Sooyaalkii saxaabbada (ERN )Q2AAD W/Q: Muqtaar Macalin Cali Bood

Sooyaalkii saxaabbada 1(ERN )Q2AAD

 

Ku biiristi islaamka( Sayid Abuu bakar Al siddiiq ERN)

Wuxuu ahaa nin garaad badan oo aragti dheer leh, laguna tiriyo raggii ugu garashada badnaa uguna waxgalsanaa Makka, markii hore ee Islaamku yimid hore ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u fududaydsay saaxiibtinimadii Nebi Muxammed(NNKH) uu saaxiibka la ahaa iyadoo meesha aysan ka marneyn jaceylkii uu Eebbe Sarreeye jeclaa addoonkiisa Abuu bakar ERN, waayo Eeebbe weynaaye cidduu jeclaado oo kaliya ayuu ku hagaa kuna hanuuniyaa gudashada iyo garashada diinteena suuban.

Waxuu yiri sayid Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waabariisatay kheyr doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay diin wanaagsan.

Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu ka mid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.

Waxuu yiri:- Maya. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri:- Nebigan la sugaayo xaggeena miyuu ka iman doonaa (reer Thaqiif), mase idinka (reer Makka), ama reer Falastiin. Waxuu yiri sayid Abuu Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doono waan baxay oo waxaan aaday dhankii Waraqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartamaha Carabta nasab ahaan. Waxuu yiri:- waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu dhahi Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu dhahi wixii lagu yiri waxyiga loo waxyooday .Markii Nebiga (NNKH)la soo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.

Markii la soo diray Rasuulka (NNKH)qofkii ugu horreeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiggo waxuu ahaa sayid Abuu Bakar Siddiiq ERN. Abuu bakarna isaga oo aan laba labeyn ayuu hore ka oggolaaday islaanimada kana qaatay diinta barakeysan. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija haweentii Rasuulka (NNKH) hor qaatay islaanimada, haddii Khadiija ka horreysayna wuxuu noqonayaa ninkii ugu horreeyey.

Eebbe haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada taariiqda yaqaan waxay ku xukmiyaan inuu sayid Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay.

Markii Rasuulka (NNKH) la soo diraayey waxuu sayid Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan ka mid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cusmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo Culimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta sayid Abuu Bakar Siddiiq ERN. Sidaa si la mid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa dad badan oo uu ka mid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.

Rasuulka (NNKH) isagoo inooga warramaya Islaamiddii sayid Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu fiirfiirinaayay marka laga reebo sayid Abuu Bakar ma ahine isaga markaan uga warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin, hase ahaatee qof haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi.

Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka (NNKH) agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii sayid Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabbada kale oo dhan marka laysu geeyo.

Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta iyo inta gefkaasi uu dembi la egyahay .

Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti ka lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gargaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynaayay.

W/Q: Muqtaar Macalin Cali Bood

SHEEKOOYIN