FILANWAA Q4AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q4AAD 

Maxamed Isagoo faraxsan ayuu soo laabtay waxa uuna ilqoodha ka arkay Canab, kaddib wuxuu ku salaamay gacaliso xaaladda iiga warran? Waan isweynay maalmahan, inkastoo la iisheegay inaad ku mashquulsanayd arooska wiil aad ina abti tihiin oo dibadda ka yimid, balse runtii waan kuu xiisay.

“Haa waa runtaa walaalo” ayay Canab cod hoose ku tiri, kaddibna gudaha soogal ayay ku raacisay iyadoo yaaban.!

Hooyadeed iyo gabdho kale oo guriga joogay oon horay u aqoon Maxamed islamarkaana dareen shaki ku jiro, ayaa isweydiiyay ninka Canab u yimid waxa uu yahay? 

Kaddib si dhaqso leh ayay Canab ugu yeedheen, waxayna su’aalayn wiilku muxuu ahaa?

Si dagan ayay ugu jawaabtay Canab, waxayna ku tiri: “waa wiil iskuulka aan wada dhigano, waxaan ka rabaa inuu ardayda iyo macalimiinta ku wargaliyo inay xafladda yimaadaan”.

Hadalkaa si weyn ayay ugu riyaaqeen, gaar ahaan Canab hooyadeed oo awal ogayd inayna gabadheedu ku niyad sameyn arooska alalaaskiisu baxayo, waxay niyada ka tiri alleelaha Canab xaqiiqda ayay dareentay oo iminka ayadaaba qabanqaabada dhankeeda ka wada.

Kaddib iyadoo faraxsan ayay ku tiri: “Hooyo Waa arrin wanaagsan ee haddii ay sidaa tahay warqado badan oo martiqaada ah udhiib, haye intay dhahday ayay qolkii gashay.

Maxamed iyo Canab waxaa dhaxmartay sheekadan.

 Maxamed oo hammuun iyo hilow badan ka muuqdo ayaa kuyiri, “walaalo waxaan umalaynayaa inaad daalantahay oo howshu kaa badatay, sababtoo ah waan ogahay aroosku waa dhib badanyahay”.

Canab waxay ugu jawaabtay: “maya, ee, waan yara xanuunsanayaa, laakin hadda waan fiicnahay”, intuu naxay ayuu kuyiri “oo xagee lagaa qabtay? Markaasay tiri: “maya wax dhiba majiraan, kaddibna waxay waydiisay bal inuu iskuulki uga warramo?

Wuxuu yiri: “waa sidaad ku ogayd, laakiin runti anigu waan ku tabay aad ayaan kuugu xiisay, dabcan cidlo badan ayaan dareemay, gacaliso kolay waad fahmikartaa naf ku jecel oo dhowr cisho aan ku arag, waan yaabanaa, talow maxaa helay ayaan islahaa, ilaa mar dambe aan arkay walaashaa, werwerka iyo walaahoowga waxaa iigu wacan macaanto waa jacaylkaaga, baahidaasina iga bi’I mayso ilaa aad noqoto oorideyda oo aan aqal wada yagleelno, waxaana rajaynayaa inaan waqti dhaw aan aqalgalidoono,  wax walba dhankayga waa kadiyaar” .

Halkaa markuu sheekada marinayo ayay is haynwayday Canab ilin ayaa indhaheeda ka so odaadatay, Maxamed wuxuu u qaatay ama ufahmay oohintan ka socata Canab, inay caddayn utahay jacaylka ay uqabto ee baaxada wayn, balse sheekadu maanta way ka wayntahay xiliyadii kalgacaylka layskula ilmayn jiray, isagoo faraxsan intuu u soo dhawaaday, ayuu gacantiisa ilintii kaga tiray.

Wuxuun ku yiri: “walaalo, runtii waan dareemaya sida aad iigu xiistay,  mar walba waxaan  ka fikiraa waa adiga, waxaa boqolaalan sano igu noqotay muddada saddexda bilood ah ee iskuulka xidhitaankiisa ka hadhsan, wax wlaba dhankayga waan ka diyaariyay, muddo badan ayaan soo jiitamaynay, si wanaagsan oo sharafle ayaan doonayaa inaan u soo gabagabeyno sheekada, waxaan maanta kuu balan qaadayaa amar ilaahay mooye, imtixaanka iskuulka kaddib inaan aqal galidoono, inta ka horraysa balanteenu waa Samir iyo dulqaad. 

Murugo hor leh ayay hadaladani Canab ku sii abuureen, sababtoo ah waxay ogtahay xaaladda guriga ka jirta iyo sida qotada dheer ee uu Maxamed u jeclayahay, waxaa intaa udheer oo walbahaar ku haya niyadjabka uu Maxamed kala kulmidoono, marka uu sheekadan maqlo.

Amakaag iyo dhabanahays kii hore ka badan ayaa ka soo hadhay ,sidii qof maqane jooga oo kale intay Canab soo himbiriirsatay ayay ku tiri: “walaalo iga raali ahow, badkale ayaa igu furan, xitaa cabitaan kuuma keenin, waxyar isug fadlan” jikada intay gashay ayay durba cabitaan  usoo qastay, galaas qabow oo liimbambeelmo ah ayay agdhigtay, waxay kutiri: “walaalo cab sharaabka”.

Haye walaalo mahadsanid ayuu ku yiri, Maxamed waxoogaa dareen ayaa galay wuxuu aad ula yaabay aamusnaanta iyo hadalada Canab oo koob kooban, sababta oo ah wuxuu ku yaqaanay farxad, kaftan, iyo qosol, kaddib wuxuu ku yiri: “maxaa ku helay maanta sidaadii hore ma tihide? Waxaan islahaa Canab way kuu xiistay aragtidaadana way ku farxidoonta, laakiin macaanto taasii ii mamuuqato, magaranayo waxa jira.

Kaddib intuu yara aamusay ayuu galaaskii sharaabka ahaa kabaday, haddana iska dhigay isagoo aan cabin, ileen Canab waa qof – jahwareersane sonkortii ayay ka ilowday cabitaanka! Intaa markuu yiri oo ayna wali ujawaabin ayaa waxaa Canab u yeedhay eedadeed.

W/Q Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

SHEEKOOYIN