Farxaddu iib maaha Q4AAD W/Q: Cabdull Cabdikariin (Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q4AAD

 

 

 

 

Raagge iyo xaaskiisa waxay ku afar afareysteen, marka hore iney salaadda Duhur iska baxshaan labo labo rakco oo salaatu shukri ahna dukadaan. Markii ay ka soo baxeen salaaddii, Raagge oo wajigiisa laga dareemayo inuusan wax go’aan ah gaarin ayaa xaaskiisa indho naxariis oo kalgacal ka muuqdo ku eegay, ayadoo dhoola caddeyneysa ayey ku tiri Raaggoow adduun orod laguma gaaro bal aynu u qadeyno, oo ilmaha aan kala agaasino, madaxa ayuu ugu jawaabay, waxaa durbadiiba guriga soo galay carruurtii oo markaa dugsi quraanka ka yimid, sida caadadooda sawaxan iyo buuq ayey kula dul dhaceen Aabbahood balse jawiga waa badalan yahay maanta intaa ay carruurta horay iyo gadaal ugu rafanayaan marna lama qaadin oo halkiisa ayuu sida loox u fadhiyay, taas oo carruurta ku dhalisay dareen ah in Aabbahood xanuunsan yahay, markiiba su’aalo is dabo joog ah ayey afarta dhinac uga keeneen.

Maxaa yeelay? Aabbahood ugama baran aamusnaan, markii danbe ayuu ku yiri kaalaya shantiinaba horteyda soo fadhiista, markii ay xasileen oo cunug walbo qumaati u hor fariistay, ayuu ku yiri inta qadada aan sugeyno waxaan idiin sheegaa hal sheeko laakiin markii aad qadada cuntaan cunug walba si toos ah sariirta ha u aado sagaal saac markii la gaaro, cunug walba ha soo kaco dugsigiisa ha aado, yaan juuq danbo idinka maqlin, waxa uu yiri carruureey waxaa jiri jiray Reer Digiiran iyo Reer Bakeyle waxa ay wadda daganaayeen keynta, waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah Bakeylihii iyo Digiirankii iney xurguf ay dhax martay, xurguftaa oo colaad isku badashay iyo in dagaal la isku balansado, ka dib markii Reer Bakeyle oo tiro iyo awood is bidaayay ay diideen iney nabadda qaataan,oo xaal mastuur lagu dhammeeyo, Reer Digiiran markii ay ogaadeen in dagaal ma hurto ay tahay lagana tiro iyo tayo badan yahay, waxa ay ku fakareen in ay caqligooda isticmaalaan, waxa ayna isku balansadeen in kooxba mar u tagto meesha ay isku uruursadeen reer Bakeyle ay ku yiraahdaan ma kuwaan ayaa na soo hunguriyeeyay tan idinku dhacdo haddaan la yaabin, marba koox sidii ay ugu dul wareeganeysay qoraxda ilaa ay ka dhacdo reer Bakeyle intii aan la gaarin maalintii dagaalka lagu balansanaa, cabsi iyo walwal ayaa ku abuurmay, waxeyna go’aansadeen maadaama aysan tirada reer Digiiran aysan laheyn awood ay ugu hor tagaan sidaa darteed iney reer Bakeyle nin walbo meeshii uu ku dhuuman karo ku dhuunto, mid cod dheer ayaa ku baaqay Bakeyloow nin iyo bur, halkaas ayeyba awoodii reer Bakeyle ku baaba’day waana sababta ilaa iyo maanta aad u arkeynin koox Bakeylaa oo meel joogto.

Marka ilmaheygiyoow waxaan idin kula dardaarmayaa in xoog kaliya wax tarin oo loo baahan yahay in caqliga la isticmaalo, oo aad isku duubnaataataan  aniga iyo hooyadiin arrin baa noo taal oo aan rabno inaan deganaan ku sheekeysano marka balanteenu cilmiga ha la barto caqlina ha la kaashado, markii uu halkaa marsiinayo ayaa qadadii la keenay, kolkii la qadeeyay ka dib carruurta waa seexdeen waxaana isku soo haray Raagge iyo Xaaskiisa.

Dhanka kale ninkii taajirka ahaa ee Rooble waxa uu badalay, xaaladdii uu markii hore ku sugnaa oo aheyd sida uu subaxdii guriga uga baxo inuu soo hoydo habeenkii si uu waqtiga ula qaato xaajiyadiisa, maadaama uu ogaa inaan qado guriga looga tashan, waxa uu horay u sii qaaday qaddo heer sare ah, oo uu maalmaha uu fasaxa yahay, salaada jimco ka dib, uu u qaadi jiray, waxaase yaab ku noqotay markii uu guriga tagay in uu la kulmay xaaskiisa oo madaxa iyo jilbaha is gashatay oo deerka fadhida, is bariidin iyo salaan ka dib waxa uu weydiiyay maxaa soo kordhay?  Waxey ku tiri waxaan ku fakaraayay inaan dariska soo booqdo laakiin, waxaan ka shakiyay aamusnaantoodda taasoo igu beertay walwal aan ka walwalayo ayaga, maxaa yeelay qeyladooda iyo qosolkooda ayaa wehel ii ahaan jiray maalintii oo dhan, laakiin maanta wax baa ka si ah, ma garanayo waxey yihiin laakiin waxaan hubaa wixii shibiyay ineysan wax yar aheyn.

Rooble oo ogaa waxa shibiyay ayaa ku yiri war jiraaba waa soo baxaa bal ilaa iyo beri ka war dhowr, haddana qadadaad jecleyd ayaan noo waddaa ina keen. Waxa ay tiri maya maya keen qadada ayagaan u geynaa waa intaas oo ay maanta ka wareertay carruur isuma qadaana waa u joogtaa gaajo waa cadaw, Rooble ayaa ku yiri ma ogtahay xabiibtii inaan waligeey war kugu soo celin haddii aad go’aansatay inaad u geyso u geey aniga xoogaa ayaan indho guduudsanaa casirkii ayaan isku raaci doonaa,  ee  gabadha shaqaalaha ku war gali inaan cishaha ka hor soo laabaneyn, sidii ayey ku balameen, waxey soo istaagta abaabka guriga Raage cabbaar ayey dhagodhageysay laakiin wax shanqar ah waa ka weyday, waxey ku fakartay iney iska laabato, laakiin waa u cuntami weyday ugu danbeyntii albaabka ayey garaacday si miskiinimo ah laakiin cidna maqal, oo waa ku hungoowday.

Markii danbo ayey xoog u garaacday, waxaa si dagdag ah uga furay xaaska Raagge is wareysi iyo salaan ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay iney soo gasho ay fariisato wa ay ka cajgajiiday ayadoo u sheegtay in xaajigeeda guriga joogo balse ay rabto iney siiso xoogaa kaash iyo qado diyaarsan intaas kadib waxey weydiisay xaallada caadi tahay iyo in kale  waxaa loo sheegay in xaalku caadi yahay oo wax dhib ah jirin kaliya in ninkeeda shaqo cusub bilaabi doono balse wali aysan iska wareysan maadaama uu iska yara wajacsanaa haddii Alle idmo ay u sheegi doonto mar kale. Intaas markii ay dhax martay waliba ay afaafka hore taagan yihiin ayaa Raagge u dhawaaqay xaaskiisa oo ku yiri martida irida ha ku celin ee soo gudbi, labadoodii ayaa hal mar is eegay maxaan sameynaa camal , kolkii in cabbaar indhaha laga wadda hadlayay, ayey go’aansadeen in mid walba xaajigeeda waqtiga la qaadato oo mar kale ay war qaadaan.

Xaaska Rooble oo wax macluumaad dheeriya soo helin ayaa kasoo hilaabatay oo gurigeeda ku soo laabatay,   waxey u timid Rooble oo meeshii ay ayadu fadhiday fadhiya waa ay isku naxday, waxey ku tiri sow iskuma ogeyn inaad seexato maxaa halkaan ku fariisiyay?  Waxa uu ku yiri waan rabay inaan seexdo, laakiin labo asbaabood ayaa u seexan waayay oo ah.

 

La soco qeybaha xiga

 

Cabdulle Cabdukariim(Jallaato)

 

SHEEKOOYIN