Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 5aad

Mad-habka itus oo itaabsii

Casharkii afaraad waxa aynu ku soo baranay felsafadda cimibaarista gaar ahaan iskuul fekerka toganidda. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa mid ka mida mad-habyada iskuul fekerkaas. Ka hor inta aan gudaha u galin casharkan, bal aan dib u yara milicsado ole-olehii Comte ee ku saabsanaa weydiimaha ka madax bannaan rumaysashada khuraafaadka iyo ka weecashada runta. Weydiimahaas xorta ah waxay keeneen in iskuulka toganidda uu noqdo kan ugu saameynta badan cilmiga bulshada. Dhanka kale, wixii ka dambeeyey 1960kii waxaa kordhay diidmada, naqdinta iyo loollanka culummada taabacsan iskuul fekerka tarjumidda oo ay kaga soo horjeedeyn iskuulka toganidda.

Haddaba, marka laga soo tago Comte oo ah aasaasaha iskuulka toganidda waxaa kaloo jira shakhsiyaad xusid mudan oo door weyn ka ciyaaray suuqgeenta iskuulka toganidda, waxaana ka mida Karl Popper. Mid ka mida waxyaabahii ugu weynaa ee uu ku kordhiyey waxaa ka mida halbeega loo yaqaano beeninta (Falsifiability)-waa halbeeg ku dulwareeganaya in aragtiyada sayniska iyo aqoon walba oo la daahfuraa nuqsaanteeda leedahay. Si kale u dhig, marka cilmibaaraha doonayo in uu daahfuro cilmi cusub, ujeedkiisu waa in uu noqdaa beenin balse uusan noqon xaqiijinta aragtidiisa.  

Mad-habta itus oo itaabsii (Empirisicm) waa tan ugu mayalka adag ee hoos timaadda iskuulka toganidda. Gundhigeedu waxa uu ku dulwareegtaa rumaynta in cilmigu yahay keliya wixii soo maraa dareemayaasha. Intaas waxaa dheer, adeegsiga jijaabada iyo indha-indheenta (Experiment and Observation); in aqoontu tahay keli wixii laabka gali karo ama la tijaabin karo, lana indha-indheen karo, wixii intaas ka baxsana maaha aqoon.

Culummada darsa arrimaha bulshada ee taabacsan mad-habkan waxaa ka mida Emile Durkhem (1858-1917). Wuxuu u ole-oleeyey baarista xaqiiqooyinka bulsho, iyada oo la adeegsanaayo hababka cilmiga sayniska. Tijaabooyinka ku saabsan isdhexgalka hababka cilmibaarista sayniska iyo hababka baarista bulshada waxay saldhig u tahay ismaandhaafka labada iskuul feker ee kala ah: tarjumidda iyo toganidda (Positivism vs Interpretivism), ee ilaa iyo hadda weli saaran masraxa doodaha akademiyada. Emile Durkhem asaga oo raba in uu caddeeyo suurtagalnimada in la darsi karo cilmiga bulshada iyada oo adeegsanayo hababka cilmibaarista sayniska ayuu sameeyey cilmibaaris ku saabsan is-dilka iyo sababaha keena. (Fiiri Suicide, 1897). Natiijada cilmibaaristaas waxay gundhig-aasaaseed u noqotay iskuulka toganidda ee barashada bulshada (Sociological Positivism).     

Wixii dheeraad ah, akhri buuggaagta hoose:

  1. Roger Pierce, “Research Methods in Politics: A practical guide” (2008). SAGE Publications. Pp. 24-25
  2. Bhattacherjee, Anol, “Social Science Research: Principles, Methods, and Practices” (2012). USF Tampa Bay Open Access Textbooks. Pp. 16-18

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Lafagure Arrimaha Afrika



         

Top