Sheeko gaaban:Kedis iyo kala guur W/Q: Cabdul Cabdukariim(Jallaato)

Sheeko gaaban:Kedis iyo kala guur

Waxaan ka soo baxay shaqadii, aad ayaan u daalnaa gaariga ayaan daartey inta kursiga isku tiirshay, ayaan bilaabay inaan aqriyo farriimihii la ii dhaafay inta aan shaqada ku jiray, sababtoo ah waxaan ku qasbanaa inaan sugo gaariga inta uu ka yara diirayo, anigoo wali hoos u foorara oo ku maqan aqrintii farriimaha, waxaan ku soo baraarugay albaabka gaariga oo la soo furay, haddaan gadaal u jaleecay waana gabar da’ yar oo hagoogan, isma aysan lurine hawsheeda ayay wadatey, iney is toosiso suunkana adkeysato.

Waa gabar qurxoon da’ yar dhiig furan oo soo jiidasho leh, sidii lagu yaqaaney haweenka soomaalidana u hagoogan. Waa gabar joog leh oo dherer haween ugu qurxoon uguna qaabsan, jidhkeedu buuxo oo isku dheelitirin, hadda ogoow intaas anigu gadaal hal mar bes ayaan u jeestay ee inta kale waxaan ka jeedaalinayaa muraayada dhexe ee baabuuurka.

Waxaan is dhahay caawa ma “leylatul qadarkii” la sheegi jiray miyaa ku soo doontay si kasta aan maskaxda u tuujiyay garan waayay, inyar ka dib ayey igu tiri waxaad i geysaa xaafad heblaayo, waan amakaagey waayo ma jirin hadal kale oo ay I weydiisay, kaaga darane haddana Af Soomaali ayay igula hadashay, aniguse muuqeeda iyo codkeeda midna ma garan , yaab dartii afkii ayaa labo taako i kala noqday, WAAYEEL DAMAC GALAY MA FUDUDAA LA YIRI: anigoon is dhibin ayaan go’aansaday inaan la gudhiyo gabartan waxaanan u dhaqaaqay si tartiib ah, waxa anaanan ku dhahay, magaceygu waa Abkoow ee adigana magacaa?

Waxey tiri heblaayo ka dib iyada lafteedi waxaa galay dareen waayo waxay baabuurkeyga ka weyday astaamihii Taxiga markaasay iyadoo hadalkii sii wadata igu tiri walaalo iga raali ahaaw waxaan dalbaday TAXI ma tihid miyaa?

Aniguna maya ayaan si fudud u iri! Haddana intaan qoslay ayaan ku iri anigoo la kaftamaya Taxi maahi waase lagaaga dhigaa Taxi, gabartii iyaduna qosol bay u dhacday iyadoo dareentay inaan Taxi ahayn haddana codsigeedii tixgeliyey, waxaa na dhexmartey  Is barasho furan iyo sheeko dheer waxa aana kala qoranay nambarada telefoonnada.

Markii halkii ay u socotay markii aan hor istaagnay ayey igu tiri: “ Caawa iyo habeen danbo halkaan ayaan joogayaa, ka dibna waxaan u laabo doonaa gobolkii aan ka imid, bil ka dib ayaan imaanayaa halkaan. Ma jeclaysan warbixintan waayo furfurnaanta iyo quruxda gabarta markaan arkay waxaan sii jeclaysanayey inaan is barano waqti dheerna wada qaadano, waxaan Aniga naxdin iyo kahasho iga muuqato cod dheer aku dhahay .

  • Barashadaadii horeeto
  • Anigoon ka bogan wali
  • Miyaad beri baxeysaa?
  • Beelo anigu yaabaye
  • Ma bahdii jinkaad tahay?
  • Horta maxay bilcaamuhu
  • Burjigiyo awoodiyo
  • Bahda iyo waxgarashada
  • Ragga uga buuquujaan
  • Beer nugeyl u beeraan
  • Iyo beeraq aan harin
  • Baa’ ba uga yeelaan
  • Intey xiise boqol jira
  • Boholyow kalgacal wada
  • Durbadii ku beeraan
  • Bye bye ugu yiraahdaan?

Waxey tiri iyadoo dhoola caddeyneysa, is daji ka warran beri haddaan kulano goobta iyo meesha aad iigu imaaneyso dib ayaan kaaga soo sheegi doonaa haddana habeenku ha kuu macaado. Halkii ayaan dib uga soo huleelay anigoo daalkeygi shaqada qaba, oo ay xubin walba oo jirkeyga ka mid ah ay dacwo iga tahay ayaan gurigeyga imid, markii aan albaabka saas u soo galay, nalalka waa shidan yihiin television waa daaran yahay, tartiib ayaan u soo gaagaatamay, qof joogo maleh, waxaan fiiriyay jikada nalka waa shidan yahay qof joogo ma leh waa soo baxay qolka jiifka ayaan soo galay waa mugdi , nalka shid ayaan is dhahay maba daarmaayo, yaab badanaa sideey wax u jiraan nafta ayaa dhuunta ii soo gashay anigoo is leh NAFTU OROD BAY KUGU AAMINTAA ma orodaa inteen u ordaa guriga waa gurigeyga ma bannaanka ayaan seexdaa waa maya?!

Toosh ayaan soo qaatay nalkii waa gubnaaye waa badalay, xasuusteyda ayaan dib u celiyay intii aan guriga ka bixin ka hor maxaa dhacay? Saakay aroornimaddii waxaan soo toosay saacad ka hor xiligii aan shaqo tagi jiray markii aan is diyaariyay saacadiina aan la gaarin ayaan muuq baahiyaha daartay waan ku raaggay daawashada waxaan arkay anigoo shan daqiiqo daahsan si heelheel ah ayaa irrida uga booday, waa gartay in xaalku caadi yahay fadhiga ayaan isku tuuray, si aan uga nasto xurguf xurguftii iyo faroja naxnaxii aan saacaddihii la soo dhaafay ku jiray.

Cabbaar markii aan muuqbaahiyaha hor fadhiyay ayaa si lama filaan ah isheyda ugu dhacday gabadhii oo ruwaayad taxane ah ku jirto oo jilayaasha ka mid ah, waxaan run miyaa ma riyaa moogi cawo ka dhirir badan oo ka dheygag badan nolosheyda ima soo marin, waxaan isku qanciyay inaan sugo ilaa iyo beri balse nafta ayaa iga diiday oo leh maad haddaba wacdid telefoonka ayaan in ka badan dhowr jeer kor u soo qaado haddana iska dhigay, ugu danbeyn waxaan go’aansaday inaan sugo ilaa iyo habeen danbo laga gaaraayo sababtoo ah waxaan ku balanay iney iyada isoo wacdo haddii aan ka hor dhaco ay balanta laga qurxoon yahay.

Waa iska seexday subaxnimaddiii hore ayaan toosay waxaan isku diyaariyay kulanka caawa, anigoo diyaar ah ayaan duhurkii shaqada galay, waa soo dhammeystay, wax yar ka dib telka ayaan eegaa in aan wax farriin la iigu dhaafay nasiib darro ma ay dhicin, anigoo ka quustay, oo guriga xagiisa u soo hilaabtay qalaw qalaw waaba ayadii salaan diiran ka dib waxa ay ii soo dirtay halkii aan ugu tagi lahaa, 40 daqiiqo ka dib waxaan is hortaagay gurigii ay joogtay waxaa albaabka guriga ka soo baxay ayada iyo shan gabdhood oo jini jini u eg faruuryahooda iyo sankooda biro ka laalaadaan sigaar u shidan yahay qal qalooc u socdo naxdin saddaxaad war bal amuurtaan eega gabdhaha labo waa iska dhal madow iyo cadaan labana waa Soomaali iyo xabbadaan iska dhax arkay, waxaan qaatay go’aan dagdag ah, waxaan hoos u iri :

  • Qurux lagu qasaaraay
  • Qiimihii haweenkiyo
  • Adigaa qudheys jaray.

 

  • Kaa quustay aniguye
  • Qamaarkaad xirneydiyo
  • Quruxdaada gabarnimo
  • Qaadir kugu maneystaa
  • Laabteyddii qaadayoo
  • Qancisay nafteydee
  • Qaabdarooyin baasoo
  • Kuu qarsan baa jira.

 

  • Qurux lagu qasaaraay
  • Qiimihii haweenkiyo
  • Qaniyo dahab la moodyey
  • Adigaa qudheys jaray.

Si kastaba arrinku ha ahaadee waan isa soo raaacnay dhammaan Tiyaatar ku yaal faras magaalaha ayaan tagnay, markii aan isku kaliyeysanay ayaan wareysi ugu dhaqaaqay ayadana waxba igama qarin waxey tiri halkaan ayaan ku dhashay shaqadeydana waa jilaa waan soomaa waan salaadaa mar marba dhowr shakeeti qac waa ka siiyaa haddaan run la isku sheegin been aa qarsoon haddii aan wax kaa qarinaayo kuguma balamiyeen halkaan kaligeey ayaan kuu imaan lahaa ujeedka ugu weyn waxaa muhiim ii aheyd in aad runta indhahaaga ku aragto sidaan waaye nolosheyda dhaqan soomaali Islaanimadda ayaan ka wataa adiga go’aanka iska leh inaad ku raali ahaato iyo inaad hadda ka raali ahaato.

Waxaan ku dhahay: “Waad mahadsan tahay haddii aad diyaar u tahay inaad reer dhaqato noloshaan noocaan ah aad ka soo baxeyso wax waa waddaagi karnaa, ka soo fikir waxaan diyaar u ahay inaan kaa caawiyo kuuna sameeyo mid cusub”.

Waxey iiguu jawaabtey: “Ma u maleynaayo inaan wax ka badali karo balwada waa qeyb ka mid ah nolosheyda waana sababta waalidkey oo magaalada joogo aan guri gooni ah u daganahay waliba gobol si aan isku arkin.

Saacaddo badan ka dib waan ka soo tagay markii aan macsalaameynayay ayey igu tiri: Waan kaa helay oo xalay oo dhan adigaan kaa fikiraayay waana sababta igu qasabtay inaan runta indhaha kaa saaro ama igu nac ama igu qaaddo, hadda waan ku ogaaday waxaad qaadatay go’aan adag inaad 24 saac ku soo af jarto oo waqti iiga kaa lumin laakiin ma kusoo wici karaa?

Waxaan ku dhahay haa waa i soo wici kartaa markaad doonto, waliba waxaan diyaar kuula ahay gacmo furan iyo guur xalaal ah taas maanka ku haay midna ogow fursaddu mar walba kula daris maaha, sidii ayaan ku kala tagnay.

Ma aysan ahay qof qalbi xun, habdhaqanka ay ku nooleydna maaha mid ay iyadu sameysay ee waxaa sababeeyey xaaladda iyo deegaanka ay ku kacaantay, mararka qaar lama yaabo ubadka iyo dhallinta ku korta dalalka reer galbeedka, haddii aan qofka si quman loo barin diintiisa iyo dhaqankiisa awoodana aanu saarin waalidku inta badan kuma gefsana inuu u noolaado sida asaagiisa ay wada koreen.

Dalkeenna laftiisa waxaa jira dhallin u dhaqanta sida kuwa galbeedka ku korey kana falfal xun, waxaase ay ka dhuuntaan oo ka qariyaan dadka deegaanka oo aan ka oggolaaneyn, hays dhihin wuxuu rabaa inuu wax dhaliilo maya, wiilka xumaanta aad ku aragtey reer galbeedku kama dhigin ee deegaanka ayaa keenay, bal eeg kan is qarxinaya ee dalkiisa jooga, haddana u arka inuu dadkiisa laayo inay horumar tahay, ma lagu eedayn karaa waalidkiisa iyo bulshada soomaaliyeed ee uu ku dhex kacaamey? Maya ee deegaanka iyo dadka uu la falgalay ayaa keenay arrinkaas.

Gabadhaasi intaan haween ku raaci lahaa wey lahayd muuqaal iyo dadnimoba, waxaanse isku seegnay habdhaqankeeda iyo kayga oo kala duwanaa aadna u kala fogaa. Isla yaab isla diid uunbaa na kala geeyey.

Dhammaad

Cabdulle Cabdukariim(Jallaato)

 

SHEEKOOYIN