Home Raadraac QABIIL IYO QABYAALAD WQ: Hassan Mudane

QABIIL IYO QABYAALAD WQ: Hassan Mudane

0
SHARE

Maxaa qabiil ah maxaase qabyaalada? Labadooda farqi ma u dhexeeyaa? Maxaa ku dhacay dareenkii Soomaalinnimada? Maqaalkan waxa uu jawaab u raadin doonaa saddexdaas weydiimo.

Qabiil

Qabiil waa koox wadaaga dhalasho, taariikh, dhaqan iyo Af. Haddaba, dhanka dhalashada waa mid murankeedu badan yahay, waxa uuna dib ugu laabanayaa sheeko xariireed hore, oo biyo dhaceedu yahay ab wadaag. (Mudane & Galayr 2017; Horowitz 1985; Hutchinson and Smith1996). Qabiil waa dad isbahaystay oo ay ku kaliftay duruufo jiray. (Mansuur, 2016).

Maqaalkan waxa uu soo jeedinayaa in qeexitaanka qabiilka lagu bees gareeyo miyirka, dareenka  iyo hiyiga xubnaha ku abtirsada qabiilka. Waxaan ku dooddayaa in miyirka tolnimada, dareenka, hiyi iyo caadifadda uu qofka u qaado qabiilkiisa gaar ahaan xilliga shiddada siyaasadeed, kana danqada xanuun walba oo soo gaara xubnaha ku abtirsada qabiilkiisa ay saldhig u yihiin isku duubnaanta qabiilka (clan solidarity). Qofka iyo qabiilkiisa maxaa isku xira? Si kale u dhig, xiriirkaas maxaa go’aamiya? Ma go’aamiyo dhaqan, af iyo ab wadaag balse waxaa go’aamiya dareenka, hiyiga, miyirka iyo caadifadda uu qofka la wadaago xubnaha ku abtirsada qabiilkiisa.   

Maxaa keenay qabiilaysiga? Sida Mansuur (2016) uu ku doodayo, qabiilaysiga waxaa keenay duruuf jirtay. Xilliyadii hore dadka intooda badan waxa ay ku noolaayeen dhulka miyiga, mana jirin dowlad difaacda hantida iyo xoolaha qofka, sidaas darteed qofka si uu u badbaadiyo naftiisa iyo xoolahiisa waxa uu magan galaa qabiil. Waxaad ka garan kartaa maahmaahdii aheyd: “ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow.”

Qabiilka waxa uu go’ la huwado u yahay qofka sharafkiisa, hantidiisa iyo ammaankiisa. Sidoo kale, waxa uu qeyb weyn ka ciyaaraa qaabeenta hab nololeedka bulshada Soomaalida. Sikastaba, dood badani kama furna jiritaanka qabiilka waayo waxa uu ka mid yahay xaqiiqooyinka bulsho (social realities), oo aynu maalin walba la falgalno, balse doodda ugu weyn waxa ay ka furan tahay in qabiilku yahay sababaha colaad sokeeye iyo in kale.

Soomaalidu waa qabiilo kala duwan intooda badan reer miyi ah. Marka miyiga la joogo intii isku qabiil ah waxa ay isla wadaagaan daaqa, biyaha iyo xoolo. Sidoo kale, waxaa ka dhexeeyey xiriir isgaashaanbuuraysi dhan walba ah. Haddii beel ka mida xulufada geelooda la dhaco iyaguna waxa ay dhacaan geela qabiilkii ka dhacay geeloodii. Markii magaalka la yimid waxaa madaxa isla galay fekerkii miyiga ee ku salaysnaa kala dhaca geela iyo kii magaalka oo ku dhisnaa dowladnimada, taasi waxa ay dhalisay siyaasadda ku jaan go’an qabiilka.

Iyada oo la wada ogsoon yahay in dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisan tahay nidaam qabiil, haddana waxaad arkaysaa dad ku doodaya in qabiilka aan la sheegsheegin balse lagu celceliyo qarannimo aan lagu dhaqmin. Dooddaas waxaan u arkaa in ay tahay mid is-naqdinaysa. Qabiilka waa in laga hadlaa oo la sheegsheegaa si uu u noqdo wax caadi ah. (Mansuur 2016). Sikastaba, waxaan ku doodayaa in ujeedka qabiilka yahay in la isku aqoonsado balse uusan aheyn wax la isku colaadiyo.

Doodda oranaysa in laga guuro qabiil loona guuro qaran waa mid qurux badan balse maahan in la iska indhatiro xaqiiqda jirta. Ma jiraa qof Soomaali ah oo aan laheyn abtirsi qabiil? Runta madaxa bannaani waa in qabiil ama abtirsi uu yahay wax qofka Soomaaliga uusan ka fogaan karin (necessary evil), maxaayeelay waxa uu haqabtir u yahay baahidiisa aqoonsi. (Charlesworth 2000). Qabiilka waxa uu ka mid yahay mid ka mida qaanadaha bulsho, ee qofka marka uu dhasho durbadiiba ku xaroodo si uu u haqabtiro baahidiisa aqoonsi.

Balse haddii la doonayo in meesha laga saaro qabiil sida dadka qaar ay ku riyoonayaan, waa muhiim in qorsheha lagu darsado helidda aqoonsi guud oo uu ku abtirsan karo qof walba oo Soomaali ah. Haddaba, dhaqangelinta aqoonsi guud sida kan Soomaalinnimada iyo jaallennimada shuuciyadda, waxaa isku dayey ururkii leegada (SYL) iyo dowladdii kacaanka, labaduba waa ay ku fashilmeyn.

Dooddaas ku saabsan in laga takhluso qabiilka, iyada oo si indha la’aan ah loo taageerayo qarannimada waa mid qurux badan, balse waxaa hortaagan caqabad weyn oo shaki gelin karta, in wadashaqeyn ku saabsan danta guud ee qarannimada uu dhex maro qabiilada Soomaalida. Intaas waxaa dheer, is-aamminaad la’aan iyo kalsooni darro u dhexeysa qabiilada waaweyn, taas oo gundhigeedu yahay suurtagalnimada in qabiilada qaar ay balanta uga bixi karaan ama la yimaadaan khiyaano. Si kale u dhig, waxaa suurtagal ah in qabiilka haya hoggaan dalka uu awoodda qaranka u adeegsan karo kordhinta maslaxaddiisa gaarka ah, taas oo keeni karta qabiil walbow naftaa iyo loolan siyaasadeed cusub.

Waxa aynu tusaale ahaan u soo qaadan karnaa wixii ku dhacay qabiilada dega Waqooyi goortii ay la midowbeyn Koonfurta. Waqooyi waxa ay wadashaqeyn ku saabsan midnimo iyo qarannimo la galeyn Koonfur, kaddib maxaa dhacay? Gu’gii 1991 reer waqooyi waxa ay ku dhawaaqeyn in ay dib ula laabteyn midnimadii iyo wadashaqeyntii, iyaga oo ku doodaya in balanta looga baxay oo aysan helin libintoodii Maandeeq.

Caadiyan marka ay timaaddo wadashaqeyn gaar ahaan ka shaqeynta dan guud waa lama huraan in qabiil walba uu si gooni ah ugu xisaabtamo qeybtiisa Maandeeq. Qabiilada gaar sida kuwa ay ka dhexeyso loolan siyaasadeedka awoodda dalka, qabiilba qabiilka kale waxa uu il gaar ah ku eegayaa faa’iidada soo galaysa qabiilka kale ee loolan siyaasadeedka kala dhexeeya (relative gain), iyaga oo aan eegin faa’iidadooda (absolute gain). Marka ay xisaabta halkaas marayso, waa suurtagal in uu fashilmo wadashaqeyntoodii ku’aadaneed danta guud ee qarannimada.

Waxaa jirta asaraar aan ku dhisneen sharaxaad cilmi, taas oo ku dulwareeganaysa in qabiil dhalay qabyaalad? Haddaba waan naqdiyey murankaas, waayo inta badan dalalka Afrika weli waxaa ku dambeeya nidaamkii hore ee qabiilka, sida Butuswaana iyo Gaana. Labaduba waxa ay leeyihiin Gole Guurti oo wakiil ka ah danaha beelaha kala duwan. Ku dhaqanka qabiilka waxa ay kaga horeeyaan Soomaalida, haddana waxa ay ku nool yihiin nabad iyo dimuqoraaddiyad. Su’aasha isweydiinta mudan waa haddii qabiil iyo qabyaalad ay isku xiran yihiin ama qabiil dhalay qabyaalad sow ma aheyn in qabiilada Gaana iyo Butuswaana ay soosaaraan ama dhalaan qabyaalad?

Taa mid u yara dhow, oo ku saabsan in qabiilka (I. M. Lewis 1961) iyo kala duwanaanshaha qabiilka (Kusow 1994) lala xiriiriyo colaaddii sokeeye ee Soomaaliya. Balse doodda Lewis waxaa naqdiyey Ahmed Samatar waxa uuna yiri “Lewis waxa uu ku jahwareeray farqiga u dhexeeya qabiil iyo qabyaalad.” (Ahmed Samatar 1988).

Sikastaba, mahaan in aynu ka ilduufno xaqiiqda bulsho ee na hortaalla, qabiilkuna koow ka yahay. Aniguse uma arko in qabyaalad tahay wax la dhalay balse waxaan u arkaa in ay tahay wax mar soo booddo ah, sidoo kale ay tahay wax ku xiran duruufta siyaasadeed ee markaas taagan. Si kale u dhig, qabiil waa gundhig balse in uu isku beddalo qabyaalad waxa ay ku xiran tahay duruufta siyaasad iyo sida ay u adeegsadaan siyaasiyiinta Soomaalida. Qabiilka laftirkiisa maahan wax sababa colaad ama dagaal sokeeye. (Dirshe 2013). Waayo haddii uu yahay mid sababa colaad, colaadda Afrika maba joogsan laheyn. Sidoo kale, haddii uu yahay kii sababay colaaddii sokeeye ee 1991, qabiilada Soomaalida waxa ay ku jiri lahaayeen colaad joogta ah, oo aan dhammaad laheyn.

Inta badan Soomaalida been ayay isugu sheekeeyaan marka ay timaaddo qarannimada, Soomaalinnimada iyo Tolnimada. Kan dambe ayaa ugu saameyn badan, waana waxa uu rumaysan yahay qofka Soomaaliga, kuna kalsoon yahay. Ugu dambeyn, saameynta qabiilka uu ku leeyahay nolosha bulshada maahan mid meesha ka bixi doonta balse waxa ay geli doontaa marxalad is-cusboonaysiin ah, iyada oo la jaan qaadaysa duruufta isbeddeleysa ee siyaasadda dalka. Sidoo kale, haddii la doonayo in la yareeyo saameynta qabiilka waa in la helaa aqoonsi qaran (national identity) oo mideeya danta beelaha Soomaaliyeed.

Qabyaalad

“Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.”

-Abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde)

Waa run in qabyaaladi tahay tii dumisa qaran dhisan. Abwaanka waxa uu inoo tilmaamay in ujeedka qabyaaladi tahay dumis. Haddaba, waa suurtagal in Soomaalida ay ka badbaaddo dabinka qabyaaladda balse uma maleynayo in ay jirto meel ay kaga baxsan karto dabinka qabiilka. Waxaan ku doodayaa in qabyaaladi masraxa soo fuusho marka qabiilka lagu rido badweynta siyaasadda wasaqeysan kaddib siyaasiyiinta uga faa’ideystaan kordhinta danahooda shakhsiga.

Siyaasiga waxa uu qabiilkiisa u adeegsadaa ujeeddooyin kala duwan sida in uu ku qariyo karti darridiisa ku’aadan dhanka siyaasadda. Maadaama uusan laheyn aqoon iyo karti siyaasadeed waa in uu abaabulaa qabiilkiisa si uu dowladda uga helo kursi, maalinta uu kursigaas ku fadhiisto ayaa ugu dambeysa in uu ka fikiro danta guud ee qabiilka, waxa uuna billaabi doonaa ka shaqeynta kordhinta dantiisa shakhsiga.

Iyada oo sidaas ah, haddana dhibka ugu weyni waxa uu ka jiraa garasho la’aan ku saabsan farqiga u dhexeeya qabiil iyo qabyaalad. Sababtuna waa in dadka badankii ay rumaysan yihiin in qabiil yahay kii sababay colaadda Soomaaliya. Waan diiday dooddaas maxaayeelay waa mid aan ku fadhin aragti ama sharaxaad cilmi oo isku toosan.Haddaba, asaraartaas marin haboobsan ee dadka badankii aamminsan yihiin waxa ay sababtay, in dadka qaar ay is arkaan ayaga oo dhex sabbeynaya badweyn tallan, ugu dambeyntiina ku dhaca cudur aan ugu magac daray ‘QabiilFoobiya.’

Qofka haya cudurkaas waxaa maskaxdiisa ku loolamaya qeybta taban iyo togan ee qabiilka, durbadiiba qofkaasi waxa uu dhex maquurtaa badweynta shakiga. Mar walba uu maqlo magac qabiil waxaa ku soo furma mowjado jahwareer ah, una fiirso qofkaasi oo kale waa mid ficiladiisa iyo hadalkiisu isla socon, falka uu sameynayo ayuu adigana kugu xukumaa. Tusaale, asaga oo aan ka madax bannaaneyn xayndaabka qabiilka ayuu adigana maalinta uu kaa maqlo magac qabiil kugu shaabadeeyaa in aad tahay qabyaaladeyste.

Ugu dambeyntii, waxaan ku dooddayaa in eedda ugu weyni dusha laga saaro siyaasiyiinta Soomaalida iyo abwaaannada qaar ee tiriya gabayada gurracan, kuwaas oo sii huriya colaadda. Dhammaantood waxa ay qabiilka u adeegsadeyn marin haboobsan oo ku jaan go’an dano shakhsi.

 

Dhimashadii dareenka Soomaalinnimada

Dhaqan ahaan Soomaalidu kuma shaqeyso dareenka Soomaalinnimada oo ay wadaagaan, balse waxa ay doorbidaan kan tolnimada. Si kale u dhig, miyirka tolnimada (clan consciousness) waxa uu ka dheereeyey kii Soomaalinnimada. Marka laga reebo aqoonsiga Soomaalinnimada oo ah mid ku jaan go’an xayndaabka isirnimada iyo qarannimada, qofka Soomaaliga waxa uu leeyahay laba aqoonsi oo kala ah: Qabiil iyo Diin. (Afyare 2010). Labaduba waxa ay ku fashilmeyn abuurista aqoonsi qaran (National Idenitity) oo mideeya danta beelaha Soomaaliyeed. Haddaba, maxaa ku dhacay dareenkii Soomaalinnimada?

Marka magaalo ka mida Soomaaliya sida Muqdisho uu qarax ka dhaco, kaddib qaraxaasi uu wax yeeleeyo dad Soomaali ah, inta badan waxaa xanuunka la qeybsada, oo u danqada qabiilkooda ama xigtadooda, balse Soomaalida kale ee ku kala nool magaalooyinka kala duwan sida Hargeysa, Garowe, Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb, Jowhar, Jigjiga, Gaarisa iyo Jabuuti ka danqasho iyo muujin dareen Soomaalinnimo iska daaye waxa ay maqaayadaha la fadhiyaan shaax iyo sheeko; ka falcelin iska daa’e xitaa wax iskama beddalo dareenkoodii Soomaalinnimo, balse maalinta ay wax soo gaaraan dad ay isku reer yihiin ama ka soo jeeda gobaladooda, inta ay ka falceliyaan ayay muujiyaan dareenkooda tolnimo.

Caadiyan qofka Soomaaliga waxa uu dareenkiisa tolnimo u muujiya, kana danqadaa xanuunka soo gaara kaliya qofka ay isku reerka yihiin halka dhif iyo naadir tahay in dareen Soomaalinnimo u muujiyo qof aan ku qabiil aheyn. Sababtuna waa in dareenkii tolnimada uu ka dheereeyey kii Soomaalinnimada. Maanta way yartahay in la arko qof Soomaali ah, oo ay ku dambeyso dareenka Soomaalinnimada, taa caksigeeda Soomaalida waxaa ku badan dareenka tolnimada.

Gunaanad

Waxa aynu soo aragnay in farqi weyn u dhexeeyo qabiil iyo qabyaalad. Sidoo kale, in qabiilku yahay waxa lala xiriiriya dhaqan, taariikh, Af iyo dhiig ama ab wadaag halka qabyaaladduna tahay wax ka madax bannaan qabiil. Qabyaaladdu waxa ay masraxa soo fuushaa marka siyaasiyiinta ay u adeegsadaan danahooda shakhsiga. waxaan ku dooday in ujeedka qabiilka yahay in la isku aqoonsado balse uusan aheyn wax la isku colaadiyo. Sidoo kale, saameynta qabiilka uu ku leeyahay nolosha bulshada maahan mid meesha ka bixi doonta balse waxa ay geli doontaa marxalad is-cusboonaysiin ah, iyada oo la jaan qaadaysa duruufta isbeddaleysa ee siyaasadda dalka. Haddaba, si loo yareeyo saameynta qabiilka waxaan soo jeediyey, in loo baahan yahay abuurista aqoonsi qaran oo mideeya danta beelaha Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, waxaan eedeeyey siyaasiyiinta Soomaalida iyo abwaaan walba oo tiriya gabayada gurracan ee sii huriya colaadda.

Tixraac

Charlesworth, R. (2000).  Understanding child development.  Albany, NY: Delmar Thomson Learning.

Mudane and Galayr (2017). Takoor iyo Tacaddi: Siyaabaha kala duwan ee takoorka Soomaalida. Researchgate, 6-7.

Mansuur (2016). Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed: Daraasaad Af iyo Dhaqan. Uk. Looh Press.

Afyare (2010). Understanding the Somalia Conflagration: Identity, Political Islam and Peacebuilding. London: Pluto Press.

Abdi Dirshe, “Manipulating clan or ethnic political identity for power” August 04, 2013 https://www.hiiraan.com

Ahmed Samatar (1988). Socialist Somalia: Rhetoric and Reality. Zed Press, London.

I. M. Lewis (1961). A Pastoral Democracy. Oxford University Press, London.

Kusow (1994). The Genesis of the Somali Civil War: A New Perspective. Northeast African Studies, New Series, Vol. 1, No. 1. 31-46

Horowitz (1985). Ethnic Groups in Conflict. Berkely. University of California Press. US.

Hutchinson and Smith (1996). Ethnicity. Oxford University press , London. 

 

WQ: Hassan Mudane

Working on MA in African Studies and International Relations 

Istanbul Ticaret University 

SHARE