Home Qoraallo Waddada suubban. Q18AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q18AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

21
0
SHARE

Waddada suubban. Q18AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Sabarka iyo Adkaysiga”

Eebbe kor ahaaye wuxuu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اصْبِرُوا وَصَابِرُوا وَرَابِطُوا وَاتَّقُوا اللَّـهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ﴿٢٠٠﴾

Kuwa xaqa rumeeyow Sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkaysi badan, xilka Eebbe idin saarayna dhowra aad liibaantaane.’ (Suuradda Al-Cimraan: Aayadda 200).

Waxaa kaloo Eebbe kor ahaaye. Yiri:

وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوْفِ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الْأَمْوَالِ وَالْأَنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ ۗ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ ﴿١٥٥﴾

Waxaan idinku imtixaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo dhimaal naf iyo maal iyo miroba leh ee Sabrayaasha u bishaareeya” (Suuradda al-Baqara: Aayadda 155).

Waxaa kaloo Eebbe hufnaayee yiri:

إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ ﴿١٠﴾

“Sabrayaasha waxaa la siinayaa ujuuradooda Xisaab la’aan” (Suuradda az-Zumar: Aayadda 10).

Waxaa kaloo Eebbe kor ahaaye. Yiri:

وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ﴿٤٣﴾ 

“Kii sabra oo iska cafiya wax walba, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah” (Suuradda ash-Shuraa: Aayadda, 43).

Waxaa kaloo Eebbe yiri kor ahaaye:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّـهَ مَعَ الصَّابِرِينَ ﴿١٥٣﴾

Kuwa xaqa rumeeyow! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Eebbe Sabrayaasha ayuu la jiraaye. (Suuradda al-Baqarah: Aayadda, 153).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّىٰ نَعْلَمَ الْمُجَاهِدِينَ مِنكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ ﴿٣١﴾

“Waa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa sabraya.” (Suuradda: Muxammad: Aayadda 31).

Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: daahirnimadu macnaha nadaafaddu waxay u dhigantaa iimaanka barkiis. Inaad tiraahdo, Alxamdu Lillaahi’ oo macnaheedu yahay “Ammaan iyo mahad oo dhan Eebbe ayaa leh” waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka inuu cuslaado. Ku dhawaaqidda ‘Subxaanal-laah’ oo macnaheedu yahay ” Eebbe ayaa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah” iyo ‘Alxamdu Lillaah’ amaan oo idil waxaa leh Eebbe, intaas ayaana ku filan inay buuxiyaan cirka iyo dhulka inta u dhaxaysa oo khayr iyo barako ka buuxiyaan. Salaadduna waa nuur, saddaqaduna waa caddayn muujinaysa iimaanka qofka in aad sabartaana waa wax wanaagsan sida iftiinka. Qur’aankuna waa kuu xujo ama waa kugu xujo. Qof kasta wuxuu waagu ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga.” (Muslim).

Fiiro gaar ah: waagu markuu beryaba qofku wuxuu ku mashquulayaa maalintiisii shaqooyinkeeda haddii uu xasuusnaado Eebbe oo labadiisa indhood hor dhigo maalinta qiyaame ee dambaysa markuu wax qabanaayaba, oo xumaha ka dhowrsado, samahana u dheereeyo. Markaas wuxuu ka xoreeynayaa naftiisa cadaabta maalinta qiyaame; haddii uu ka doorto danahiisa adduunka iyo kasabkeeda tan aakhiro, markaas waa isaga shaki li’i kan khasaaray ee naftiisa halligay!”

Abuu Siciid Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Dad ka mid ah Ansaarta ayaa waxay ka codsadeen Nabiga (S.C.W.) inuu wax siiyo, wuuna siiyay; haddana way waydiisteen mar laabaad wuuna siiyay jeer ay ka dhamaadeen wixii uu haayay. Dabadeedna wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) haddii aan wax haayoba kama labo labaynayo inaan idin siiyo. Ogaadase: qofkii is dhowra Ebbaa dhowra; qofkii is deeqtoonaysiiyana Eebbe waa deeqtooneysiiyaa, qofkii sabrana Eebbe waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin gallad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda Eebbe.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Arrinta qofka mu’minka ah waa wax wanaagsan oo la yaab leh. Waana u khayr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska leh mu’minka oo kaliya cid kalena lama wadaagto. Haddii uu helo wax wanaagsan, waa ku shukrinayaa Eebbe taana waa u khayr; haddii ay dhibaato lasoo gudboonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Eebbena raalli ayuu ku noqdaa, taasina sidoo kale waa u kheyr.” (Muslim).

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: markuu xanuunka Nabiga (S.C.W.) ku batay oo uu gaaray heer uu mar mar la miyir beelo. FAADUMOb( A.K.R.) waxay kor u tiri: Aah! daranaa xanuunka haya aabbahay. Aabbihii sharafta iyo darajada badnaa wuxuu ku yiri: dhibaato kale ma arkayo aabbahaa maanta dabadeed.’ Markii uu dhintay ayay waxay tiri: Aah! Aabbahay! Wuxuu maqlay yeeritaanka Rabbigii; Aah, aabbahay! Jannaatul Firdoows ayaa waxaa noqotay hoyaadkiisa. Aah, Aabbow! waxaan u sheegaynaa malag Jibriil geeridaada. Markii qabriga la dhigayana waxay tiri: sidee ayaa naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii Eebbe ciid ku rogtaan, macnaha aastaan?” (Bukhaari).

Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon Nabigu (S.C.W.) Xoreeyay iyo saxaabi uu aad u jeclaa Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Usaamah: gabar uu dhalay Nabiga (S.C.W.) ayaa u soo cid dirsatay Nabiga wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho u dhaw darteed. Wuxuuna u diray Nabigu gabadhiisa salaan iyo fariin ah: Eebbe asigaa leh wixii uu bixiyo oo gallad ah, asigaana leh wixii uu qaato. Wax walbana muddo go’an ayeey leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto qaddarka Eebbe rejaysana naxariista iyo ajarkiisa? Mar labaad ayeey usoo cid diratay iyadoo ku adkaynaysa oo ku baryeysa wajiga Eebbe inuu u yimaado. Markaas ayuu kacay oo aaday gurigeeda isagoo ay wehliyaan Sacad bin Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) Ubaya ibn Kacab (A.K.R.) Sayid bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag kale. Markii uu gaaray halkii ay joogeen, ayaa wiilkii yaraa loo dhiibay Nabiga (S.C.W.) wuxuuna saaray dhabtiisa, markuu arkay nafta oo ka sii guuraysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilku, waxay indhihii Nabigu (S.C.W.) Bilaabeen inay sii daayaan ilmo. Markaasuu yiri: Sacad (A.K.R.) Nabi Allow! waa maxay waxa kani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waa naxariis Eebbe geliyay quuluubta addoomihiisa.

Werin kalena waxay leedahay: quluubta ciddii uu doono oo addoomihiisa ka mid ah. Allena wuxuu u naxariistaa addoomihiisa kuwa naxariista leh.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Waa mowduuc aad u dheer oo aan hal qoraal iyo wax la mid ah aan looga faallayn karin ee Eebbe ha nagu anfaco. Halkiisa ayaanna kasii wadi doonnaa haddii Eebbe idmo. wixii aan ku gefay Eebbe ha iga cafiyo, wixii aan saxana Eebbe wanaaggooda ha ii abaal mariyo. Annagana kuwii ku waana qaata oo wanaagga faafiya Eebbe ha naga dhigo, dhammaantayn!”

W/ D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”