Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 3aad W/Q: Hassan Mudane

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 3aad

 

 

 

 

 

 

 

Ilaalinta Xogta iyo Macluumaadka Cilmibaarista

Casharkii labaad waxa aynu soo baranay anshaxa cilmibaarista gaar ahaan ‘The Nuremberg Code.’ Casharkan waxa aynu ku baran doonaa xeerarka ka yaalla ilaalinta xogta iyo macluumaadka cilmibaarista. Inkasta oo ay ku xiran tahay su’aalaha iyo ujeedka baarista, haddana waa lama huraan in baare walba uu soo uruuriyo xog iyo macluumaad waafaqsan ugu yaraan xeerarka caalamiga.

Wixii ka dambeeyey 1945, dunida waxaa ku soo kordhay laba xeer oo ay soo saareyn qaramada midoobey iyo midowga yurub, si loo dhowro macluumaadka qofka ama dadweynaha. Haddaba macluumaadka ay waajibka tahay in la ilaaliyo waa kuwa gaarka u ah qofka sida magaciisa, meesha uu ku dhashay, diintiisa, mushaarkiisa, caafimaadkiisa, iwm. Inta badan dalalka reer galbeedka waxa ay leeyihiin hay’ado u qaabilsan dhaqangelinta xeerka ilaalinta xogta iyo macluumaadka, waana xeer loo dejiyey in ay raacaan cilmibaareyaasha. Tusaale, 1998 dalka Ingiriiska waxa ay soo saareyn xeerka ilaalinta xogta iyo macluumaadka (Data Protection Act). Xeerkaas waxa uu waajibinayaa in xog walba:

 

  1. Uruurinteeda loo maro waddo waafaqsan xeerka.
  2. Mid hufan, sax ah, aan dhaafin soohdintii loogu talagalay.
  3. In aan la kaydin karin in kabadan intii loo baahi qabay.
  4. In lagu kaydiyo meel nabadgelyadeedu sugan tahay.
  5. In aan laga bixin xayndaabka midowga yurub (yacni in aan loo dirin meel ka baxsan midowga yurub).

Sidoo kale, xeerka ilaalinta xogta iyo macluumaadka cilmibaarista waxa uu saameynayaa jaamacaddaha. Waayo jaamacaddaha qaar waxa ay sameeyaan cilmibaarisyo kala duwan, ka hor inta aysan fulin cilmibaarista, jaamacadda gaar ahaan kulliyadda markaas sameynaysa baarista waxaa waajib ku ah in ay u gudbiso hay’adda dowladda u qaabilsan ilaalinta xogta iyo macluumaadka:

  1. Mowduuca cilmibaarista
  2. Magaca cilmibaaraha iyo meesha laga heli karo (Haddii loo baahdo).
  3. Xogta ama macluumaadkii la soo uruuriyey.
  4. Ujeedka loo sameeyey cilmibaarista.
  5. Dadkii ama hay’addii lala wadaagay xogta ama macluumaadka.
  6. Ammaanada xogta (Sida in la qariyey magaca qofka iyo in kale).

 

Wixii dheeraad ah, akhri buugga hoose:

  1. Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 13-14

   WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika

SHEEKOOYIN