Sooyaalkii saxaabbada (ERN )Q3AAD W/Q: Muqtaar Macalin Cali Bood

Sooyaalkii Saxaabbada ERN Q3AAD

 

Fadliga Sayid Abuu bakar

 

Abuu Bakar Siddiiq ERN wuxuu ahaa qof eebbe siiyey fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu isku dayno inaan wada qornana (fadligiisa kaliya) baa buug iyo buuggaag badan laga buuxin lahaa. Macnahu waxaa waaye waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii sayid Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna ku jirin saxaabbadii Nebi Muxammed NNKH Sidaa darteed baa waxaan ka soo qaadan doonaa qaar ka mid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku NNKH waxa uu yiri: Haddii iimaanka sayid abuu Bakar miisaan la saaro inta ka soo hartay oo ummadayda ahna miisan la saaro iimaankooda. waxaa cuslaan lahaa iimaanka sayid Abuu Bakar.

Tani waxay ku tusin kartaa heerka uu iimaanka sayid Abuu Bakar gaaray iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karta Rasuulka NNKH ka dib ummadan Nebi Muxammed NNKH dhexdooda.

Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirsikooda.

Waxuuna Rasuulka NNKH u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi ka mid ah saxaabbada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta k amid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.

Abuu Muusa Al Ashacari ERN baa maalin waxuu go’aansaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka NNKH, markaa buu goor hore weyseystay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka NNKH ka dib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer leh isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo ka soo darsanaya.

Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka NNKH ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo go’aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka sayid Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari su’aalay: Waa kuma?

Wuxuu yiri:- Waa Sayid Abuu Bakar Siddiiq.

Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka NNKH oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow sayid Abuu Bakar baa albaabka taagan oo kaa idan dalbaaya.  

Waxuu yiri: U idan inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada. Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu ilaah mahadiyey ka dibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay.

Haddana Sayid Cumar baa soo garaacay sidii si la mid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku yiri. Rasuulkuna NNKH sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale sameeyay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay NNKH, hadana sayid Cusmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii oo kale uu Rasuulka NNKH yiri: U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doonto.Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri: Illaah baan la kaashan fidnadaas. Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caa’isha iyo qabriga Cusmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.

Sayid abuu bakar saddiiq Rasuulka NNKH ayaa mar qiimeeyay acmaasha oo uu tilmaamay in Jannooyinka qof looga yeeridoona albaabka salaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, looga yeeri doono baabu rayaan markaa buu Abuubakar Rasuulka NNKH su’aalay:- Rasuulkii ilaahoow   ma jiraa qof albaabadaasi oo dhan ooga yeeri doono Wuxuu yiri Haa waxaana rajeynaa inaad ka mid noqo doontid

Waxuu ahaa sayid Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gargaari jiray qof kastoo oo dhibaataysan iyo mid waliba wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dabacsan meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka NNKH, waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka illaah hal maalin.

Rasuulka NNKH waxuu yiri:- Qofka iigu galad badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa sayid Abuu Bakar, waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay illaah. Haddii aynan ahayn sidaas ahayn Sayid Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa sayid Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka) oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar maahineWaxaa Wariyey Bukhaari.

 Muqtaar Macalin Cali Bood

SHEEKOOYIN