“Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad.” W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Asigoo dug kasoo habjaqay dul na u dhabuullacaya ayuu rabta ay iska gooyaan, lamada widiq ee hal na tafaalka yahay hal na tooska, meeha iliilinkaa ee ay isku weydaartaan, ayuu indha qac ku siiyay raad widiqa tafaalka ah ku yimid oo hortiisa kusii abbaaran. Cidlo ayuu la colool-yoobayaa, wuxuu hiigsanayaa geelii aabbihiis oo beri horaatood, igaar yaroo xorrod ah oday adeer ah lagu la deray oo bari u fuliyay, waxaa garabka u saaran, ganuun, gaadaar, xaagaafo, xerko geel, iyo xoogaay jiscin ah oo qaloon diiro u badan.

Wuxuu ku jeeni qaaran yahay, Waran jinfo laaway ah, toorray haaliqato ah, dhool-gaad iyo ul dhebay ah. Meeha uu marayo na waa gabiib la ma degaan ah oo maantoo laga hayaamay, baqdinno Libaax iyo muusannaaw Waraabe looga huleelay. Dhebedda ayaa reedihiisa ka dhii’laynaysa, geed-xamurkaa ayaa dhinac-yadiisa ka shababaxeynaaya, sorogga iyo sarmaanku waa is xiiqayaan, qodaxda bocoollayda foorideeda ayaa jii’laynaysa. Humburuq webiga dhuu’diisa ayaa baxaysa, shaqlayda iyo shili-shiligu, waa shanqarayaan. Hortiisa waxaa tuban howd gadaashii na dhabbi dheer ayaa soo tubaalan, raadkaas uu saan gurayo marka laga reebo, saamanka kale ee indhiisu qabanayaan, waa habar dugaag iyo xammaarato. Raadka ku hor socdaa ee sii saaman-caddaalaynaya wuxuu u yahay, wehel dareen leh, ma na oga sida uu ku gaari doono. Mar ba haddii raadku yahay ku balaabay ama bitaamay. Wuxuu raadkii ka daba habjaqaba, wuxuu ka xaluushay dhumayga baruu qallooca iyo shillanka jiifa, jir-jirba jir-jir ayuu u dhiibaa, buurba buur ayuu uga degtaa. Asigoo weli saaman boobaya ayuu hortiisa ka arkay geed Hareeri ah oo dhul dheer lagu dammoo karo, cagaha ayuu wax ka dayay hoosta ayuu na ka roogsaday, xammaamadii uu siday dhulka ayuu tucumbur ku siiyay: geedkii Hareeriga ahaa na dug-dug ayuu ku yiri; laanta ugu korraysa ee fiintiisa ku taal ayuu ku roogsaday, asigoo hortiisa carceerinaya laanti geedka na ku ciridhiiba. Muggaas ayuu meel fog ka bidhaansaday hummaag u eg qof Dumar ah oo sii bilig-bilig leh. Geedkii na si hal-haleel ayuu uga soo booday dhulka ayuu na ku kala baqay, xammaamadiisii ayuu garabka u ritay qalabkiisii toorrayda iyo Waranka ahaa na horcaddaha ayuu kusoo garraartay. Wuxuu ka daba faytay bidhaantii uu indhaha qac ku siiyay iyadoo bur hortiisa ka muuqda sii fananaysa. Sidow u saanboobayay mar na u gulfinayay ayuu ka daba tegay bidhaantii uu geedka dushiisa ka himbiriirsaday.

Mase waa tidaclay gaylaamo dhabanaysa, oo geenya ugub la moodo oo sulu-lubo sandheer ah ee suluqdhaaminaysa. Kolay haylyaama leh na garabka u suran yahay, oo mayr jilac iyo dasar ah uga buuxdo, falko laba dhu-dhun iyo taako ah na qoordiiraysa dhowr falko oo ay dhabbiga kusoo dhammaysa na jinta ku sidda. Baalka haddii uu kala sinmay ayuu yiri: “Weleey ma faaydaa?” Say tiri: “Waa faayaa Woloow’e adigu ma roontahay?’ Sow yiri: “Anna waan roonahay ee magacaa?’ Say tiri: “TOXOBEEY” ee adna magacaa woloow?’ Sow yiri: “Toxoboow” ee intaad kasoo hiira kacday, dhulkaan asuudka iyo aanfada looga guuray se maxaa kaligaa dhabbiga kugu soo dhigay?’ Muggaaseey tiri: Waloow, waxaan u habjaqayay cid aan isir nahay oo jirta meel la yiraa: “Gerki Ceel lebaale ee adigu na intaad u hayaamaysay?’ Muggaasow ugu jawaabay: waxaan tiigsanayay geel berraato loo fuliyay mahaad u socoto ee Gerki Ceel lebaale, oo nagaar dhellax laga sheegay, igaar xorrod ah ayaa oday adeer ah lagu la deray, sidaas ayaanna ku daba joogaa. Intii owsan hadalkii dhammayn Toxoboow ayaa Toxobeey inya soo boodday tiri: “Horta woloow Toxoboobow markaad iisoo dhawayd raad Libaax oo barqa heraaddaan horteenna ku barxay ma soo aragtay?” Toxoboow oo tafya ka naxay ayaa qalabkii uu ku jeeni qaarnaa inya soo wareegsaday oo bogga soo saartay yiri: maya weleey laakin Libaax waan is naqaan oo gugii la soo dhaafay ee Khamiisaad ayuu qaalin iga garba gooyay waa na dilay. Hadda na inow nasoo gaado ayaa ii daran ee haddaan foolka isku dhifanno haanka ayaan ka goynayaa ee intaan kula jid qaadayo ha ka cabsan halaq iyo usuud.

Toxobeey oo ku oobsatay dhiirranaanta Toxoboow dareenta na nayaayiir iyo qaboow hoose, ayaa laabta ka tiri: “Waaqow mahaddaa” in dhenna ka dibba waxaa soo gootay daruuru huwaan ah oo muujinaya cabsi iyo geeri, waxaa soo dul istaagay yala-lax dareen wadata, geeri ayaa usoo hummaagtay. Toxobeey oo daba socotay ayaa indhaha ka qaadday, Aar libaax oo soo hagafyaynaya, gadaashii na ay soo socoto, Gool miciyaha isku sahaysa, hal mar ayay hagagaf soo tiri aseey inya ka hor martay tiri: “Arrey Libaaxa ka kud” Toxoboow oo Libaaxa si quman u yaqaan, ayaa agabkii u sitay dhulka u deeyay, mara tooxwayn ah oo garbaha u saarnayd na wareeg inya soo siistay gacanta bidix ah ku duubtay, gacanta midigta ah na ku qabsaday toorrey deelaysan oo haaliqato ah hadday dhiigga aragta na sii sahmaysa. Libaaxu wuxuu ka mid yahay bahda habar gaatanto Toxoboow na waa ogyahay, haddowsan gaatiin ku helin qacdii hore, inow iska difaaci karo, libaaxiina waa yimid Toxobeey na tafya ka nixii koobaad ayay la suuxday.

La soco qaybta labaad:

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN