Waa siduu Aabe yiri (CURIS YAR) W/Q Maxamed Cabdullaahi Dhaaleey…

Waa siduu Aabe yiri (CURIS YAR)10672300_634722843313928_1169928553380477306_n
Wuxuu dhageysanayay Raadiyaha, markii aan halkii uu fadhiyay si fudeyd caruurnimo ku jirta ugusoo booday anigoo kasoo cararaya banaanka oo aan dheel ku haayay. Agtiisa ayaan si dhamba-caadsi ah (Xabadka dhulka dhigay) u seexday. In yar markii aan sidaas u jiifay ayaa anigoon ka war heyn waxa uu dhageysanayo waxay un dhagteydu mar qabatay Raadiyaha oo leh (Nabad u raadinta Soomaaliya).
Su’aal caruureed aan micno badan markaas ku fadhiyin, asii hadda ay xusuusteedu micno ii sameyneyso ayaan lasoo booday oon ku iri Aabaheey (Aabe Nabadda la raadinayo goormee la helayaa?).
Wuu yar aamusay, waxaan hadda xusuusteyda is leeyahay malaha qaab ay caruurtu fahmi karaan buu jawaabtaada u day-dayay, ugu dambeyntiisa wuxuu yiri (Dadka ay ka maqantahay marka ay raadiyaan.).
Markaas cidda raadineysay, waxay Nabaddu tahay, sababta loo raadinayay, iyo halka laga raadinayay toona ma garanayn. Su’aasha kaliya ee aan la imidna waa intii ay Dhegtu qabatay oo Raadiyaha hadalkiisa ugu dambeysay. Kumasii fogaan warsashada arrintan, halkii baanan uga aamusay.
Xilligu wuu xawaara dheeryahay oo sidii dabeysha ayuu xiimaaye, waxaa xirmay toban sano oo aan xagaa ugagasii tallaabnay dhowr sanadood oo kale si aan mar kale u maqlo ereygii (Nabad u raadinta Soomaaliya) isagoo sidii aan Berigii yaraanteyda Raadiyaha Aabe dhageysanayay ka maqlay wali u yaala. Codkuu igusoo gaarayay baa kala duwan oo laba War-tabiye ayeey kala ahaayeen, malaha Mowjaduhuu kasoo maaxayayna way kala duwanaayeen, ujeedaduse wali waa sidii. Waxan hadda micna u helay Jawaabtii Aabe ee ahayd (Dadkay ka maqantahay markeey raadiyaan ayaa la helayaa Nabadda).
Haaah, waa siduu Aabe yiri. Haah. Waxaan ku gartay illaa iyo goorta raadinteeda lagu jiro. Ma garanayo inta lagusii jiri doono. Malaha Ilmaheyga iyo kuwey sii dhalaan baa isla hal-xiraalahan kala dhaxli doona. Ninba waa nasiibkiis!!…………………HABEEN WANAAGSAN.
Mohamed Abdullahi Abubakar (Dhaaley)
Mohamed Dhaaley

SHEEKOOYIN