Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)

Aasiya Khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)
Qaybtii 4aad
Qore : Mohamed Musa Sh Noor
Kadib markii ay shaaha soo karisay ayuu oday buraale gabadhii u maah maahay wuxuna ku yiri “Aasiyo waxaan kaaga digaayaa saddex, saddexna waa ku farayaa.
1-Waxaan kaaga digayaa wiil da’daada ah oo damacaaga iyo dareenkaaga aan fahmi karin.
2-Waxaan kaaga digayaa shisheeyaha oo ku jeclaado.
3-Waxaan kaaga digayaa adduunyo daba galkeeda.
Saddexna waan ku farayaa.
1-Oday daacad ah oo u darban diiwaan galintaada wanaagsan (Guurkaaga)
2-Tolkaaga oo ku naca in aadan ka cararin oo dabada haysato xaalku siduu doonaba ha noqdee.
3-Dariiqa Alle in aadan ka leexan duruuftu sida ay doontaba ha noqotee.
Kkkk xaajiga waxa uu farayo iyo waxa uu ka reebayo dhamaan dantiis ayaa ka muuqato. Aasiyo iyada wax aan madax ruxid la macna ah ogolaaday aan ahayn ma muujinayso .
Xaji buraale wax uu marba darbi ku dhaco, marba luuq soo maro, markii dambe wuxu is keenay bacaadka oo waa kan dalbanaya Guur, aasiyana si lama filaan ah ayey uqbalaysay, xitaa laguma hayo waxa dumarka u caadada ah ee waqti isii la dhaho.
Sheekadu waxay is saba socoto maalintaa waxaa lagu soo gabal dhacsaday heshiis iyo si faham dhex maray labadooda waana guur bishaarada.
Aasiya saaka guriga ay alaabta u doonatay galabta ayey kasoo baxday iyada oo u diyaarsan in ay marwo u noqoto xaaji buraale.
Iyada oo yaaban marna naxsan, marna isku dhiiri galinaysa in aysan wax xun samayn oo nolosheeda ay dhisanayso ayey soo baxday isla markiina Xaawo Nuur ayey u tagtay iyada oo dhahayso habaryar xaawa riyadaada fasirkeeda way rumowday, xaaji buraale ayaan lugahayga ku doontay guurna waan kusoo heshiinay.
Xaawa nuur iyada kama waalin, gabadhana kuma qoslin oo in ay didiso ayey diideysay.
Xaawa nuur odayga dhaqaale ayey ku ogayd, in uu nin wanaagsan oo Alle ka cabsi lehna yahay waa ogayd, sabab ay ku cilladayso aan ahayn in uu oday yahay ma jirin, hadana maadaama ay gabadhiiba taagantahay waan heshiinay waxay is tustay in ay usii camirto gabadha oo ku taageerto rabitaankeeda, markaas ayey bilowday in ay u muujiso in ay ku faraxsantahay talaabo iyo go’aan wanaagsana ay qaadatay.
Waxaa la guda galay qaban qaabada arooska Aasiya iyo Xaaji buraale, aasiyo ciddeeda si fiican ayaa loo qanciyay, waxay ahaayeen dad miyiga dagan aabaheed iyo hooyadeed, iyadiina si fiican ayaa loo quruxsaday oroos wanaagsana waa loo dhigay, sidaas ayey ku dhisantay nolosha Aasiya.
La soco qaybta 5aad

SHEEKOOYIN