Aasiya Khayerka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)

Aasiya Khayerka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)
Qaybtii 5aad
Qore : Mohamed Musa Sh.Noor
Aasiya nolosheeda waa is baddashay waxay noqotay Marwo, waa qayb ka mid ah riyooyinkeeda ansaxay marka laga eego dhanka in ay guri ay maamusho ay yeelato, balse is waydiintu waxay tahay ma filaysay in ay nolosha la kowsato ruux aan gayaankeeda ahayn, maku qanacsantahay? Dareenkeeda dumarnimo waa sidee, asaageeda maadaama uusan odaygu ahayn oo 5 jeer ka badan uu dhali karo sidee u qaabishaa xilliga gudcurka, ma si farxadaysan ayey u seexataa, mise wax ma ku gaareen marka la yiraa intey haa tiraa miyey mararada isku duubtaa? Aasiya ayaa iiga war roon taas, waasa is waydiintayda.
Aasiya lamaba daahin in ay guddo qaybtii ugu horeysay ee deenta xaaji buraale waa tan lasoo boodday wallac bishii ugu horeysay kaas oo ay wiil ku dhashay.
Maxaa ka macnaa sida aad u qanacsanaato marba haddii natiijada banaanka taal ay isku mid tahay oday iyo dhalinyaraba wax waa wada dhali karaan waa taas waxa macnaha sameeyo inta kale waa sida aad uga galgalato.
Hooyo ayey noqotay waa mid ka mid riyooyinkeeda qayb ka mid ah oo u ansaxday, guri ayey leedahay, waalidkeed wuu kusoo dagaa si la mid ah walaalaheed iyo qaraabadeedaba, aasiya waa dagtay, waa nimceesatay, xoolaha xaajiga inta uu markaa la yimaado xaafaddeeda iyada ayaa maamulata, warka ay dhahdo soo noqod ma lahan, waaba ka nolol fiicantahay gabdhaha asaageeda ah ee asaagooda qaba ee buuqa iyo baryada ku jira maalin walba.
Qoyska aasiya wuu sii ifayaa waxaa u dhashay wiilkii labaad gabar ayaa ugu xigsatay laba wiil oo kalana waa uga dambeysay.
Wa waqtigii la xasili lahaa xaajiga isaga isma shiddeeyo, cadkiisa hilibka ah isaga ayaa keensada dabka ayeyna si fiican ugu saartaa galaaskiisa caanaha iyo habeenka uu rabo in uu tafta qabto kulli waa u wada diyaar, iyana dhankeeda doolar iyo dahab, Dad iyo Duunyo kalana dusheeda ayuu Alle dhigay, waa la wada naaxay, waana lawada faraxsan yahay.
Maxaa ku taqaanaa adduunyo hee, marka wax walba xadkooda gaaraan ayey dib usoo laabtaan, labada qof ee reerka wada lehna qof baa lagu jiifaa dushiisa iyo dulqaadkiisa mar walba, way iska caddeed in qofkaa yahay Xaajiga, maxaa yeelay isaga ayaa weyn oo gabadha dhali kara isla isaga ayaana dhaqa oo dhaqanka looga fadhiyaa, iyada waa dhanka loo jaheeyo oo kaliya inta ay jihaynta yeelayso.
Aasiya dhaqan iyo dabeecad aysan lahaan jirin ayey lasoo baxday, waxay yeelatay asxaab dumar ah oo badan, waa fidno bilowgeeda iyo dhamaadkeeda marba haddii ay dumar badsatay waxa laga fisho waa fashil iyo burbur Qoys.
Aasiya waxay bilowday in waqti badan ay la qaadato dumarka halka ay marka hore waqtigeeda la qaadan jirtay ilmaha iyo odaygeeda.
Qofka lasoo asiibayo ma noqdo saan saan la’aan oo mar walba waxaa ka muuqanaya saan saanta musiibada kusoo socota. Aasiyana sida muuqato meel fiican uma jihaysna, waddadan ay hadda ku socotana waa waddo horseed u noqonaysa in khilaaf uu ka dhex kaco qoyskeeda.
Aasiya mar walba waa sii sikhaysay oo dhanka mugdiga ama dhamaadka qoyskeeda ayey u sikhaysay, waxay bilowday in ay la muranto xaajigeeda muran macna darra ah kaas oo markii dambe u xuub siibtay in ay toos u dhahdo i fur!!.
Xaaji buraale oo ahaa nin waaya arag ah isaga marnaba qorshihiisa uguma jirin in uu reerkiisa kala diro, taas baddalkeeda wuxu qaatay in uu sii seeta dheeraysto oo dhagaha ka furaysto qaylada ama daryanka iyo dalabaadka furriinka ku saabsan ee Aasiya.
Qilaafka u dhaxeeya labadooda marba waji ayuu yeelanayay, aasiya waxay samaysay wax aysan waligeed ku fakarin sababtaasna waxay ka timid dumarka ay la socotay oo ka dhaadhacshay in gayaankeeda ay la qaadato nolosha, odaygan sii dhacayana ka dheeraato noloshiisa.
Aaway caqliga Aasiyo? shalay naagahan waalaya marka ay joogtay guriga Xaawa Nuur xagee jireen, nimanka ay maanta aasiyo barayaan iyada oo la qabana maxay shalay u keeni waayeen markii ay gabadha ahayd, runta marka laga hadlo aasiyo danteeda wax ah kuma fakarayso balse danteeda dhabta ah ee gacanta ugu jirto ayey kala daadinaysaa.
Aasiyo kolba geed waxay soo istaagto markii dambe waxay soo istaagtay Xaaji buraale kuma rabo, iska key fur, taas uu xaajigu gaashaanka ku daruuray.
Buuqii markuu batay ayuu xaajigu go’aansaday in uusan furin balse taa baddalkeeda uu guriga uga haajiro bal waa intaas oo ay is baddashaa.
Arrintaas guri ka tagidda waa u shaqayn waysay Xaajiga, buuqiina wuu batay, aasiyo waxay bilowday in ay is waasho oo jinniyo isku riddo waa sida ay ku waaniyeen dumarka asxaabteeda ah, waa la iga dul hadlay been ah iyo marka odayga ay aragto oo is miyir daboosho, marka uu quraan saar maagana waxay isku soo dajisaa balaayo ka dul hadasha oo meeshaba aan joogin.
Waxaas oo dhan waxay u samaynaysay in ay hesho furrriinka uu xaajigu miinka ka cuskaday.
Xaaji buraale isaga kolba xeelad ayuu la imaanayay markan wuu daalay wuxuu maciin baday in uu u cid dirsado qoyskeeda, aabaheed iyo hooyadeed ayuu baadiya ka wacay arrinka meesha yaal ayuu u sheegay ayagana waa waraysteen gabadhooda, kadib waxay ogaadeen in gabadhooda aysan arrintan ku saxsanayn la hadal ayey sameeyeen balse waxba kama naas caddaan.
La soco qaybta 6aad


SHEEKOOYIN