Home Qoraallo Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q2AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q2AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

“Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q2AAD.”

  • “Toxobow iyo dagaalkii Libaaxyada.”

Toxobow xamaamadii (1) uu watay jeer uu tuuray ma garanayo, wuxuu duudkiisa aaddiyay Toxobeey oo dhulka weran, foolkiisa na wuxuu aaddiyay Libaaxyadii toobiyaha soo haayay, wuxuu isu diyaariyay inow Libaaxyada haanka (2) ka wada jaro, amma ay hilbihiisa feentaan, intii ay hortiisa ku yuuban lahaayeen Toxobeey. Libaaxii aarka ahaa ee horjooday Goosha ayaa dabca-leel (3) galay waa na istaagay, waxaa se si turid la’aan ah usoo dhaaftay gooshii Aarku watay. “GOOSHU” ma lahan turriinsho, wixii kasoo hor baxa waxay jeceshahay inay kala goyso, haddii baahiyo hayso iyo haddii kale ba, waa dilaa aan wax deyn. Aarkii ay daba joogtay ayaa qaadan waayay hunguri yuq-yuqa Goosha, hal mar ayuu na soo dhaafay waa na isku hor dadbay Gooshii. Markii ay hubsatay inaan Aarku dagaal u diyaarsanayn ayay labada lugood ee dambo ku fadhiisatay, ka na quusatay inay dhiigga car-carkaa ee u so cartamaya cantuugto. Aarkii ayaa laba tillaabo hore u soo qaaday meel Toxobow u jirta, dhowr tallaabo ayuu labada lugood ee dambo ku fadhiistay. Toxobow wuxuu si quman u yaqaan dabeecadda iyo diirrimaha Libaaxa. Libaaxu haddii aan gaajo hayn kuma deg-dego, inow dilo, wixii uu arko, wuxuu leeyahay turrinsho iyo tawallin, ugaartu na waxay carra-edeg u joogtaa si xad dhaaf ah, deegaanku waa barwaaqo sooran, marka loo eego noolaha ku nool ee duurjoogta ah. Libaaxii wuxuu lugtiisa hore ku xarriiqaday dhulka, in yar ka dib ayuu hadda na ku xarriiqay lugtiisa hore dhulka, daqiiqad ka dib ayuu mar seddaxaad lugtiisa midigtaa ku xarriiqday dhulka. Laba tillaabo ayuu dib u baxay, wuxuu baalka sokeeya ka tucumbursaday (4) Gooshii oo miciyo waafeellaa isku riiqaysa oo jirriq-jirriqdeedu baxayso. Inya dhogor bul-bul siistay oo duf-kacsaday, ayuu dhankii Toxoboow u soo hanqaloocsaday (5) Aarki, wuxuu dammoosanayaa waxa Toxobow falkin doono.

Toxoboow wuxuu gartay in Libaaxu wacad la galay oo aanu doonayn inow la dagaallamo, Toxobow na is la sidii oo kale ayuu seddax mar dhulka ku xarriiqay caaraddii Toorraydiisa, wuxuu tusay inowsan dagaal doonayn. Libaaxu wuxuu leeyahay dhaqan gobeed haddii aanu baahnayn’e Gooshii ayuu kiciyay dhabbigii na waa ka leexdeen, dhinaciisa ayuu na maray asigoo Gooshii ka xigsanaya dhankii ay ku sugnaayeen labada qof. Muggii Libaaxyadii u dhaafeen dhankii ay u socdeen, waxay dhabbiga uga soo dhaceen reeddiisa, Gooshii ayaa horraysa Aarku na waa ka dambeeyaa dhabbiga ayay isku qumiyeen ilaa ay ka mirqaan.

