Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q4AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q4AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Dhallinyaro” waxaa marinaya laashin: Maxammed Gacal Xaayow (AUN). Wuxuu uga guuroobayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee halbowlaha u ah jiritaanka Qowmiyadda Soomaaliyeed, deegaan walba oo ay joogaan. Wuxuu si gaar ah u ammaanayaa dhallinyaradii u soo halgamay Xornimada Qaranka Soomaaliyeed ee (13-kii SYL). Waxaa kale oo uu guubaabinayaa kuwa nool ee u jeelqaba inay dalkooda difaacdaan is ka na dulqaadaan kuwa dullaynaya ee iibsaday. Guurowga wuxuu tiriyay: (30) Soddon sano ka hor. Waxaadse mooddaa inow maanta uu tiriyay, Laashin: Maxammed Gacal Xaayoow Eebbe ha u naxariistee, waxaa lagu xasuusan doonaa murtidii saafiga ahayd ee uu uga tegay Sooyaalka dhaxal reebka ah. Guurowguna wuxuu u dhacay sida tan ee ka bogasho wacan:

• Dhallinyaradu waligeedba waa, Dheeman iyo Luule
• Dhaayaha wax lagu eego iyo, Dhumucdi weeyaane
• Dhulka ubaxa lagu beeray iyo, Dhibicdi weeyaane
• Dhafan-dhaafka howlaha kuwaan, Raadka dhugan weeye
• Dhudhunkii afmaashiyo, Tacliin dhigata weeyaane
• Waa wax dhir iyo foox uga udgoon, Waalidkii dhalayee.

• Dhisinka iyo udubkii la muday, Dhidibki weeyaane
• Cadceed dhalatay waa dhala-lac yiri, Dhoolki bari weeye
• Dhaqankiyo siyaasada dhunteey, Dhab u tilmaamaane
• Dheg xumadaya ceeba waqood, Umma dhibqaataane
• Dhagar qabaha dhuunta u jaraa, Dhowla qowsadaye
• Lafti dhabarka weeyoo dhextiil, Labada dhoonsaare
• Dhiti duur ka baxa weeye iyo, Dhebagi toosnaaye
• Dhiil la culaye dhaay lagu lisaye, Kuu dhe-dhemi weeye
• Dhoombir culus risaas lagu dhacshee, Dhooba kala jeexday
• Oo dhebedda howdkiyo ugaartuba, Ka dhiillootay
• Dhiirranow Libaax iyo Shabeel, Dhirifsan weeyaane
• Oo aan nin u dhedaystaya marnnaba, Dheefu sabanaynee.

• Dhabbaan xagal lahayn iyo Hallood, Khayr u dhaca weeye
• Dhiigtaar xididda yeeshoon caqliga, Loogu dhicin weeye
• Horseed dhaba dhufays lagu gambado, Dhuumashadi weeye
• Ma dhaafaan dharaartii shan iyo, Tobanka May’e (15-May)
• Dhallinyarada Soomaalideey, ugu dhaxaysaaye
• Aniguna dhankaan ka cuskadaan, Dheelli tirayaahee.

• Afartaa dhammeeeyee dhabtii, Ugaga faallooday
• Dhirir iyo dhawaan dhimasho waa, La ma huraankiiye
• Dhagax meel dhaw baa lagu ridaa, Dhawaqna meel dheer’e
• Raggu wuxuu is dhaamaa inow, Xil isu dhiibaahe
• Dhayla ugub karuurkay dhashaa, Waa dhanaan yahaye
• Dhiiggooda hurayaashi kacay, Dhowrya tobankii nin
• Dhallinyaradi Leegadi dhisaye, Gobannimuu dhaartay
• Waxay dhaxashay baan doonayaa, Inan ku dhaadaayee.

• Dad baa dhaanka maqan dhowrayeen, Dhoontanaan rarane
• Dad baan dhididin howshana u dhiman, Dheexa loo shubaye
• Dhexday uga dhegeen dhoon marbaa, Lagu dharaartaaye
• Waxay dhaxasha waayeen nin dhacay, Aa na dhaajiyay’e
• Waxa dhacay in dhibi lays ku tumo, Dhuunta laga guuxo
• Ee Qabiil la soo dhaafay shalay, Dhalasho loo sheegtee.

• In kastoy ka dhiidhiday dheg waa, Loo dhukayi diiday
• Dhiiggiya nasiibkoodibay, Rag isku dheehdeene
• Aan dhe-dheminno goortey dheheen, La is ka dhaammeel’e
• Calankaanna dheel lagu ma helin, Dhaban buuluuglow’e
• Dhulka loo ma soo dhigin jeereey, Dhammac u jiiraane
• Dhareerkoodibay uga dhigeen, Sun dhuunkaalee.

• Ma dhallaalo weligii dhafoor, Murugu haydaaye
• Ma dhiigaysto neefkii ku dhala, Dhadiga jiilaal’e
• Dhaygaggay tacliintuu qabeen, Dhimatay yoomkaane
• Dhismadii Iskoolladi intii, Laga ma dheerayn’e
• Dhammastii la dhigay iyo ishii, Dhayda laga saaray
• Dhaawocow gumaystuhu ku dhigay, Dhiibi kici wayday
• Afkaa looga dhiiqsaday markay, Dhab u irmaanaatee.

• Dharaaraha mid baa lagu ledaa, Dhowrashada guud’e
• Marbaa dhaxanta geed laga dugsado, Dhacaru fuushaaye
• Mar baa dhaxalka wiil looga boxo, Dhabarka saartaaye
• Dhukaanka iyo gaajada marbaad, Dhogor gaddootaaye
• Marbaad dhedaya neecaaw qabow, Laabta dhigataaye
• Marbaad dhiirri uga aarsataa, Dhugus waraabaahe
• Marbay dhacantu oodaha hortood, Dan u dhammaataayee.

• Iyagoo debkeey dhilinayeen, Dhuxushi qiiqaydo
• Dhambaalkii nabsiga baa ku dhacay, Ciidankuu dhurane
• Hubkeey soo dhifteen weeraybay, Dhagac ku siiyaane
• In kastoon wax loo dhimin dadkay, Dhinac ka raaceene
• Dhallinyaradi hiyi dhaaftay baa, Taladi loo dhiibay
• Shacabkii la kal dhowri jiray, Dheef wadaag noqoye
• Aniguna dhawaaq mayska dhigay, Dhowr habeen jirayee.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guriga xariirka:

Cuute23@hotmail.com

Shiribmaal@gmail.com

SHEEKOOYIN