Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q4AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q4AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Is bar qabo” Abwaan Maxammad Gacal Xaayoow (A.U.N) wuxuu uga qisoonaya Soomaalida iyo dhibka haysta iyo sideey u dayaceen qarankii ay lahaayeen. Wuxuu caddeynayaa in la kala iibsaday wax galkii iyo waddanigii ka dhiidhi lahaa dhibka haysta Soomaalida meel iyo waa ay joogaanba. Abwaan Maxamed Gacal Xaayow Eebbe ha u raxmadee waxaan ku xusuusan doonnaa tixdiisa cuddoon ee guurowga ah, si guud iyo gaar ah na Soomalida ula hadlaysa. Haddii suugaani dhaxal leedahay iyo dhaqan la isku xushmeeyo, wuxuu nooga tegay murti ma dhammaato ah. Guurowgii “Is bar qabo” wuxuu u dhacay sidaan ee ka bogasho wacan.

1. Burya dhagax la tuuraad xornimo, Ugu bareertaane
2. Haddeey biya dhacdaad beel fulaan, Kala dhex booddaane
3. Buluglay hadday curatayeen qalbiga, Ugu bishaarayney
4. Ee boqol qarniya dhowr la sugay, Bilashadeediiye
5. Iyadoo bikaal geesa dheer, Beerka lagu toobay
6. Ha yeeshee bidhaantiyo cirkiyo, Bilicdi maantii leh
7. Is bar garasho way noqan kartiyo, Baaq ku hirashaa’e
8. Haddii badawnimiyo jaahilnimo, Loogu biya dhaansho
9. Baasar lagu hoggaanshiyo midnimo, Kala barweydeene
10. Is bar qabo bal Soomaaliyeey, Baadiyaa tahaye
11. Haddii balaq laguu ruxay midnimo, Kala bar waydeene.

12. Cilmi lagu barbaarshiyo intaan, Baratan doonaynay
13. Bakeylaa ka hoos kacay berdaha, Baaxadaha liicay
14. Bacad eel ku maal noqotay iyo, Dib u baqool siine
15. Waxna kuma bataan been abuur, Baal dillaacsadaye
16. Is bahaysi moogiye wax kale, Kuma badbaaddeene
17. Bayaadkiyo jameecii u baxay, Loo bil tiri waaye
18. Balaayada sokeeyiyo nabsiga, Nagu butaacaaya
19. Balanqaaadka beentee kufrigu, Waa intuu badane
20. Ujeeddada ballaarane damboow, Ugu bareeraana
21. Bugta inuu dhex dhigu ee dadkana, Kala baxshee qaybsho
22. Ee bidixya midig noo xukumo, Qolaba beynkeeda
23. Ee boqolya boqol layska cuno, Badi wax dheeraada
24. Inta baaqi noqotana bilaash, Ugu adeegaane
25. Is barqabo bal Soomaaliyeey, Baadiyaa tahaye
26. Maad is booga xamataan midnimo, Kala barweydeene.

27. Bisha iyo bikaalkuba iftiin, Ways bar bariyaane
28. Mid haddoow bukadu kii bad qabay, Nuur ma baahiyo’e
29. Labadaada baahiyood haddii, Midi biyootaana
30. Taad u baqa leheyd baalashii, Ways ku qabataaye
31. Baawarkoodu ways kaashadaa, Labada bowdoode
32. Hadday midi bash tahay teede kale, Way banjareeydaaye
33. Beerka iyo wadnuhu baadinkeey, Wada dhex jiifaane
34. Mid haddii bir lagu jaro kan kale, Kuma badbaadsheene
35. Bilcaan iyo rag bili iyo tagoog, Badane Soomaala
36. Dadaan midabbo laysugu barxiyo, Diin ku kala bayrin
37. Inow been hawaas soo dhax galo, Looma sii bogine
38. Maskaxdooda kuma beeri karo, Buul quraashaahe
39. Is bar qabo bal Soomaaliyeey, Baadi yaa tahaye
40. Haddaad baas ku dhaqantaan midnimo, Kala barweydeene.

41. Miisaaanka labadiisa baal, Ways barbaridaaye
42. Hayeeshee haddii saxan ka bido, Waa budlinayaaye
43. Kafadaha berdaankoodabaa, Beegga celiyaane
44. Bani’ aadamkuna waa sidoo, Waayahees badaye
45. Intii oday ka wada beerantaa, Xoog is biirsadaye
46. Waxaan birinu goyn baa dhex yaal, Biyana mayreyne
47. Baas abuurki baan naga dhex bixin, Baar caddihi gaal’e
48. In kastoow ilaa yoomal Beder, Bohola jeexaayay
49. Maantow walaalka bireey, Ee ka dubo beerka
50. Balanqaad islaamkuuga helay, Baydanaa jiraye
51. Taariikhda taa laguma baran, Been ma sheegtadiye
52. Is bar qabo bal Soomaliyeey, Baadiyaa tahaye
53. Haddaad kala bahoowdeen midnimo, Kala bar waydeene.

54. Boqolkiiba boqolaan islaam, Buuxa ku ahayne
55. Badweynta u dhexeeydana jihaad, Kulama soo biirin
56. Beynaadya seef kuma muslimin, Baawar iyo xooge
57. Buluglana wadaadkii barkaday, Bayda laga gooye
58. Hayeeshee barqaa laga hantiyay, Gaalka bayga lehe
59. Bisimada qur’aankiyo Cilmiga, Culumadii beesha
60. U biyaanisee laga dhaxlaa, Waliba been noole
61. Wixii kuu bannaan iyo wuxuu, Boqorku kaa reebay
62. Labadaba kitaab lagu bandhigay baa, Ku soo baxaye
63. Dadki kala bartoow dhiig islaam, Uma bareerteene
64. Buuq iyo wareer kuma riddeen, Beela nabadeede
65. Inta baalka hoorsado kufrigu, Wax uma biirsheene
66. Is barqabo bal Soomaaliyeey, Baadiyaa tahaye
67. Haddii laydin baayacay midnimo, Kala barweydeene.

68. Boobya tuugu umma baahnin iyo, Beenta iyo dhaarta
69. Iyo xaqa la baabi’inayee, Baadilku adkaaday
70. Taariikhdu baalbay leheed, Bogagya raad raace
71. Umma baaahnin Nabi baaba’deey, Beriga soo gaartay
72. Dadku beera falatoow ahaay, Xoog is biirsadaye
73. Umma baahnin baar laga hadliyo, Sheeka baraleey’e
74. Is bahaysataa nahay biyaha, Kala ammaahdaane
75. Umma baahnin beel kala qaxdee, Kala boqoolayda
76. Barwaaqadu haddaan lagu shukrayn, Waa ku bi’idaaye
77. Badbaada Alla Ebboow adigaan, Kuu bandhigayaaye
78. Is bar qabo bal Soomaaliyeey, Baadiyaa tahaye
79. Haddaad laba boglaydaan midnimo, Kala barweydeene.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

 

SHEEKOOYIN