CADOWGA MAANGALKA

“Science is the poetry of reality.” Richard Dawkins

***

“Saynisku waa ku gabyidda xaqiiqda/dhabnimada/runta.” Richard Dawkins

Profesor Richard Dawkins waa Alle diid rumaysan caddeymaha sayniska, maangal iyo maantus. Cinwaanka ‘Cadowga Maangalka’ ee muuqaalkan: https://www.youtube.com/watch?v=0Igj7bRIpTQ taas oo uu ula jeedo cid walba oo rumaysan wixii ka baxsan moorada caddeymaha sayniska iyo maangalnimada. Si kale u dhig, rumaysashada qaar ka mida ilmaqabatada diimaha iyo rumaynta ogaan ka hor, in ay tahay khuraafaad iyo huuhaa! Dawkins, waxaan u arkaa in uu yahay tabliiqa sayniska. Sida culummada tabliiqa ay u faafiyaan, dadkana ugu baaqaan qaadashada diinta ayuu asagana u faafiya, dadkana uga iibiyaa caddeymaha sayniska, maangal iyo maantus.

Inkasta oo ay jiraan wax badan oon ku maandhaafsannahay, haddana dhowr jeer oo aan daawaaday doodahiisa, sidoo kale akhriyey buuggiisa ‘The magic of reality: How we know what is really true? waxaan ku dul-kufay kelmedo uu si xariiftinnimo leh u adeegsado sida: maantus, caddeyn, maangal, maantus-ahayn, khuraafaad iwm (reason, evidence, irrational, superstition etc). Kelmedda ‘caddeyn’ oo ah tan ugu badan ee uu ku celceliyo, sidoo kale tiir dhexaad u ah dooddiisa, waana hub maantuseedka ugu weyn ee uu kula dagaalamo cid walba oo liddi ku ah sayniska ku duldhisan ilqabatada iyo maangalka (Empirical Science and Deductive logic). Haddaba, igama gadmin udud-dhexaadka dooddiisa maro-ku-dhaga ah (Dogmatic Argument), sidoo kale waxaan rabaa in aan gorfayn weyddiimeedyo duldhigo dooddiisa ‘caddeymaha sayniska.’

Horta caddeymaha sayniska ee uu sheegayo waxay ku yimaadaan laba waddo midkood ama labadaba: Daawasho, Tijaabo iyo Dharaandhirin Maangaleed (Observation, Experiment and Logical Deduction). Balse waxaan rabaa in aan ceeb u yeelo dammaanadda caddeymaha sayniska, aniga oo hordhigaya weyddiimahan: 1. Caddeyntaas laftirkeeda cimrigeedu intuu gaarsiisan yahay, si kale u dhig ilaa iyo intee ayay ciribteeda ku sii taagnaan kartaa? 2. Caddeyntu ma tahay mid taagan (Static) oo aan calankeeda dhulka dhici karin? Waayo waxaynu aragnay caddeymooyin badan oo saynisku na soo hordhigay balse gadaal dambe laga beeniyey. Haddaba, ka warran qofkii la dhintay asaga oo rumaysnaa caddeymahaas la beeniyey, sow lama oran karo weli wuxuu rumaysan yahay indhasarcaadkii ama maansarcaadkii?

Isla sidaas oo kale, waxaan u cabsanayaa Profesor Dawkins waayo markuu dhinto kaddib haddii sayniska uu gadaal dambe ka ogaado caddeymaha uu hadda rumaysan yahay oo dhan in ay ahaayeen been abuur! Tallow ra’yigiisa muxuu noqon doonaa? Waayo sida uu arageennu u ilduufo ayuu maankeennuna u ilduufaa, marka araga ilduufo xogta uu inoo soo gudbiyo waxaan u bixiyey ‘indhasarcaad,’ si la mida marka maanku ilduufo hummaaga uu inoo dhiibo waxaan u bixiyey ‘maansarcaad.’

Ugu dambeyn, dooddiisa waxaan ka dhex arkay maro-ku-dhagnimo xoog leh, taas oo aan u wanaagsaneyn qofka saynisyahanka ah oo adeegsada labada aallad ee maantus iyo maangal, marwalbana maankiisa u fura shaki. Ha guulaysto sayniska iyo diinta suuban, labaduba.

WQ: Hassan Mudane

Working on MA in African Studies and International Relations

Istanbul Ticaret University 

SHEEKOOYIN