“Bandhiggii dhiganaha Hilaadin ee Esklistuna Sweden.” W/Q: Xasan “Shiribmaal”

“Bandhiggii dhiganaha Hilaadin ee Esklistuna Sweden.”

Shalay waxaa noo hirgalay bandhig buugeed qurux badan, oo aan kusoo bandhignay buugga uu qoray qoraa: Bashiir M. Xersi ee HILAADIN. Waxaa ka soo qayb galay, aqoonyahanno kala duwan iyo saxafiyiin mudda dheer ku soo jiray saaxada warbaahineed. Waxaa wacdi qiima badan ku furay Sheekh Abuukar Cali Madax, sheekhu waa caalim daaci ah ka na soo baxay jaamacadda Islaamka ee Madiinatul-munawara. Run ahaantii wuxuu soo jeediday wacdi ku saabsan qiimaha aqriska iyo sideey waajib u tahay in ummadda lagu baraarujiyo, aqriska iyo qoraalka. Fiiri: Sawirka (1) koobaad:

Sheekh Abuukar Cali Madax

Waxaan golaha kusoo dhaweeyay Xildhibaanka Soomaalida ku metela waddankaan Sweden, gaar ahaan Gobalkaan Sörmanland xildhibaan Cabdirisaaq M. Xuseen xildhibaanku waa macallin soo saara arday farabadan oo Soomaaliyeed, run ahaantii wuxuu soo jeediyay khudbad qiima badan, oo dadkii dhegaysanayay ka ilmaysiisay. Wuxuu aad ugu baraarujiyay Soomaalida in aqriska iyo qoraalka la badiyo. Wuxuu jeediyay hadal nuxur leh oo ka soo qayb galayaasha maskaxdooda ku reebay, dareen daaran. Fiiri sawirka: (2) labaad. 

Xildhibaan: Cabdirisaaq M. Xuseen.

Waxaan ku soo dhawaynay qoraha buugga HILAADIN ee Bashiir M. Xersi qoruhu wuxuu si tifaftiran u ka la dhig-dhigay, cutubyada dhiganaha ku yaal iyo halbeegga ay tebinayaan run ahaantii dadkii waxay u noqotay dhiirri gelin, waxay dareemeen in wax la dhaqaajin karo, waxayna soo xasuusteen inay jiraan dhallinyaro garaadkoodu noolyahay ummadda na wax tar u leh. Qoraagu si mug leh ayuu u qaada dhigay dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Bashiir M. Xersi

Waxaan mar kale codbaahiyaha ku soo dhaweeyay qoraa, Aqoonyahan, saxafi ruug caddaa ah, aqoonyahan, Cabduqaadir Maxamuud Walaayo. Wuxuu ku dheeraaday, sooyaalkii waddanku soo maray, amminkii gumaystuhu maamulay iyo amminkii dowladdii daakhiliyadda iyo dowladihii shibilka iyo amminkii askarta iyo burburkii ka dibba. Wuxuu aad u ammaanay dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhabarka u ritay inay hormariyaan afkooda Hooyo, addunka na tusaan inay leeyihiin af dhan kasta ka dhammaystiran. Mudane Walaayo dhan walba waa ka tusaaleeyay, in wax la aqriyo, wax na la qoro, iyadoo xeerarka dhigaaleedna aan la dhinac marayn. Fiiri Sawrika: (3) seddaxaad.

Cabduqaadir Maxamuud Walaayo.

Intaas ka dib waxaa codbaahiya qaatay aqoonyahan Prof: Xuseen M. Cabdulle (Hussein Wadaad) aqoonyahanku wuxuu si quman u sharraxay habkii hore ee qoraalka loo dhowri jiray iyo wadiiqooyinkii loo mari jiray hab qoritaanka. buuni Wadaad wuxuu ka mid ahaan jiray aqoonyahannadii riwaayadaha naqdin jiray si anshaxa erayga loo ilaaliyo. Hadda na waa qoraa dhigaal badan soo saara, waddankaan Iswiidhan na wuxuu ka yahay bare macallin. Wuxuu bidhaamiyay muhiimadda uu leeyahay “AQRISKU” qoraaga na waa BASHIIR M. XERSIYE wuxuu uga mahadceliyay dedaalka iyo duunyada uu geliyay dhigaalka afkeenna Hooyo iyo sida qurxan ee dhigmaasha u saxal tiray. Fiiri sawirka: (4) Afaraad.

Prof: Xuseen M. Cabdulle (Hussein Wadaad).

Waxaa mar kale golaha lagu soo dhaweeyay aqoonyahan ruugcaddaa saxaafadeed, Aqoonyahan Salaad Iidoow Xasan (Dr: Salaad Xiis) Dhaqtarku wuxuu si fiican uga faallooday dhigmaasha iyo sida ay muhiin u tahay dhallinta in lagu hago dhabbi wanaagsan. Si loo helo dhallinyaro tayo sare leh, oo qaban kara, xilka ka saaran afkooda Hooyo, Dhaqtarku si xagal toosan ayuu u tilmaamay inay tahay la ma huraan in aqriska la badiyo. Wuxuu tusmeeyay ummad walba inay ka hormarsan tahay ummaddii ay ka aqris badan tahay, wuxuu si aan leex-leexad lehayn u iftiimiyay inaan Af-Soomaaliga lagu gal-galan’e si anshax iyo asluub leh loo dhoho loo na dhigo. Wuxuu dadka xiiseeya aqriska tusmeeyay in la noqdo aqriste wanaagsan halkii la noqon lahaa fadhi ku diri wanaagsan. Fiiri sawirka: (5) shanaad.

Salaad Iidoow Xasan (Dr: Salaad Xiis).

Bandhigga dhiganaha Hilaadin si qiima badan ayuu u dhacay, run ahaantii dadkii aan ku casuumay na dhammaantood way ka soo qayb galeen, waxaan si guud iyo si gaar ah ba ugu mahadcelinayaa dhammaan ka soo qayb galayaashii, sida sharafta leh u aqbalay u yeeritaankii aan u yeeray. Waxaan qirayaa dadka Soomaaliyeed inay usoo jeesteen, inay markaan aqriska xoogga saaraan bulshadu na ku baraarugtay muhiimadda aqrisku u leeyahay naftooda. Xasan Shiribmaal

Xasan Shiribmaal

Muuqaalka waxaan soo gelin doonnaa barta YOUTUBE-KA ee Mareegtaan Laahin.com haddii Eebbe idmo.

Bandhigga waxaa soo qanqaabiyay aniga Shiribmaal ah iyo aqoonyahan Maxamed Shuuriye.

Xiriirinta, daadihinta iyo diyaarintu na waa: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

Hoos ka muuqso qaar ka mid ah humaagyada ka soo qayb galayaasha.

 



         

Top