Home Qoraallo Waddada suubban. Q20AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q20AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada suubban. Q20AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Sabarka iyo Adkaysiga”

Mowduucaanu wuxuu toos ula xariiraa qaybtii aan jimcadii hore soo qaadannay waxaana kusoo qaadanayaa dhowr “Xadiith” oo Nabiga (S.C.W.) laga soo weriyay waana axaadiis ku saabsan “Sabarka iyo adkaysiga” waxaana kasoo qaatay, ama kasoo xigtay, Kutubka: “Riyaalus-saalixiin”
(رياض الصالحين)
“Beertii Suubbanayaasha” Xadiismanka tirsigoodu yihiin: ( 31, 32, 33, 34, 35, 36, 37, 38, 39, 40, 41, 42, 43.)

Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaa mar dhacday in Nabigu (S.C.W.) soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kuna ooyaysay qabrigiisa dushiisa. Markaasuu wuxuu ku yiri: EEBBE ka cabso oo sabar. Haweentii iyadoon garanayn cidduu yahay ayay si caro leh ku tiri: iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicin’e. Xoogaay ka dib qof ayaa u sheegay inow ahaa Nabiga (S.C.W.) markaasay aadday gurigii Nabiga (S.C.W.) markii ay wayday wax adeege ama waardiye ah oo i ridda jooga, ayay gudaha gashay kuna tiri: kuma aanan garanayn.” Wuxuu yiri: Sabarka waxaa loo la jeedaa inaad yeelato adkaysi oo aad isu dhiibto qaddarka EEBBE marka ay kugu hor leedahay dhibaatadu.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu hurayrah (A.K.R.) wuxuu soo weriyay in Nabigu (S.C.W.) yiri: EEBBE kor ahaaye wuxuu leeyahay: Uma haayo abaal gud uga wanaagsan jannada. Addoonkayga sabra, oo Alle uga ajar suga, oo adkaysta, markii aan ka oofsadu mid ka mid ah gacalladiisa ee ka mid ah kuwa uu ugu jecelyahay adduunka.” (Bukhaari).

Caa’isha (A.K.R.) waxay sheegtay inay mar waydiisay Nabiga (S.C.W.) waxa uu daacuunku yahay?’ Nabigu (S.C.W.) wuxuu u sheegay inuu daacuunku yahay ciqaab EEBBE ku sallido ciddii uu doono; ha yeeshee wuxuu uga dhigay naxariis iyo khayr Muslimiinta. Haddii uu addoonka EEBBE ku dhaco daacuun oo uu iska joogo magaaladiisa isagoo ku sabraya, ka na ajar sugaya EEBBE oo dareensan in waxa ku dhici doono ay yihiin oo kaliya wixii EEBBE u qoray, kaasu shaki li’i wuxuu yeelan doonaa abaal iyo ajar la mid ah kan uu helayo qof shahiiday haddii uu daacuunkaa ku dhinto.” (Bukhaari).

Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: wuxuu yiri EEBBE kor ahaaye: markii aan wax gaarsiiyo addoonkayga labada ugu muhiimsan ugu na qaalisan xubnihiisa “yacni indhihiisa” uu na muujiyo “Sabar iyo adkaysi” la xariira waxa soo gaaray, waxaan siiyaa Janno beddelkooda.” (Bukhaari iyo Muslim).

Caddaa bin Abii Rabaax (A.K.R.) wuxuu sheegay in ibn Cabbaas ku yiri: ma ku tusaa naag ehlu Jannaha ka mid ah? Wuxuu yiri: HAAH! Ibn Cabbaas wuxuu ii tilmaamay markaa naag madoow oo yiri: naagtani waxay u timid Nabiga (S.C.W.) oo tiri: Rasuul Alloow, waxaan qabaa suuxdin, marka laygu kaca na jirkayga wuu faydmaa ee EEBBE ii bari. Wuxuu yiri: Rasuulku (S.C.W.) haddii aad dooratid inaad sabarto adoo qaba cudurkaan, waxaad leedahay janno, haddiise aad doontid EEBBE waa kuu baryayaa inuu ku caafiyo. Waxay tiri: waan u dulqaadanayaa anigoo sabarka la kaashanaya, laakiinse EEBBE iiga bari inuusan dharku iga faydmin oo aanan xoorin marka laygu kaco. Waana uga baryay midda ay codsatay.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaahin ibn Mascuud (A..K.R.) wuxuu sheegay inuu xasuusto sida inuu u muuqdo Nabigii (S.C.W.) mar uu ka sheekeynayay xaalad soo martay Nabiga kaa soo ay aad u dileen una dhaawceen dadkiisii heer uu aad u dhiig baxay wuxuuna ka tirayay dhiigga wajigiisa, isagoo ducadaan leh: Alloow qoomkayga u dembi dhaaf wax ma oga’e.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Saciid iyo Abuu Hureyrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: wixii daal, Cudur, Hammi, Murugo, dhib iyo fikir ah oo soo gaara qofka Muslimka ah, xitaa qodax hadday muddo, EEBBE wuxuu ugu dhaafaa dembiyada, haddii uu ku sabro.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan booqday Nabiga (S.C.W.) oo qandhaysan. Markaasaan ku iri: Nabi Alloow! Qandha xoog leh ayaa ku haysa. Wuxuu yiri: runtii xoogga qandhadayda waxay la’eg tahay mid haysa laba qofood. Waxaan iri: waxaa taa ugu wacan waxaad leedahay laba ajar? Wuxuu yiri: waa sidaas. Wuxuuna intaa ii raaciyay: qofka muslimka ahi wixii gaara oo dhib leh qodax yarba ha ahaatee iyo wixii ka waynba, EEBBE wuxuu ugu cafiyaa hadduu ku sabro qaar ka mid ah dambiyadiisa yaryar dambiyadaasoo uga dhaca sida caleentu geedka uga dhacdo.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: markii uu EEBBE doonayo inow khayr siiyo qof wuxuu ku imtixaanaa inow marsiiyo xoogaay dhibaato ah. Marka haddii uu ku sabro wuu mutaa haddii kale na maya.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: qofkiinna yuusan jeclaysan dhimashada dhibaato soo gaartay aawgeed. Haddii uu qofku huri waayo oo dhibaatadu meel xun ka gaarto, ha yiraahdo: Allow i nooleey haddii ay noloshu ii fiican tahay, inaad i oofsato ayaan jeclaan lahaa haddii ay geeridu ii fiican tahay.” (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Cabdullaah Khabbaad ibn Arat (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan uga eed sheegannay Nabiga (S.C.W.) dhibaatada iyo culayska siyaadada ah ee ay nagu haayeen gaaladii reer Makkah. Wuxuu markaa Nabigu jiifay hooska kacbada, isagoo ka dhigtay barkin go’iisii. Waxaan ka codsannay oon ku niri: maxaad EEBBE kaalmo nooga baryi waysay? Maxaad EEBBE hiil noogu waydiin wayday? Wuxuu ku jawaabay: waxaa dhici jirtay Ummadihii idinka horreeyay dhexdooda, in nin la soo qaban jiray, waxaa na lagu ridi jiray god looga qoday dhulka, markaas ayaa laba looga kala dhigi jiray miinshaar madaxiisa la kor yeelay, ama hilibkiisaa firitaan looga fiiqi jiray lafahiisa shanlooyin bir ah, waxaas oo idil na ma keeni jirin inuu diintiisa ka noqdo. Waxaa hubaal ah inuu EEBBE kor yeeli doono uuna hirgalin doono Islaamka ilaa uu rukuub fuushanuhu isaga socdo Sanca iyo Xadramuud isagoo aan waxba ka baqeyn EEBBE maahee iyo khatarta yayda ay u leedahay arigiisa. Laakiinse waxaad u muuqataan sida inuu idinku jiro degdeg badan.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Duullaankii Xuneyn markay ahayd, Nabigu (S.C.W.) si uu usoo dumo quluubta Rag Islaamka ku cusbaa ayuu Ragga qaar u sed buriyay qaybintii qaniimada. Wuxuu siiyay: Aqrac ibn Xaabis iyo Cuyaynah ibn Xisan kiiba Boqol halaad, wuxuu na muujiyay xoogaa kasoo dhaweyn ah dadka kale qaar ka mid ah duqeydii Carbeed. Nin baa arrintaa ka hor yimid oo yiri: tani ma ahan qaybin caddaaladi ku jirto loo la na jeedo dar Alle. Markaan maqlay hadalkii ninkaa waxaan go’aansaday inaan u sheego Nabiga (S.C.W.) hadalkaa ku tiri ku teenta ah ee lagu hadlay markii uu maqlay arrintaan wajiga Nabiga (S.C.W.) waa is beddelay oo casaan ayuu noqday wuxuuna yiri: yaa caddaalad haddaba falaya haddii ayan EEBBE iyo Rasuulkiisu falin?” Wuxuu intaa sii raaciyay: Alloow u naxariiso Muuse nabad korkiisa ha ahaatee. waxaa loo gaystay dhibaato intaas in ka badan, wuuse u sabray. Markaan intaas maqlay ayaan naftayda ku iri: Dib dambe uma sheegi doono arrin tanoo kale ah Nabiga (S.C.W.) oo tan ka dambeysa.” (Bukhaari iyo Muslim).

Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: markuu EEBBE la damco khayr addoonkiisa, wuxuu ku marsiiyaa xoogaay dhibaatooyin ah adduunka goor hore. Markii uu shar u qorana iyo xumaan, waa ugu seeta dheereeyaa adduunkaan, laakiinse wuxuu ka gudaa oo mudankiisa mariyaa maalinta qiyaamo. Waxaa kaluu yiri: camalkii wayn ayaa leh abaal marin weyn, markii uu EEBBE kor ahaaye, uu qoon jeclaado waa imtixaanaa. Markaas na kii qaata oo ka gudba imtixaanka EEBBAA raalli ka noqda, kiinnase ku sabri waaya imtixaanka caro EEBBE ayaa ku dhacda.” (Tirmidi).

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE