu taleex uga soo tagay xaaskiisii Shaqlan, wiilkiisii Bashiir iyo hooyadii Carro Geeddi, waxa ayna u soo raaci waayeen arrin nabadgalyo darteed.

Sayidku ma oggoleyn mana cafi jirin qof ka baxa Daraawiishta, hase yeeshee Shaqlan oo Eeddo u ahayd, soddohdeed Carro iyo wiilkii uu magaca Bashiir u bixyey waa magan geliyey, halka ragga kale ee ka baxsada uu carruurtooda uu Dili jirey, sidii ku dhacday Ina Shixiri oo arrimaha dibedda u qaabbilsanaa Daraawiishta, waana kii Sayidku ku gabyay markii uu baxsaday Ina Shixiri: “Arki maysid Ina shixiriyow inamadaadii!” waana la laayay.

Markii Daraawiishtu jabtay ee Sayidkiina Iimey u baxsaday, ayaa Sh. Yuusuf rag u diray in ay wiilkiisii yaraa Bashiir raadiyaan oo haddii ay helaan u keenaan, waxa ayna u keeneen qiyaastii 1921/1922-kii.

Sh. Bashiir abaabulkiisii ugu horeeyay Waxa uu ku bilaabay dib u heshiisiinta qabiilada si ay ugu midoobaan isticmaarka oo ku shaqeeynayay qaybi oo xukun.

Culumadii deegaanka qaar ayaa u soo jeediyay in aan dagaal iyo xoog lagu jabi karin Ingriiska, ayna fududahay in ay Qur’aanka akhriyaan Allana ka baryaan inuu gumaystaha ka kiciyo.Sh. Bashiir oo arragtidaa culumada qaar ay qabeen aan la dhacsaneeyn ayaa soo qaaday bakeeri ( Koob),ka dibna dhax dhigay culumadii kuna yiri: ku aqriya soddonka Jus ee Qur’aanka kuna jabiya Koobkaa.

Markii ay ku akhriyeen ee uu jabi waayay koobkii, ayuu Sh. Bashiir qaaday bakooraddiisa kuna jabiyay ,wuxuuna ku yiri: Oraahdiisii Caanka noqotay ee Bisinka iyo ficilka oo wada socdo ayaa loo baahan yahay ee “BISINKA XOOG HA LAGU DARO”

 

Horraantii sannadihii afartamaadkii ayuu diyaar garoobay waxaana uu saldhig ka dhigtay meel aan ka fogeeyn magaalada Caynabo. Ka dibna Sh. Bashiir Waxaa dagaal uu isticmaarkii Ingriiska uga soo horjeedo uu ka bilaabay waqooyiga Burco, wuxuuna ka xureeyay deegaanna badan, ugu dambeeyna 1945tii waxa uu soo weeraray xaruntii wakiilka ingriiska ee ku tiillay Burco, isaga oo dagaaladiisu u badnaayeen ku dhufo oo ka dhaqaaq, una diiday ingriiskii in ay nastaan.

Ingriisku waxa uu la yimid ciidama Hindi iyo South Africaan ah, iyo kuwa Soomaliya oo sir doon ah, waxa uuna amray in Sheikha Nolol lagu soo qabto.

Sh. Bashiir Alla ha u naxariistee, Waxaa lagu dilay goobtii dagaalka isaga oo dagaalamaya, deegaan u dhaw Burco oo 20km u jira,ciidamadiisii ayaa si aad ah ugu dagaalamay in uuna ingriisku qaadan Maydka sheekha. Ugu dambeeyntii ingriisku waxa ay maydkiisii u soo qaadeen Burco,waxa ayna dhigeen Bartamaha magaalada si ay dadka u cabsi galiyaan, Sh. Bashiir Waxa uu shahiiday isaga oo Diintiisa iyo sharafta dadkiisa difaacaya.

Laabta ayay rasaastu uga dhacday, duleedka Buurdhaab meesha Lulo-san loo yaqaan. Waxaana goobtaas lagu la diley oo kula shahiiday ku xigeenkiisii oo lagu magacaabi jirey: Caallin Yuusuf Cali. Dhinaca Ingiriiska waxaa looga dilay abbaanduluhii ciidamada Ingiriiska watey oo lagu magacaabi jiray: Games David iyo raggii kale ee la socdey oo ay ka mid ahaayeen Hindidii iyo South African-kii.

FG: Qoraallada qaar ayaa qoraya in uu Geeriyooday 1947,taa waxaan u waayay cadeeyma ku filan, waxaana loo badan yahay 1945.

FG: wixii aan ka qalday ka saxa, wixii ka dhimanna ku dara, ma helin qoraalla igu filan oo aan tix raaco,in kastoo aan akhriyay gabaygii uu mar dambe ka tiriyay xaaji Adan Axmed Af- qallooc. weligeeyna ma tagin Taleex iyo Burco toona.

 

W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir