Farxaddu iib maaha Q3AAD W/Q: Cabdul Cabdukariin (Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q3AAD

Raage ayaa hadalkiisii ku furfurtay, Bismillah eeboow talada san nagu toosi oo na waafaji, een Gacaliso waxaan rabaa inaan kula wadaago arrin ee bal I dhegayso warkaygana dhuux. Ka hor inta aan arrinta aan rabo inaan kaala hadlo aan guda galin ee si fiican waxaan rabaa inaan kaaga sheekeeyo sheeko dhacday .

Waxaa jiri jiray nin hodan a, hanti badana lahaa, ninkaas waxaa u shaqeyn jiray nin magaciisa la yiraahdo Jimcaale, Jimcaale waxa uu ahaa nin aamin ah dhan walbo shaqadiisana ka adag ,waxa uuna fasax uu heystay in lacagta mushaarkiisa uu shilin ka isticmaalin wax walbo uu u baahan yahay uu ka isticmaalo ninka uu u shaqeeyo hantidiisa. Ninka hantiilaha ah, waxa uu cayaari jiray toddobaadkiiba hal maalin baqtiyoow nasiib mar walba uu ciyaaro intaa oo kale ayuu jimcaale ugu dari jiray, waxaa dhacday maalim maalmaha ka mid ah jimcaale inuu ku guuleysto lacag dhan laba Malyan oo doolar.

Ninkii hodanka ahaa aad ayuu uga werwerey sidii uu ugu sheegi lahaa Jimcaale inuu helay laba Malyan oo doolar, waxaa uu doorbiday inuu la kaashado dhaqaatiirta cilmi nafsiga si uu maskaxdiisa u ilaaliyo Jimcaale.

Waxa uu u tagay Dhaqtarkii magaaladda ugu caansanaa waxa uu u sheegay in nin shaqaalihiisa ka mid ah uu ku guuleystay lacag cadadkeeddu gaaraayo laba Malyan oo doolar, waana tan lacagtii balse inuu ka dhaadhacsiiyo asagoo wax dhib ah gaarin inuu ku guuleystay lacagtaan.

Dhaqtarkii waxa uu yiri : “ Tani waaba shaqadeyda igu haleey inaan si dagan u aqbalsiiyo asagoon dhib gaarin ee beri subax ii soo dir.

Waxaa la gaaray subaxnimaddii Jimcaale ayaa lagu wargaliyay inuu dhaqtarkaas la kulmo, isla markiiba waxa uu aaday xafiiska dhaqtarka asagoo yaaban waayo wax caafimaad daro iskuma ogeyn balse waligiis af celin kuma sameyn wax walba oo la faro maadaama uu nin xoog furan ahaa.

Markii uu dhaqtarka la kulmay waxaa dhacday in su’aalo badan oo iska aan dhib lahayn la weydiiyay oo marba dhinac looga keenaayay, ugu danbeyntii ayuu ku yiri Jimcaaloow haddaan maanta Laba milyan oo doolar gacanta kaa saaro maxaad ku sameyn laheyd? 

Jimcaale oo qoslaayo ayaa ku yiri hal malyan adigaan ku siin lahaa, Dhaqtarkii neefta ayaa ku dhagtay in cabbaar ahna hadal waa ka soo bixi waayay, waxaana uu bilaabay inuu dhidido naxdin iyo farxad iyo faro ka nax awgiis, waxa uu yiri :dhaqtarkii ii saxiix halkaan inaad hal malyan aniga i siin laheyd, Jimcaale ayaa ku yiri ii dhiib qalinka waana u saxiixyay.

Markii uu saxiixa dhaqtarkii ayaa waali iyo bood bood bilaabay waxaana loogu yeeray gargaarka dagdaga asagoo milyan dhib la’aan ayaan helay hadal kale waa laga waayay, waxaana si toos ah loo geeyay qeybta dhimirka si loo daaweeyo, ninkii Jimcaale ahaa waxa uu u yimid booskiisa una sheegay ninkii inuu waashay iyo wixii kala qabsaday.

Markaas ayaa ninkii hodanka ahaa ku yiri  Jimcaaloow ninka waashay hungurigiisa ayaa waalay waa run inaad lacagta heshay waana tan labadi malyan ee sida aad rabto ka yeelo Dhaqtarkana qiyaanaddii uu kula damcay inuu kugu sameeyo ayaa la wareegtay, waayo waa ogaa in lacagta sax tahay.

Jimcaale oo faraxsan ayaa ka codsaday maadaama uu in badan uu shaqaale u ahaa, aad u dhaqaaleyn jiray iney wadaagaan oo uu bar iyo bar u kala qaataan, Taajirkii ayaa ku yiri haddii maal adduun wax taraayo waa heystaa lacagta iga soo gasha baqtiyoow nasiibka waligey hal kumi kama cunin waxaan ku quudi jiray dadka aan wax heysan balse adigu waxaad doonto ka sameey waxaaga adigaa iska leh.

Jimcaale maalintaa wixii ja danbeeyay waxa uu ka mid noqday jeeb weynayaasha waliba dadka kaalmeeya. Haddaba macaanto maanta waxaan heysanaa fursaddii Jimcaale uu helay oo kale, maanta wixii ka danbeeyo Faqri wa is deynay ee talo meeshii aan ka bilaabi laheyn ayaa lagaa rabaa? 

Xaaskiisa oo intii sheekada loo wadday aad ula socatay ayaa tiri horta aniga ha ii baqin sidii taqtarkii qiyaanoolaha ahaa inaan markaad farxadda ila waddaagto inaan waasho ee ma laba malyan ayaad noo sidaa aan goobaba goobeynee ayadoo dhoola caddeyneyso.

Waxa uu yiri labo milyan ma sido laakiin intaan sido naga badan oo 500.000 Doolar oo maanta gacanteyda ku jirto gacanta ayuuna ka saaray, Xaaska oo aan wax dareen naxdin galin ayaa ugu warcelisay bal aan duhurka iska bixino oo labo labo rakcadood oo salaatul istiqfaara u dukano ka ddib aan go’aan aan ka gaarno wixii aan sameyn laheyn.

La soco qeybaha kale

Cabdulle Cabbdikarim Jallaato

 

 

SHEEKOOYIN