Farxaddu iib maaha Q5AAD W/Q: Cabdul Cabdukariim(Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q5AAD

Xaaska Rooble oo wax xog ah dheeriya soo helin kuna soo hungoowdey reer Raage ayay gurigeeda ku soo laabatay, waxey u timid Rooble oo meeshii ay ay kaga tagtey fadhiya weli, waa ay isku naxday, wax eyna ku tiri: “Sow is kuma aynu ogeyn inaad seexato maxaa halkaan ku fariisiyay?

Waxa uu ku yiri: “Waan rabay inaan seexdo, laakiin labo sababood awgood ayaa u seexan waayay, mida koowaad waligeey sidii aan u garaadsaday galab ma seexan, mida labaad sidii aan isku guursanay waligeey kaligeey ma seexan. Xaaska oo Rooble oo dhoola caddeyneysa ayaa tiri: “Labadduba waa gar ee hadda na keen anigaa huwaayaa huwaa kuu qaadayee oo galabta koow ka dheh, sidii ay u kaftamayeen ayaa casirkii la gaaray, Sidii ay horray ugu balammeen waxey isku raaceen magaaladda.

Galabtaas xaaska Rooble waxey u aheyd, galab laga dareemaayay reyn reyn iyo riyaaq faro badan, waa markii ugu horreysay in muddo ah ay iyada saygeeda ay isku lug darsadaan marka laga reebo inta curadkooda uusan dhalan, wixii ka horreeyay. Rooble dhinaciisa waxa uu galay xasuus iyo inuu uga sheekeeyo waayo waayo iyo waqtigii ay is barteen xaaskiisa Hibo waxa uu yiri: “Ma xasuusataa maalinkii iigu kaa horreysay aan is aragno? Asaga ayaa hadalkiisa sii wata ayuu yiri dabcan ma aheyn maalin labadeenuba aan iloobi karno”.

Waxey tiri: “Waxaadba moodaa inaan hadda ujeedo ee ina keen waa inaan soo booqano galabta maadaama aan fursad heysano, waxa ayna u soo dhaqaaqeen, xagii isbitaalka oo aheyd halkii ay isku barteen, intii ay dhax sii socdeen Rooble ayaa yiri: “Labadii qof ee rabbi isla doonaayo waa sidaan oo kale waxaad aheyd kalkaaliso caafimaad oo aad u naxariis badan, muddo bil ku dhawaad ah ayaad habeen iyo maalin i kor taagneyd ilaa aan ka bogsoodo, mida la yaabka laheyd ee qalbigeyga gilgishay ayaa aheyd in aad bukaanka dhan aad u daryeeli jirtay sida waalid iyo walaal oo kale, maalinkii aan boksooday, bil ka dib ayaan kuugu imid inaan guur kaa rabo adigana maya iyo haa midna ima dhihin taas oo walwal igu abuurtay.

Waxaan iska fariistay jardiinka bannaanka anigoo quus ah ayaad bannaanka iigu timid aad ayaan ugu farxay imaanshahaaga laakiin markad igu tiri waa kasoo fikiraa ee waqti i sii markaas ayaan xaqiiqsaday inaan ku helay sannad ka dibna guurkeena ayaa dhacay waa adduun iyo xaalkii inta badan raggu waa ilaabaan dhacdooyinka noocaan ah, balse aniga waxaan wali xasuustaa habeenkii aqalkeena taariikhda iyo maalinka xasuusta qalbiga ayey iigu qoran tahay.

Gudaha isbitaalka markii ay soo galeen, waxaa labadooda loo soo dhaweeyay si aan caadi aheyn, arrinta la yaabka leh ayaa noqotay Hibo waa xaaska Rooble qof ay bar garato ayey ka weyday, taas oo yaxyax ku noqotay, dadkaan soo dhaweynaya haddana aysan hal qof ka aqoon ilaa markii danbe uu Rooble u sheegay Dowladda ka sokoow inuu yahay ninka maal galiyo qalabeeyo, waxey u baahan yihiin wax walbana ay magaceeda ku baxaan.

Hibo cirka iyo dhulka ayaa la wareegay qosol gariir farxad iyo ooyin ayey isku dartay, waxey tiri : “Roobloow magacaa jirye maxaadan iigu sheegin?”

Waxa uu ugu warceliyay: “Waxaan is lahaa maalin uga farxi si lama filaan ah, laakiin nasiibdarro fursad uma helin anigoo wanaagaaga iyo magacaaga kor u dhigistiisa ku dadaalaayo inaan ku wargalin waayo waa ayaandarro ee iga raali ahaaw”.

Hibo oo wali amakaagsan oo isku naxnax iyo isku bogbog hayo sidii iney aroos tahay ayaa tiri: “Waayahay gacaliye maxaa kale oo iga qarsan ii aad ii sheegi laheyd?”

Waxa uu ku yiri: Haa waa jiraan laakiin waxaan ka cabsanaa inaad farxad u dhimato ee bal maanta intaa ha noo joogto.

Dhanka kale Raage iyo Xaaskiisa sidii ay iskaga soo horjeedeen wixii ay ka yeeli lahaayeen lacagtaan nus milyanka ah ayagoo marba dhan ka fiiriniya ugu danbeyntii xaaska Raage ayaa talo loo riyaaqo ay isku raaceen soo jeedisay waxey tiri: “Raagoow waxaa ila habboon inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu howl gasho lacagtaan aanan faraqa ku heysan, teeda kale anaga xaalka gurigeena waad ogtahay gurigaan noo dhis oo alaabtaan naga badal, adduunyo lagama dhargee walbo dhogorteena iyo dharkeena dufanku ha ka muuqdo wax dhan baan kusoo nooleyn xaalkaad ogeyd.

Raage iyo xaaskiisa sidii ayey isku waafaqeen, boodo qoyaankaa lagu qabtaaye in beri subax laga howlgalo wixii lagu ballamay.

Balan habeen kallah arrooryaad ayey leedahay Raagge waaga ayuu qoorta ku qaaday, waxa uu subaxnimaddii la kulmay Farsamo yaqaankii guriga u dhisi lahaa, waxa kale oo uu soo iibsaday Garaash baabuurta lagu sameeyo laguna iibiyo maadaame Raage uu biraha baabuurta aad u kala yaqaan, labadii wiil ee uu abtiga u ahaa meesha ayuu ka shaqaaleeyay, labo bil gudahood Raagge waa u kala kacday, waxa uuna xiriir weyn la yeeshay shirkado waaweyn oo ganacsi oo dhoofin iyo soo dejin ah, xarumo badan oo ganacsiyo kala duwan ahna waa furey, maqaayado, garaashyo waaweyn oo baabuurta lagu sameeyo laguna iibiyo.

Raage, xaaskiisa iyo carruurtiisa oo barwaaqo adduun dhax galay muddo kooban oo sanad ka yar, waxaa dhacay isbadal weyn, Raage waxa uu yeeshay la taliyayaal xagga ganacsiga kuwaas oo ay markii danbo sheeko wadaag noqdeen, waxa uuna billaabay inuu bannaanka ku qaato waqtigiisa, marka uu guriga yimaadana uu cidna la hadlin ama afjigo taas oo xaaska Raage ku abuurtay walwal iyo kalsooni darro. Habeen habeennadda ka mid ah waxaa dhacday Raage inta uu yimid guriga xaaskiisa oo ku jirta jikadda isaga oo aan cidna la hadlin inuu toos u abbaarey qolkiisa jiifka, xaaskiisuna si lama filaan ah intey u soo gashay ay aragtey ninkeedii oo duuduuban, aadna ay uga naxday.

 

La soco qeybaha xiga

 

Cabdul Cabdulkariim(Jallaato)

SHEEKOOYIN