FILANWAA! Q2AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA! Q2AAD

Inkastoo guux hoose jiro, haddana wax caqabada ma dhicin, sababtoo ah, waan ognahay haddi uu qofku adduunyo gacanta ku hayo inuu leeyahay qiimayn gaara, ninka qurbaha ka yimidna hadalkiiba daa oo ixtiraam weyn ayuu leeyahay, reerku intooda badan waa la qaateen go’aanka odayga, Canabse waa warmoog.

Intaa kadib odaygu wuxuu sameeyay  arrin kadis ah, odayaal iyo culumo ayuu EX xaruntii Dalxiiska ee Radio Darban ku ooli jirtay  ku balamiyay, halkaasaana Canab lagu bixiyay  oo Axmed siin iyo meher laysugu  daray, duco iyo gacanqaad ayaa ka dhacay si farxad leh ayay howshu ku soo dhammaatay.

Odaygu markuu xaafadda yimid, wuxuu qoyska intii sheekada la socotay usheegay in Canab lagu mehiriyay Axmed, toddobaadka soo socdana uu dhici doono aroosku, sidaa darteed in laysku diyaariyo qabanqaabada howsha arooska.

Canab markii ay maqashay sheekada guriga ku dhax wareegaysa, waxay ku noqotay Filanwaa la yaabkeeda leh, taaso murugo iyo fikir durba ku abuurtay, xilli dambe oo uu aabbaheed magaalada ka yimid ayay gooni ula faqday iyadoo ooyaysa, waxayna aabbaheed ku tiri:

‘’Aabbo maxaad sidan u yeeshay miyaana ilmahaagi ahayn?, maxaad iigu dartay nin aana aqoon, maxaadse iigu sheegi wayday? Aabbo waxaad ogaata inaana usoo jeedin guur, adigaana yaqaana qofka aad u aqalgayn doonto, anigu waxbaan bartaa ma rabo inaan ku lugooyo, sidaa darteed ninka waxba waqtiga ha kalumin lagama yaabo inaan oori u noqdo”.

Sid agan ayuu ula hadlay odaygu, wuxuuna usheegay inuu marhore arrintan ka baarandagay, islamarkaana dhinacyo badana wax ka eegay, waliba tashiyo kala duwadana reerka intiisa badan la qaatay,  si ayna sheekadu udhicisoobin oo ay u noqoto mid midha dhala, wuxuu yiri: “waxaa laysku raacay inaan mustaqbal wanaagsan kuu dhisno” isagoo hadalkiisii sii wata odaygu wuxuu yiri:

“Aabbo sidaad mooday ma aha, waa walaalka waa nin wanaagsan, anaa kaa huba meel fiican  ayaan kuu sahmiyay ee maandhay oohintan inaga daa, waxaa ila habboon inaad hadalkayga qiimayso, anigu isku halayn ayaan kuu siiyay ninkan, waliba kalsooni buuxda ayaan kugu qabay, marnaba niyadayda kuma soo dhicin Canab ayaa hadal kugu soocelin”.

Canab hooyadeed iyo wiilal ladhashay, ayaa iyaguna dhankooda ku qanciyay inay u hoggaansanto hadalka aabbaheed ducana ay qaadato, balse Canab maya ayay istaagtay, waxay aad ugu celcelisay in ayna marnaba aqbali doonin arrinkaas. Si walba oo ay Canab uga biyo diiday dhag qalaq looma siin, go’aankuna waa kan uu aabbaheed iclaamiyay.

Muddo 24 saac gudahood ayay xaaladdu murugo iyo naxdin isu badashay, waxay noqotay mucjiso lama filaana oo mugdi iyo shucaac ku gadaantay rajadii mudada dheer la saadaalinaayay ee udhaxeysay Canab Iyo Maxamed, waxaaso soo dhan waxaa ka daran oo mahadho ku ah Canab, sida dagdaga leh ee waxani udhaceen.Canab waligeed kuma ayna fikirin nin aan Maxamed ahayn inay nolasha laqayb sandoondo, balse waa qadar Ilaah oo rabitaanka caynkaasa gabalkiis ayaa dhacay.Canab waxay aabbaheed ka codsatay in la siiyo fursad si ay arrintan uga soo fikirto.

 

W/Q Yaasiin Xasan Muuse

 

SHEEKOOYIN