Waa nasiib darradayda! Q1aad Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Waa nasiib darradayda! Q1aad
Sida caadada ii ahayd aniga oo daalan ayaan habeenkii gurigayga kusoo laabtay, xaaskayga oo waayadan aan si u sii kala fogaanay ayaa casha ii keentay, waliba keenid kaliya kuma ekaanaa caawa waa iskugu keen dartay si aan iskula cashayno.
Awal maadaama aan soo daahid badnaa inta la ii diyaarsho oo miiska cuntada la ii saaro ayaan ku cuni jiray meeshayda.
Caawase sidaa waa ka duwantahay, iyada qorshe ayey wadataa, waxaan ka dareemayaa in ay doonayso in ay wax ii sheegto, mase aqaan waxa ay ii sheegi doonto.
Anigana sidoo kale waxaa igu jiray qorsha ah in aan wax u sheego, labadeenaba mid walba qorshihiisa ayuu watay!!
Waayadan dambe xiriirkeena ma wanaagsanayn mana xumayn, xoogaa waxaan dareemayay dayac ay i dayacday sababtana ma aqoon, waxaase filayay in ay jirto sabab ku kalliftay, xitaa heer waxaan gaaray aan ka shakiyay daacadnimadeeda, balse juu uma dhihi jirin iyana iima dhihi jirin oo qof walba danihiisa ayuu watay.
Aan dib idinkaga celsho jawiga fajaca iyo la yaabka leh ee caawa taagan ee labadeenaba mid walba kan kale ula gambanyahay, bal aan horey idin geeyo oo idinla wadaago sida ay ku bilaabatay noloshan.
Nolosheena waxay iska ahayd nolol heer dhexe ah, is barashadeena iyo xiriirkeenana jawi qurxoon iyo mid fool xunba wuu soo maray.
Waxaanu ahayn laba qof oo la isku deyrshay, dayrada ciddayda kama iman ee waa ciddeeda.
Waxay ahayd gabar ka dhalatay cid nolol dhexaad iskaga nool balse u badan dad Aqoonyahana ah, waa dad aqoonta aad u jecel, ma jirin qof aan heer aqooneed oo sarraysa gaarin dadkooda.
Labadeena markaan iskala baxnay dugsiga sare ayaan guur ku heshiinay balse waalidkeed ayaa diiday oo damac ay markaa ka lahaayeen gabadhooda wuu ka sarreyay damaca guur ee ay la timid.
Si sharaf leh ayaan ciddooda uga doontay tii ka dhacday oo aflagaado iyo xumaan ahaydna Alle ayaa ogaa haddase waa dadkayga faah faahintooda macna uma samaynayso Sheekada.
Dooddooda ugu weyn waxay ahayd in gabadhan waxbarsho dibadeed loo diyaariyay iyadana jacaylka ay ii qabto dartiis ayey ciddeeda ula cilloobeen.
Kadib waan la baxsaday oo dalka dhan ayaan kala soo baxsaday waxaan soo dagnay Kenya, nasiib waaag waxaa inoogu dhashay wiilka kaliya ee aan isku dhalnay ee la yiraahdo Fahad.
Nolol cusub oo halgan wadata ayaan kenya ka bilownay, looma kala harin dhanka shaqada dhinac walba waan iska kaashan jirnay, waxaan ahayn ul iyo diirkeed.
Barwaaqada Alle ayaa sidaas inoogu burqunaysay wax dhib ah waligeen nama dhex marin, si walba waan isku xushmayn jirnay.
Hanti badan oo guryo iyo ganacsiba leh ayaan ka tabacnay Kenya, mahad alle guryaha qaar iyada ayey ku qornaayeen qaarna aniga, xoolaha oo dhan gacanta ayaan kuwada haynay, wax inoo kala soocan ma jirin.
Wiilkeena fahad waxbarashadiisa si wanaagsan ayey u socotay dhib inagu gaar ah ma jirin.
Xaaskayga magaceeda waa Fowsiyo, iyada ayaa sida badan dibadda u dhoofi jirtay oo dhanka adeega inoo qaabilsanayd, anigana arrimaha gudaha ayaan gacanta ku hayay maadaama shaqada gudaha ay ka xoog iyo saamayn badnayd tan dibadda.
Waaya dambe ayey xaaskaygu bilowday is baddal aanan ku aqoon, safarro badan oo aan shaqada ku saabsanayn, marka aan wax ka weydiiyana waxaa la i dareensiin jiray in wax aan ka wal walaa aysan jirin.
Isbaddalkaas ku yimid xaaskayga waan dareensanaa in wax culus ay jiraan balse albaab walba oo ku ogaan lahaa Fowsiyo waa iga soo xiratay.
Sababta ay sidaas u sameynaysay iyo waxa ku kallifayba ma aqoon runtii, balse waxaa jiray arrin baaxad weyn oo ku kallifaysay.
Waxaa igu bowday shaki aan ka shakiyay xaaskayga sida ay wax u waddo, anigana waxaan bilaabay in aan gooni u soocmo.
Waxaa yaraaday kulankeena, is waraysigeena, sheekadeena, is dananteena iyo dhamaan xiriirka inaga dhaxeeya nuuca walba.
Aniga kuma faraxsanayn sida wax u dhacayeen, waxaan iska dhaadhiciyay in xaaskayga lasoo asiibay waana ka xishoonayay xoolaha inta ku qoran magaceeda in aan kala hadlo, balse taas macna weyn ma lahayn oo xoolaha inta aan gacanta ku hayo iyo inta igu qoran ayaa toban jibaar ka badnayd.
Waxaa iga sii dhamaanayay farxaddii aan la qaybsan jiray, waxaan bilaabay in aan kaligey noqdo oo habeenadii meelahaas kusoo fiidsado halka marka hore qoraxda haddii ay dhacdo aan la fiidsan jiray qoyskayga.
La soco qaybta 2aad Axadda dambe insha allah
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN