Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q5AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q5AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Gabaygaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Su’aal guud” waxaa noo marin doona laashinka dhallinyarada ah, laashin Axmed Nuur Aw Xuseen oo loo yaqaan Garaad Nuur, waa gabay uu uga hadlayo in Soomaalidu suugaan ku nool tahay goob walba iyo gobal kasta ee ay ku nooshahay. Wuxuu bidhaaminayaa inaan cid gaar ah oo suugaanta loo daba fadhiisan, taa beddelkeeda na deegaan walba laga curiyo. Laakin curinto ay tahay awood iyo hibo Eebbe bixiyo ee aan sahal lagu helin. Gabaygii “Su’aal guud” wuxuu u dhacay sida tan ee ka bogasho wacan:

1. Haddii ay murtidu soorya tahay, Hibo qof loo siiyo
2. Sawaariikh hadday tahay adduun, Kala sarreysiiso
3. Haddii semin dhiciyo lagu metelo, Duni wax saameyay
4. Sed ahaan naflaha Eebbe wow, Kala sarreeyaa’e
5. Aan saxiixo say ila tihiyo, Sadarka ii muuqda
6. Aan sifeeyo sooyaalkiyey, Sidig ku maalaane.

7. Kulan jurun sidiisii haddaan, Calanka soo saaro
8. Sidi Faarax Shuuriye haddaan, Sadarra faalleyo
9. Dhegataag sidiisii haddaan, Saxo ujeedkayga
10. Safki ina Taraawiil haddaan, Seban ka sheekeeyo
11. Sifaheey lahaayeen dad waa, Kala sarreeyaaye
12. Cidna kuma saleyn karo intii, Caga dhul saartaaye
13. Wax la siman sifaadkii murtida, Magaca Soomaali
14. Rabbi sooma saarine dadaa, Qariyay saantiiye
15. Dad baa lagu saxiixa murtida, Laga sedroonaaye
16. Saan saan waxaa socota aan, Sina u fiicneyne
17. Sadriga iyo laabtiyo qalbiga, Sidig mayeelaane
18. Maxaa idin sixraday uunku waa, Sara istageene.

19. Soddon iyo siddeed dowladod, Iyo sagaal raacday
20. Afaraan sedkoodii maqnayn, Salow ku taahoodi
21. Maalinkey safdheer ugu jireen, Dunidu suugaanta
22. Sumcad qaybsi Laagos markey, Kala sarrayn gaartay
23. Cabdulloon saluug lagu aqoon, Gebi markow soonshay
24. Afrikada markow saxay inaan, Ugu sarreynayno
25. Billad dahaba saad kii naqdee, Galay saxiixeenna
26. Sumcaddiisi xaa qariyay waa, Iga su’ual guude.

27. Safxaddii Jimcaaliyo codkii, Seban la moodaayay
28. Sayruuq duulay miig sare u kacay, Lagu saleynaayay
29. Seyma hooray samadoo irmaan, Gugac na seyraarshay
30. Sawaariiq is dhaaftiyo haddaan, Sadarradow hoorshay
31. La salaynin aadnina sirgaxay, Dunidineey seegtay
32. Sumcaddiina duul kale suntaday, Silac miyaa dhaafa.

33. Sirta erayga saaxada qarsoon, Dalabka suugaanta
34. Sax ka hadalka suugaan cammiran, Eraya suuraysan
35. Sarbeeb gabay siyaasada maldahan, Sadarro qaan gaaray
36. Ninki ugu sarreeyee arliga, Sabanna soo joogay
37. Suldaan Faarax Shuuriye haddaan, Sowdow yiri wayay
38. Sumcaddiina duul kale suntaday, Silac miyaa dhaafa.

39. Safka Gaalkacyod maalintii, Rag isku suul daaray
40. Suugaanta xoogga leh markii, Rag isu saafaayay
41. Seddex saac ninkii saray codkee, Wada su’aaleeyay
42. Hal-xirele saandheer markow, Gealiyay sooyaalka
43. Cid na kuma saluugine dadkii, Wada saxiixeene
44. Kulan jurun sargaantow la dhacay, Siriray duulkiiye
45. Wax se kuma sammanoo sedbaan, Subaxan ii oole
46. Maxa suulshay sowdkiisi aan, Laga sal gaaraynin
47. Maxaa qariyay saantiisi waa, Iga su’aal guude.

48. Codki Subagle sowdkii dadkiyo, Dunida saameeyay
49. Sooyaalka taariikhda qoran, Kuma saxiixnayn’e
50. Dad uunbaa ka saarsaday middii, Saxar la daaheed’e
51. Maxaan saanta haayaa murtidu, Sigasha weeyaane.

52. Sidi laashin Muluq siinka gabay, Hiba qof loo siiyay
53. Mis na seerma weydada Ilaah, Seyma uga yeelay
54. Cirkoo gugac la soo kacay dhulkoo, Karar u sooryeystay
55. Xareed sabaha taalliyo biyaha, Togagga sayraayo
56. Midkii lagu saleeyaan lahayn, Sal iyo taariikh’e
57. Maxaan uga safaadaa murtidu, Silacday goortaane.

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN