Home Qoraallo Ilbaxnimadii Soomaalida Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Ilbaxnimadii Soomaalida Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilbaxnimadii Soomaalida Q1AAD

Ilbaxnimo? Haddaan qeexno weedhan ilbaxnimo waa mid muujineysa, horumar dhaqan iyo dhaqaale bulsheed ay heer ku gaadhay, arrimo aan hore u jirin oo bulshadaasi ambaqaaday, dhaqan soo jireen ah oo ku dhisan maskax iyo maanin habka nolosha loo maareeyo oo leh waddooyin iyo wadiiqooyin loo jeexay.

Ilbaxnimada Soomaalidu waxay ahayd mid aad u sarreysa oo gaadhay heerarka bulshooyinka cara edeg gaareen,   ammin hadda laga joogo boqolaal sanno iyo ka badan.

Qoraalkan ayaan doonayaa inaan ku lafa guro, hab nololeedkii bulshadeena intaannu carrigeena imanin saancaddaaluhu, idiin kama sheekaynayo Sooyaalo badan oo laysku maandhaafsan yahay iyo firka iyo abtiriska soomaalida, idiinma sheegi doono, dhulka iyo sida ay u kala degaan beeluhu, idiinma far muuqi doono, meelo badan oo aad isku maandhaafsan tihiin, waxaanse idinla wadaagayaa waxaad ogtihiin balse aad quudhsateen oo aad yareysateen.

Soomaalidi shalay

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku dhaqneyd in ka badan 4000 sanno ciise hortiis, sida ay inta badan isku raacsan yihiin aqoon baadhayaasha iyo sooyaalhayanada cara edeg iyo kuwa soomaaliduba.Dhulka Soomaalida ayaa ahaa midka ay maanta degan yihiin guud ahaan, Soomaalidu waxay lahayd inta bulshooyinka kale lahaayeen, aqoon, dhaqan, ilbaxnimo iyo dhaqaaleba.Bulshada Soomaaliyeed ayaa u qaybsaneyd dhawr qaybood oo kale duwan.

  • Raacato
  • Beerato
  • Ugaarsato
  • Kalluumeysato
  • Xoogsato
  • Ganacsato

Ilbaxnimada la sheegaana waxaa saldhig u ah oo ay ka soo unkataa intaan aan soo sheegnay,   waxaan rabaa inaan qodob walba is dul taagno, cid walbana habkii ay u nooleyd aan wax ka tilmaamo si aynu u ogaano isuna barbardhigno shalay iyo maanta,  sidoo kalena aynu is weydiino ma shalaybaan ilbax ahayn mise maanta?

RAACATO

Dadka Soomaaliyeed waa dad leh aqoon iyo ilbaxnimo aad u fog oo ku dhisan dhaqashada xoolaha, waxaynu nahay bulsho   ayaan u yeelatay iney hesho dhammaan meesiyada xoolaha cara edeg ku nool.

  • Geel
  • Lo’
  • Adhi
  • Gammaan
  • Digaag

Waxaa jira dalal badan iyo dadyoow badan oo aan haysan intan aynu haysano, ma xusna lamana yaqaan goorta iyo amminta aynu bilowney xoola dhaqashada, waxaanse odhan karaa intii dadkeennu jireyba waa haysteen, waxaynuna kala mid nahay bulshooyinka kale ee carriga ku nool.

Geela.

Soomaalidu waa dalka ugu dhaqashada badan meesiga geela, waxaynuna u adeegsanaa siyaabo badan oo aan dunida loo adeegsan, waxaynu u dhaqanaa   si ka duwan sida bulshooyinka kale u dhaqdaan, waxaa uuna ahaa lafdhabarta dhinaca nolosha bulshada soomaaliyeed.

Geela ayaa ah mid ka mid ah meesiyada xoolaha, waana   noole ku dhaqmi kara, cimmilada dalkeenna ee kulaalaha ah, haddaba maxaynu geela ka helnaa? Waa inaan ogaana dhaqashada geela keliya inaysan ahayn in la tirsado oo xero lagu oodee, maxaa dheef ah oo ay ka helaan xoola dhaqatadu.

  1. Gadiid
  2. Hilib
  3. Caano
  4. Gedis
  5. Qaanbax(Mag)
  6. Agab

1.Gaadiid

Geelu waa noole eebbe siiyey awood dhammeystiran oo aaney jirin wax la awood ah marka laga reebo Maroodiga oo dadyoowga aasiyaanka ahi gaadiidsadaan, ma jiro noole la gaadiidsado oo la mid ah geela, wuxuu dheer yahay gammaanka iyo maroodigaba inuu ka cag fududyahay, kana adkeysi badan yahay oo uusan u baahneyn nasiino iyo joojis badan.

Soomaalida kaalinta gaadiidka ee ugu weyn ayuu ahaa, isaga ayaa dhammaan bulshadu adeegsan jirtey 90%,   haddii ay tahay reer guuraaga oo ku guura awrta oo ah labka geela, ganacsatada iyo beeralayda ayaa iyaguna gaadiidsada xitaa iyaga oo aan geel dhaqan ayay keliya adeegsan jireen labka geela oo ah awrta intey iibsadaan, si ay danahooda gaar ahaaneed ugu fushadaan.

Gaadiidsiga geela ayaa beeraleyda qaarkood waxay u adeegsadaan inuu u shiido una burburiyo sisinta iyo geedaha kale ee laga sameeyo saliida, maxaa yeelay waa noole awood u leh iyo adkaysi inuu ammin dheer shaqeeyo oo uusan daalin.

Waxaa kale oo loo adeegsada soo saarista biyaha oo ceelka inta lagu xidho wadaan weyn ayuu si fudud uga soo saara ceelka, arrinta saliida shiidida iyo biyo soo saaristaba waa loo tababaraa.Kaalintan gaadiidsiga iyo adeegsiga awoodda   geela ayaa ah mid bulshada qayb weliba si gaar ah waxtarkiisa u dheefsato.

2.Hilibka

Geela ayaa ka mid ah hilibka ay bulshada soomaaliyeed cunto, waana kan ugu badan ee hilibkiisa la cuno, hilibka geela ayaa ah mid dadka soomaaliyeed jecelyihiin, waxaa kale oo ka mid ah ilbaxnimada bulshada Soomaaliyeed, iney hilibka geela kaydsan jireen.

Ilbaxnimada aan sheegayna ayaa ah mid aan kaga horreynay bulshooyinka kale, Soomaalidu iyada oo aan qaboojiye iyo wax kale oo lagu daro oo kiimika ah adeegsan ayay lahayd ilbaxnimo ay ku kaydsato hilibka geela, waxaana laga dhigi jirey Muqumad ama Oodkac. Hilibka la muqmadeeyo ee laga dhigo oodkaca ayaa ooli karayey in ka badan sannado, ma jirin cid aan Soomaali ahayn oo habkan oo kale adeegsata, tan ayaa la odhan karaa waxaynu ahayn dad leh ilbaxnimo dheeraad ah habka ay noloshooda u maareynayeen.

Hilibka oodkaca ayaa ahaa, sahay ay qaataan socotada, waxaa kale oo uu kayd la dhigto oo xilli abaareedka lagaga baxo, waxaa laysu siin jirey muquuno oo gabdhaha ayaa reerkoodu ku dhibaadin jirey wuxuuna ahaa waxtar milge leh oo laysku muuneeyo.

Hilibka Geela, ayaa waxaa la socda oo aan ka maqnayn,   dufan, waxaa geela laga sameeya laba subag oo kala duwan, Kuruskiisa ayaa laga shiilaa, subag aad u macaan oo dadku jecelyihiin, waxaa sidoo kale lafihiisa laga heemiyaa subaga loo yaqaanno Heenka.Markay soomaalidu tilmaameyso waxtarka iyo sida uu nolosha dhaqatada lama huraanka ugu ahaa waxay yidhaahdeen: Meel hal lagu qalay mana hadal yara, mana hilibyara

Waxaa jirta in heesaha geela qaybo ka mid ah lagu qeexay neefka geela ah iyo muggiisa waxtareed ee uu leeyahay dhanka hilibka.Maahmaahdan ayaa muujineysa sida geela uu hilibkiisu u ahaa mid ka waxtar iyo tayo badan hilbaha kale ee adhiga iyo lo’da.

  • Jurmi iyo seed,
  • Jiidh iyo caddiin,
  • Jinow iyo xoori,
  • Oo isku wada jira,
  • Jaawo ka ekeey! !

Haddaba hilibka geela ayaa ahaa mid aad tayo fiican ugu leh, bulshada dhaqatada ah, waxa uuna ka mid ahaa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha qoyska dhaqatada ah.Hilibka geela oo qudha maaha ee waxaa isna sidoo kale lahaa waxtar gaar ah, maqaarka iyo saanta geela, oo laga sameyn jirey xadhko wax lagu xidho iyo saanta oo siyaabo badan loo adeegsan jirey, inkastoo deegaamada Soomaalidu kala duwan yihiin, haddana, intaan dalkeenna uusan imanin shiraaca ama bacda aqallada maanta la saartaa waxaa dadab iyo dedba looga dhigi jirey saan xoolaadka, Geel iyo lo’ada si ay uga celiso inuu biyaha roobka soo daayo.

La soco qaybaha kale

Tixraac.

1.Buugga suugaanta Geela, Axmed Cali Abokor

W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE