Home Qoraallo Ilbaxnimadii Soomaalida Q2AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Ilbaxnimadii Soomaalida Q2AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

48
0
SHARE

Ilbaxnimadii Soomaalida Q2AAD

Ilbaxnimadii Soomaalida Q2AAD

 

3)Caanaha

Caanaha geela ayaa ah kuwo aad lafdhabar ugu ahaa nolosha qoyska reer guuraaga ah ee geela leh, geela ayaa caanihiisu yihiin kuwo lagu noolaan karo cunto la’aan oo tamar iyo tayoba laga helayo, sidoo kale waxaa la maali karaa neefka geela ah, maalintii saddex jeer, waxaa kale oo uu irmaanaan karaa hashu ammin ku aadan laba gu’ .

Caanaha geela ayaa ah kuwo dhigmaya oo ooli kara muddo dheer, waxayna maraan heerar kala duwan, haddaan tusaale kooban ka soo qaadano jaadadka caanaha geela.

  • Dhay lis ah
  • May dhannaan
  • Suusac
  • Karuur
  • Jinow

Caanaha geela ayaa marka ay ammin dheer yaalaan u kala baxa Fud iyo Faar, hase yeeshe haddii laysku ruxruxo dib isugu noqda, waxayna noqdaan kuwo loo adeegsan karo, Dhamis iyo iidaanba.Marka ay dhayda yihiin ilaa Suusac oo ah heerka saddexaad waxaa loo adeegsadaa in sidooda loo cabi karo, haddiise ay noqdaan Karuur ama jinow waxay ku fiican yihiin iidaanka, haddii laga maarmi waayona waa la badhxadaa wuxuu yidhi Abwaan Cumar Austareeliya:

  • Dhibaatiyo adoo gaaja qaba dhaxanta jiilaalka
  • Dhoor(71) caana laga soo 1isoo yara dhanaanaaday
  • Nin dhedhemiyey wuu garanayaa dhulay qaboojaane
  • Dhallaannimo qodxihii kugu mudaa kaaga soo dhaco e
  • Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhidid ku qooyaaye
  • Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele.

Caanaha ayaa ah sed iyo sahay dadka Soomaaliyeed dheefsadaan, waxaana dhammaan suugaanta geela aad ka dheehanaysa, tayada ay lahaayeen caanuhu iyo sida loogu noola, Ilbaxnimada ayaa ahayd in ka badan 3000 gu’ horteed in bulshada Soomaaliyeed hab nololeedkooda ku maareyn jireen waxay haystaan, iyagoo dhereg iyo nolol dhammeystiran sameystay.Bal aan dib u jeedaalino heerka ay bulshada ka joogey geela iyo caanihiisa waxaa jirey gabay uu tiriyey Abwaan Soomaaliyeed oo aanan hadda magaciisa xasuusan, isagoo is barbardhigayey, Geela iyo geesleyda ayuu yidhi:

  • Mid mid uma fushee sida gubney maash u socotaaye
  • Markaasay raggii maali jirey, Ugu majiiraane
  • Martidiyo ninkii soconayaa,Maalintaa dhama

Waxaa kale oo jira Gabay si togan inoogu tilmaamaya, heerka iyo halka ay caanaha geelu ka taagnaayeen bulshada Soomaaliyeed, ogoow markaan ku celcelinayo bulshada soomaaliyeed waxaa sidaasoo kale jira bulshooyinka cara edeg in qolo weliba leedahay wax ay agtooda tayo ka leh ama cunto iyo cabitaan u gaar ah oo laga xiiseeyo lagana muuneeyo wuxuu yidhi Gabyaa aanan hadda magaciisa xasuusan.

  • Cirku haddaanu di’in geelu waa, Darar ma waayaane,
  • Doog iyo abaar caanahaa, Deeqa aadmiga e

Isla gabaygan waxaa jirta hees u marag fureysa oo ka hadlaysa geela iyo darartiisa iyo millayada adag in uu ka duwan yahay meesiyada kale ee xoolaha, heestani waxay leedahay.

  • Markay dirirro hooraan
  • Eey duudda joogaan
  • Dalawada irmaan baan
  • Kugu diidin nirigtoo
  • Godol debecsanaatee
  • Gabno kuma daryeeshoo
  • Marti kuuma deeqdoo
  • Doobi lagama buuxshee
  • Geelaa markuu dararanyahay
  • Laba nin duugtaa

 

  • Dalandoolka jiilaal
  • Marka ay dameeruhu
  • Ilmahooda diidaan
  • Isagaa wax daaqaba
  • Ugu nolol dambeeyee
  • Diihaalka gaajada
  • Isagaw dul qaatoo
  • Doogana joogee
  • Geelaa markuu dararanyahay
  • Laba nin duugtaa

Waxaa jira maahmaahyo iyo murti badan oo muujinaya inana baraya waxtarka caanaha geela  hubanti in murtida soomaaliyeed iyo ilbaxnimadoodu isku sidkantahay,  wax walba oo suugaan laga curiyo ama maahmaah lagu qeexay  waxay ina tusineysaa sida uu nolosha iyo sooyaalka bulsheed ugu ahaa lama huraan tusaale;

  • Magaabo geel gelin dhan bay ku wadaa
  • Caana ku deeqiyo, cag ku raacdaba geel baa leh.

Waxaa jira suugaan badan oo u badan heesaha geela oo ka hadlaya waxtarka iyo kaalinta uu u lahaayeen bulshada aan dhawr tusaale ka soo qaadano.

  • Caana aan saxarleyn
  • Oo si san u dhamo
  • Waa na siin jiray.

 

  • Xayle guud weyn,
  • Xiddiggoo dhacay
  • XiI ma kuu yimid
  • Oo ma lagu xigay
  • Oo ma la xiI baxay.

 

  • Afar foollaha
  • Aabbe mooyiy
  • An af kale baran
  • Abaydi(60) miyaay!!

Suugaantan oo ah dhammaanteed mid marag fureysa heerka iyo lagama maarmaanka bulshada ay u ahaayeen caanaha geela, waxtarkooda iyo sida loo jeclaa laysugu martigelin jirey laysuguna muuneyn jirey, waxaa kale oo jirta inaan martida lagu soori jirin caanaha adhiga iyo kuwa lo’da haddiiba geel la helayo, balse haddey mahurto noqoto kuwa lo’dana waa laysku sooryeeyaa.

 

4)Gedis ama ganacsi

Geelu isaga oo leh inta qaybood ee waxtar aynu soo sheegnay ee Gaadiid, Hilib iyo caanoba lahaa ayaa haddana waxaa dheer in la iibiyo, waxaa loo iibgeeya loona iibgeyn jirey dunida kale, sidoo kale waxaa laga iibiyaa magaalooyinka oo hilibkiisa laga jecelyahay laguna qalo, dhammaan xoolaha soomaalidu dhaqanto inta badan lama iibiyo dhedigooda iyadoo la ilaalinayo firka iyo faracooda, waxaa la iibiyaa labka, geela ayaa waxaa jira kuwo loo diyaariyo iibinta sida; Koromada iyo Qurbacyada.

Marka la rabo in hawlo iyo arrimo kale lagu fushado waa la iib geeya, taasoo keenta dhaqaale dadka xoola dhaqatada ahi ku gedistaan danahooda gaar ahaaneed, qaybtan ganacsiga ayaa ah mid xoola dhaqatada iyo gedisleyda kasii ganacsataba waxtar weyn u leh iyo waxdheef.

5)Qaanbax

Qaybtani waa mid aad lama huraan ugu ah bulshada xoola dhaqatada, xoolaha kale iyagoo dhammaantood leh waxtarkooda haddana geelu waa midka qudha ee lagu qaanbaxo, marka ay dhacdo in ay timaado arrin culus qudhgooyo nafeed, reerka laga diley qofkaasi waxay ku ilaawi karaan marka la siiyo 100 halaad iyo awrkooda oo ah dhaqaalaha ugu muga culus ee lagu magdhabo naf go’dey. Arrintan oo dhan diinta xageeda ku qotonta ayaa haddana dhaqanka bulshadeenu ahayd mid ay ku kala baxdo marka geedka iyo goobta garsoorka la joogo, magta raga iyo haweenkaba waxaa lagu dhiibaa geela. Geela isagoo ka hadlaya iyo sida loogu qaanbaxo ayuu yidhi Abwaan Cabdi Galayax:

  • Ninkii se quursadow geelu waa, Qaniyaddeenniiye
  • Rag is-qalay qabiilo is-dishiyo, Qaan la bixin waayey
  • lyadaa wax lagu qaybsan jirey ,Qadar la mooddiiye
  • Maalintii qisaas lagu gasheey, Qawl ku furataay
  • Qasaare iyo faydaba raggay, Qalas ku raacdaaye.

Abwaan Cumar ustareeliya oo isaguna ka hadlaya Qaanbaxa iyo magta sida geelu ugu lahaa bulshadeena milge gaar ah wuxuu yidhi:

  • Ajal dhimatay oy laba qabiil eedi, Kala gaadhtay
  • Boqol awrku dheer yahay kolkii, Oodda laga qaado
  • Markaasaa ninkii iilka galay, Lagu illaawaaye

 Heestan oo geela loogu heeso xiliyada hawshiisa lagu gudo jiro iyadoo la barayo ubadka iyo dhallinyarada mugga uu leeyahay geelu ayaa la yidhaahda:

  • Nin gadh madow leh
  • Oo la gawracay
  • Gashi(bixiyaay.

Sidoo kale waxaa jirta soo jireenka dhaqankeenna ee abaalgudka guurka iyo yarad bixinta ayaa isaguna ahayd mid lagu maamuuso geela oo gabadha geela laga bixiyaa ay lahayd mudnaanteeda, sidaasna reerka gabadha dhalay ku haneyn jireen iyagoo ku riyaaqsan. Arrinkan yaradka ayaa ah mid si weyn looga tixgeliyo bulshada dhexdeeda waana dhaqan iyo ilbaxnimo soo jireen ah, abaalgudka gabadh reer dhalay inaad uga mahadceliso waalidkii dhalay una weydaariso hanti iyo xoolo ay ku xasuustaan, heesahan geela ayaa inoo qeexaya kaalinta yaradka ee geelu lahaa:

  • Naag la gaatiyo,
  • Gaari xidhantaba
  • Adaa gooyoo
  • Lagaa geeyaa.

 

  • Baari gabadhii
  • Laga bixiyaa
  • Waa mid baasoo,
  • Waa mid boqor dhalay.

 

  • Qaalma diireada
  • Oo duqii dhalay
  • Wiil an daba gelin
  • Doorka naagood
  • Dumaal mooyee
  • Doonis kuba waa.

Geela ayaa ahaa tiirarka nolosha soomaalida mid ka mid ah, waxaana halkaa nooga muuqata inuu geela soomaaliyeed iyo dahabka ay bulshada soomaalidu jeclayd geela, ilbaxnimadooda ayaana gaadhsiiyey inay waxa ay haystaan ku koobnaadaan iyaga oo aan u doolaalo tegin dhaqamo kale iyo bulshooyin kale wax soo saarkooda.

6) Agabka

Geela ayaa ka mid ahaa waxyaabaha la falgala Agabka la adeegsado, tusaale, marka neefka la qalo ee hilibkiisa la cuno badhna la kaydsado, waxaa kale oo iyaduna meesha ka maqnayn in saanta geela ama maqaarkiisa loo adeegsan jirey dhismaha aqalka Soomaaliga, iyadoo ay ku jirtey halka uu ku jiro maanta shiraaqa bacda ah ee dibadda laga keeno, sidoo kale wuxuu ahaa bilic iyo dadab guudka looga xeero dhismaha aqalka soomaaliga.

Saanta geela ayaa waxaa kale oo laga soohi jirey xadhkaha qaarkood, inta la deebiyo ama la magdiyo, ogoow maanta iyadoo geeli jooga haddana saantu waxay ka mid tahay waxyaabaha aan sidii hore iyo si ka duwan loo dheefsan, dadkii horse waxay ahayd ilbaxnimadooda gayeysiisay inaysan wax ka yimid dibad ku tashan iyagoo isku filnaanshiiyo ku gaarey inay wax walba oo ay haystaan siyaabo kala duwan u dheefsadaan.

 

Xigasho iyo Tixraac

  1. Buugga Suugaanta Geela
  2. Boggaga kaydka suugaanta soomaalida.

La soco qaybaha kale

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr