Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.) Qaybtii 3aad

Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)
Qaybtii 3aad
Qore : Mohamed Musa Sh. NoorWaqtigu wuxuu taag taagsadaba aasiyo maalintii dambe waxay booqasho lama filaan ah ku gashay guriga Xaaji Buraale iyada oo markaa la socoto gabar kale oo ay qaraabo ahaayeen islaanta xaajiga uu gurigaas ku qabay.
Kaftan lama filaan ah ayaa meesha ku dhex maray xaajiga iyo gabadhii ay aasiyo la socotay, xaajiga oo markaa faduulinaya gabadha ayaa yiri “Ayaan oday aniga oo kale ah ayaan kuu soo helay ee maandhaay maad nolol samaysatid aad liibantidee”.
Gabadhii iyana iska caabin ayey kala hor timid markaas ayuu dhanka aasiyo usoo jeestay isaga oo ku dhahaya “Aasiya haye tan waa diiday ee adiga ma isku dayi kartaa”
Aasiya oo qoslaysa isna ogayn waxa ay dhahayso ayaa tiri aniga haddaan oday guursanayo adiga ayaan ku guursanayaa, oday aan la aqoon maxaa iigu riixaysaa?
Cajiib aasiya isma oga kaftan ayeyna u dhahaysay balse xaajiga damac ayaa galay markaas ayuu is yiri maanta waa lala socdaayee maalin kale gaad iyada oo kaligeed ah.
Xaajiga dhugmo awal uma lahaan jirin aasiya balse markan wuxuu bilaabay in uu eego sii jeedkeeda mise waxbaa is daba yaacaya, soo jeedkeeda ayuu hadana si xatooya ah isha ula laacay mise waaba yaa iga nimcaysta!!!
Aasiya gurigeeda markii ay kusoo laabatay ayey dib iskula yaabtay waxa maanta ay ku hadashay dib uga shallaaysay allow damaca odayga ha iga galina is tiri.
Maalmo markii ay kasoo wareegatay ayey aasiyo misana xaafadda wax uga soo baahatay, maanta waaba jaanis weyn, islaantii odayga ma joogto oday buraale ayaa hoos harsanaya geed harac ah oo markaa aad u qabow waana kaligiis, cid jiiq dhahaysa ma jirin, islaanta uu qabayna markaa ilma uma hayn.
Oday buraale wali qorshihiisa ka mid maahan in uu Naag kale guursado balse faduulin iyo damac waa caadadiisa.
Isaga oo faduushiisa iyo damiciisa uga faaiiidaysanaya jaaniska maanta uu aasiyo ku helay ayuu ku yiri “aasiya maandhay maalin hore markaa dhahaysay oday aan adiga ahayn ma rabo maxad ka wadday?
Aasiyo iyadu awood ay isku koontaroosha maba lahan kuteh waa runtay ee adiga ma i guursanaysaa.
Acuudu billaah maxaa gabadha ku dhacay iyadii ayaaba horor ah oo odayga isku ballaqaysa.
Xaajiga oo yaaban ayaa yiri “maxaad igu falaysaa? Oday waayeel ah ayaan ahay, hanti badan kaama bixinayo, guri qurxoon kuma dhigayo, awood raganimo oo taada dumarnimo qancin kartana ma lihi, oday ay ka dhamaatay ayaan ahay, habar sidayda oo kale ay ka dhamaatay haddaad ahaan lahayd la garay, maandhaay malagu soo inkaaray?
Kuteh inkaar iskuma ogi, ee adeer haddaad ila noolaan karto maxaan kugu diidayaa wixii Rabbi qaddaro qaddaran!
Yaab badanaa Aasiyo maka dhab baa, wallee wax baa salag leh, odayga ayaaba difaac ku jiro iyadana waa weerar.
Markaas ayuu xaaji buraale yaqiinsaday in gabadhu diyaar u tahay balse Aasiyo wali ogaal iskuma lahan oo waxa ay dhahayso cabsi qalbiga ah waa ka qabtaa hadana waxbaa riixaya ka tan badan oo ma lahan awood ay wax ku diiddo mid ay ku ogolaato oo kaliya ayaa afkeeda ka furan inta kale laabteeda waa ka xirantahay!!
Geeso lo’aad kuleelka ayaa lagu gooyaa si la mid dumarka tan ku ogolna xilliga ay ku ogoshahay ayaa laga dhex baxaa, Xaaji buraale go’aan wuxuu ku gaaray in duhurkan la taagan yahay aysan arrintu la dhaafin, markaas ayuu ku yiri aasiyo bal maandhay shaah baa i hayee shaah noo soo kari sheekadeenuna waa qabyo aan shaahna marka hore waan dhamaysan doonaayee.
Aasiyo waa gabar loo sito dhanka oday buraale, caloosheeda waxaa ku dhex nuuxsanayo waa owlaad uu odayga leeyahay in ay iska dhigtana waa qasab laga qaddaray dhanka Alle.
Waxaa la yiri wax walba sabab ka dambaysa ayey u dhacaan, balse waxaa jira wax dhaca sabab la’aan oo sabab aanan yeelan karin, waa maxay waxaas bal is waydii? Jawaabta aniga ayaa ku siinayo ee indhahaaga haka qaadin qoraalka, (waa Calafka) waxa aan sababta yeelan karin, calaf ayaana meesha ka salag leh maanta.

La soco qaybta 4aad barrito insha Allah

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN