FILANWAA Q3AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q3AAD

Canab waxay aabbaheed ka codsatay in la siiyo fursad si ay arrintan uga soo fikirto.balse waa laga diiday codsigeeda, sababto ah arrintu dhan ayay u dhacday, xiligan hadda la joogana fikir iyo dood wakhti looma hayo.Dhank kale Maxamed waxba ka lama socdo xaaladdan qalafsan ee Canab la soo daristay.

Maxamed oo habeenkii xalay intiisa badan aan seexan isla markaana ka walwalsanaa waxaa ku dhacay Canab, ayaa subaxdii sida caadadu ahayd markii ay goor sheegto dhawaaqday soo himbiriirsaday isagoo laama doodsan ayuu hurdadii dib ugu laabtay.

Nasiib wanaag toban daqiiqo kaddib goor sheegtii ayaa mar labaad dhawaaqday intuu soo booday ayuu durba is diyaariyay isla markaana soo dhawaystay agabkii waxbarashada, kaddib wuxuu walaashii ka codsaday inay udedejiso quraacda, wuxuuna ku yiri: “waan daahsanahay walaalo fadlan ii gacan dhaqso” ugu dambayntii isagoo degdegsan oo boorsadiisii laalaadsanaya ayuu albaabka ka booday.

Laba maalmood kaddib oo uuna Canab arag, xitaa iskuulka ayna iman ayaa waxay si kadisa barxada hore ee iskuulka ugu kulmeen gabadh ay Canab walaalo yihiin, salaan kaddib wuxuu waydiiyay waxaa ku dhacay maalmahan Canab, inkastoy ka qarisay sheekada guriga ka jirta, haddana waxay usheegtay inay Canab ayaantan ku mashquulsantahay aroos wiil ay ilma abtiyihiin oo dibadda ka yimid, kaas oo jimcahan soo socda aqalgali doona, intaa waxay ur aacisay in uuna wax dhiba jirin! Waji dareen qaba ayadoo ka muuqdo ayay dhaqaaqday, intuu hadal ka daba tuuray ayuu ku yiri, walaal igu salaan Canab.

Guriga waxaa ka jira diyaar garow xooggan oo ku aadan arooska Canab, kaasoo maalmo uun ka hadhadhsanyihiin. Waxaa la soo kireeyay Hoolka wayn ee Hotel Wabi shabeele, dad badan oo isugu jira qaraabo, asxaab, iyo fannaaniin ayaa lagu martiqaaday inay ka soo qayb galaan xaflada, si wanaagsan ayaa loo agaasimey waxaana lagu talajiraa inuu u dhaco aroosku aad u qurux badan, laakin laysma waydiin muragada ay arrintani Canab ku dhalisay, taaso oo ilaa hadda aan wax wara laga hayn. Waxaa jira dad badan oo dareensan in ayna Canab ku faraxsanayn arooska, haddana looma joojin howshu sidaa ayay ku socotay.

Dhinaca kale, Maxamed wali wax wacaal ah kama mahelin, wallow shaki iyo dareen uu qabo, xiisaha iyo boholyowga caashaqa ka sakow, waxaa la yaab ku noqotay arooska Canab sidan u mashquuliyay oo xitaa ay iskuulkii maalmo dhan ayna u imaan weyday

Canab caqabadaha horyaalla waxaa kamid ah,hadidi ay bixilahayd si ay sheekada Maxamed ula socodsiiso, waxaa looga shaki qabaa inay baxsato, maadama ayna raali ka ahayn ninkan la siiyay,sidaa darteed isha ayaa lagu hayaa dhaq dhaqaaqeeda, loomana ogolo inay bannaanka u baxdo.

Xili galaba  ayuu Maxamed si kadisa Canab gurigooda ku yimid, irida ganjeelka markuu garaacay, nasiibdaro waxaa ka furtay gabadh ka mid ah gabdhihii arooska ka shaqaynayay, salaan kaddib wuxuu waydiiyay inay Canab joogto iyo inkale, waxay ugu jawaabtay maya walaal, kaddibna iridii ayay qab kasiisay oo ay xidhay.

Yaab! xiligaas Canab waxay fadhiday barandada guriga, waxay maqlaysay jawaabta kulul ee qofkaa la siiyay ee ah majoogto iyo albaabka dagdaga loo xidhay, dareen ayaa galay, waxaana qalbigeeda ku soo dhacay tolow qofkaasi armuu Maxamed yahay, durba intay soo booday ayay cod dheer ku tiri waan joogaaa, ilbidhiqsiyo guddahoodna albaabka ayay dag dag ufurtay, waxay aragtay Maxamed oo sii socda, naxdin!, way ku dhici wayday inay la hadasho, balse qof wada maraayay ayay ka codsatay in uu isoo jeediyo wiilkaa.

Islamarkiiba waxaa niyadeeda ku soo dhacay boqol farriimood, waxay iswaydiisay oo amakaag ku noqotay qaabka ay wax ugu sheegi doonto, mar waxay istiri waxba baddahaas ha ugalin, kolay isagaaba maqli doona oo bishuba hortiisa ayay iman ee haka nixinin, haddana waxay ku fikirtay haddi ay ka qariso inay ka dhigantahay inay raali ka tahay arooska iyo ninkan la siiyay, hadhowna marka uu ogaado uu ka xumaandoono, taas macnaheedu ay tahay khiyaamo, intii ay kaligeed isla talamaysay ayuu Maxamed soo laabtay.

 

W/Q Yaasiin Xasan Muuse 

Yaasiinxm114@gmail.com

 

SHEEKOOYIN