Toxoboow dareen yididdiilo ayaa galay, dagaalkii uu sugayay waxaa u beddelay nabad, neecaaw qaboow ayaa martay. Wuxuu jalleecay Toxobeey, mase wali waa suuxsantahay oo dhulka ayay kala weran tahay. Toxobow wuxuu ku soo rogmaday Toxobeey oo sirirsan, dhulka na dhacadiid u jiifta mase waxaa indhihiisa soo abbaaray, labadii danab ee Dumarka, oo dabayshii xeena-xeenada ahayd garraaka ka biligsiinayso. Rogonkii ayuu ka dhoocaarsaday (6) si uu Libaaxyada u dammoodo, una hubsado inaysan kusoo jeega laabmin, Toxobeey ayuu soo dhugtay mar kale, labadii danab ee ilqabatada lahaa ayaa kasoo hor muuqda, haddana wuxuu fiiriyay caaradda warankiisa, wuxuu la kala batay toosnaanta Danabyada ishiisa kusoo aabbaaran. guntiinadii shanlayda ahayd oo ay garraarneed waa debacday, mar wuxuu fiiriyaa Libaaxyadii sii dhakoolay, (7) mar na wuxuu eegayaa labadii Danab. Talo ayaa isaga tafaalantay, naftiisii tallamid ayay ciribsatay, ma ishow qabowsadaa, ma Toxobey ayuu gacan rageed u taagaa si uu u bad-baadiyo, ma libaaxyadii ayuu iska fiiriya, ma Libaaxyo kale ayaa kusoo raad jooga. Laabtiisiyaa walaacday, arrintii ayaa ka miliqday, xerkihiyaa isaga tafaalmay.

Toxoboow in kastow ahaa doob gaamuray, hammuun jireed na qaba, hadda na dareenkiisa waa xakamayn karay, oo kuma dhicin inow dhan kale wax ka eego. Mar walba waxaa kusoo joogsanayay qiimaha Dumarka iyo sida loo dhowri jiray loogu na dhiman jiray, mar na laabta ayaa u sheegta in liibaantaan iyo jeegaantaan bislaatay ee sidii dhamaaggii u casaatay ay gacantiisa ku dambayn doonto, xareedda hortiisa galacyaynaysa na uu mar qarafta iyo qarsinka la dhigan doono, wuxuu boggiisa ka guntadaa inow maalin ka harraad bixi doono, hohobkaan bislaaday. Aarkii iyo Gooshii waa galbadeen iyagoo is quminayaa, niyadda wuxuu iska leeyahay adiga iyo Toxobeey na sidaas maad ahaatiin mar uun.

  • GACAN-SIINTII TOXOBEEY.

Toxobeey waa dhacadiiddaa kolaygii mayrtu ugu jirtay, falkooyinkii jinta u saarnaa iyo agabkii ay xambaarsanayd meel isku ma sheegaan, dhinaceeda waxaa gobo’ laynaya dhiil geed ah oo biya ugu jireen, si ay omoska iyo harraadka kulka daran uga gaashaansato, dhiisha iyo ganuunkeedii waa is agyaalliin, biyihii ku jiray dhulka ayey sayriyeen. Dhiishu waxay ahayd agabkii ugu wacnaa ee berigaas biyaha lagu qaadan jiray, waxaa laga qoray geed Xagar (8) baxdooy ah, waxa lagu saabiyay, mayrax laga diiray “Qansax” iyo “Qanrar” waa dhiil si wacan loo soo aslay, loo na dhilay in lagu shubto, iidaan subag, aleel xoolaad (Caano) dhanka kale na biyaha lagu qaato. Toxoboow garabka ayuu kasoo qabtay mase ma dhaqaaqayso, taako ayuu ka qarreray, indhiisu waxay soo qabteen dhiig kasoo diicaya meehii uu garabkeeda ka soo qaaday, waa sii wadna bel-belay mar kale, si tartiib ah ayuu dhulka u dhigay, wuxuu soo qabtay dhiishii kala jabtay mase waxaa ku jira salkeedaa xoogaay biyo ah, ganuunkeedii jarafka lahaa oo meel gamboon ayuu soo haabtay ciiddii ayuu ka dalliigay, biyihii duuddada ahaa ee dhiisha salkeeda ku haray ayuu ka shubay, Toxobeey oo wali suuxsan ayuu indhaha shab uga siiyay mase waa soo haadday, “hardadaf” miirkii ayaa u soo laabtay. Gacantey usoo taagtay si uu u istaajiyo, mase waxaa ka shawlaynaya dhiig xinjir guduudan ah, oo naaska hoostiisa ka fawlaynaya. Toxoboow wuxuu galay haab-haabad iyo sidii uu dhiigga u joojin lahaa, amminku waa xilli aad u kukul oo hoosku la egyahay wax walba, qorraxdu cirka ayay kala beratay, geeskeeda hore ayaa u baxay galbeed, geeska kale na cir-baraha ayuu soo dhammaynayaa, dhiiggii waa soo habiirraqayaa, hab loo joojiyo la ma garanayo, nasiib wanaag markii uu keni fagatimeeyay meelaha na orday ayuu helay dhowr xabbo oo dhuxul ah, ilkaha ayuu ku ruug-ruugay meehii dhiiggu ka socday ayuu saar-saaray, xoogaay ciid ah na waa ku kaaliyay si aan dhiiggu uga soo tallaabin dhuxusha. Toxobow weligii ma taxanboolaysan (9) Danab haween oo sidaan u diirran, berigase dan ayaa bidday, Toxobey-na indha gobeed oo debacsan ayay kusoo fiirinaysaa, hebedkaan (10) Waaqu (11) usoo diray ee nafteeda karkaarrada(12) geerida ka soo qabtay.

Dhiggii waa joogsaday, Toxobeey na guntiinadii shanlayda ahayd ayay dhuuqsatay, xir-xiratay timihii tidaca ahaa ee ay burcadka kusoo dhaashatay ciidda ayay ka jaf-jafatay. Waxay tiri: “Toxobobow Waaqu ma kaa bad-baadiyay cadawgii na soo weeraray?” Sow yiri: “Mahadoo dhan Waaqay u sugnaatay” ku na kaallimay laba tuduc oo gabay ah oo koobaysa sarraynta Eebbe iyo awooddiisa aan la la wadaagin, wuxuu ugu laab-qaboojiyay:

ILaahey ninkow caymi rabo cid umma soo tuugo
Ninkow ciribya saan-jari raba na ciidan umma doonto.”

Say tiri: Aaween Aarki iyo Gooshiisi?’ Sow yiri: Gooshi oo i halakay rabta ayaa Aarkii iga celiyay horta na ka joogsaday, Aarkiina wacad ayaan wada galnay. Say tiri: “Oo hadda xaggay qabteen?” Sow yiri: “Dhabbiga aan ku soconno ayay ku qambalafsadeen oo horteenna ayay jiraan. Say tiri: “Hadda maxaa talo ah oo aan falaynaa?” Sow yiri: “meehii aan u hagooganayn ayaan u habjaqaynaa.” Say tiri: “haddii ay dhabbiga nagu sugayaan ka waran?” Wuxuu xasuusiyay inow la jiro Eebbihii haddaan ba ku dhinac dhigay. Wuxuu u raaciyay inow dhowr bayd oo faal ah u dhigayo, si uu ayaankooda u fiiriyo. Say tiri: “Maalintu waa Aguux, ama (13) Hoyaad “Jimco” oo faalku falxad maahan ee maad naga daysid?’ sow yiri: Is-dhaafbaan u dhigaya, waxaanna ku dhigayaa laanta caduurka, dugna waa yiri, asow Geed caduur dhiniciisa ku yiil qoray kasoo jabsaday kuna xarriiqay, bayd is dhaaf ah. Kii kobaad wuxuu noqday: “Caysane” (14) mar kale ayuu ku celiyay wuxuu u sheegay: “Dher-gane” (15) mar seddaxaad ayuu faalkii is-dhaafka ahaa ku celiyay, wuxuu sheegay “Jameec” (16) mar afaraad ayuu ku celay mase waxaa u baxay “Dariiq” (17) faalkii wuxuu u bilkeediyay ayaan biti leh, obsi iyo nayaayiir ayuu dareemay, wuxuu is tusay inay begsan doonaan. Toxobeey Dhegta ayuu ugu dhibciyay in saadaashu guul tahay Libaaxyadii na dhabbi kale ku carraaben, sida DARIIQU sheegay.

Xamaamadii dhulka ka tiil ayay garabka u riteen agabka wixii cuslaa waxaa dusha ul dhebay ah la surtay Toxobow, falkadii iyo mayrtii waxaa lagu ballamay in rabtooda looga tago, mar haddii Toxobeey dhaawac tahay oo kurtun filgin ahi ka galay naaska jiriddiisa midig, daqayda garabka meeha ay ku dhammaato. Dhabbiga ayay ku dhaceen, harrad iyo oon daran ayaa yimid biyihii Toxobeey dhulkay ku qubteen, inyaroo Toxobow watay ayaa hartay socod dheer oo laba maalin ah waa u dhiman yahay. Dhulka loo socdaa na waa afar subaxlay, Shalay oo AGUUX ama (18) UGBAAD ahayd “Khamiis” ayay soo jidqaadeen, beriga oo AGAAX ama HOYAAD ah (Jimco) waa socdaan berri iyo saadambo oo kala ah: AGAALLI ama(19) NAGAAD oo “Sabti” ah iyo CASE ama (20) SUNNI oo ah “Axad” ayaa u dhiman. Toxobow dhiishii uu watay ayuu qanuunka ka bujiyay, wuxuu ku shubay inyaroo biyaa Toxobeey ayuu u dhiibay si ay qajac u tiraa, dhuunta na ugu qooysato, maadaama ay dhaawac tahay. Laba mar ayay cantuugtay kabbatay, waa na usoo celisay, Toxoboow ma uu cabin’e dhiishii ayuu ku celiyay, dholgaaddii (21) uu watay ayuu la soo baxay, agabkii uu siday ayuu dhulka ku hubsaday, dhabbiga na malliiqow ka yiri: Geed qansax ah oo tubta reeddeeda ka soo muuqday ayuu fash iyo fash ku yiri Dhoolgaaddii: Wuxuu ka soo dillaacsaday xoogaay mayrax ah waa na calaliyay si uu uga helo, iidaan iyo tamar. Keni markow dhuuq-dhuuqay mayraxdii ayuu kasoo laabtay dhabbigii ayay na afka saareen.

In door markii ay socdeen, wali na Aarki iyo Gooshii raadkoodi sii hor joogo, Toxobeey-na hoos ka leedahay armaan Libaaxyadii oo harsanaya u tagnaa?” Toxobow na umma sheegi karto oo waxay ka baqee inay faalkii uu dhigay beeniso. Toxoboow oo hor joogay ayaa isha balac ku siiyay widiq yaroo tafaal ah mase waxaa malliiq ku yiri oo hagafyadoodi ku sii yaallin lamadii Libaax ee dhibka xun gaarsiiyay, Toxobow ayaa dib usoo fiiriyay Toxobeey ku na yiri: “Faalkaygii runbow sheegay” si doqoni ma garato ah ayay ugu jiibisay u na tiri eheeyo: Toxobeyse waa ogayd in faalku quraafaad yahay, Toxobow laftiisu wa ogaa inaan laysku hallayn karin faalka. Laakin markii geelu ka dibboodo ama baadiyu gasho ayuu dhigan jiray mar-mar na waa u run sheegi jiray Faalku. Iyadoo laabtu sidii hore ka deggan tahay ayaa dhabbiga lagu dhacay, waxay galeen dhul gawaana iyo Qansaxley gana-naf ah oo daryaankeedu baxayo, tallaabtii aad qaadda-na hugun kaa daba yeerayo, damal iyo cows ma leh, wixii ay soo arkayeen cows jaadba-jaad yahay la ma arko, cows mullaaxi, mayro dawacdi, doygi, loo ma yaqaan, waa dhul gabiib ah oo geela mooyee aan geeslaydu calalis ka helayn. Wixii la sii geed bexeeya ba waxaa soo karay, wiira-wiiradii kulaylka iyo nohdii ka baxaysay dhulka oomanaha ah. Waxay Geed ba Geed uga baxaan, wixii hoosbaa hoos u dhiibo, wixii la kacaa kufo, wixii la sii gallixtamo. Waxaa soo yaraaday haracii qorraxda, waxaa la gaaray kaagicii galabnimo, layr hanfi iyo haliil wadata ayaa waqooyi ka soo bilig tiri: maadaama xilligu dayr ahaa, Cirkii wuxuu keenay caad shayrax giir leh, huwaan ayaa soo hoyatay waxaa jilbaha hoos u sii dhaafaya maalinti, waxaa qoobka kor uga soo siqaya habeenkii, iftiinki waxaa beddelaya muqdi, dharaartii waxaa beddelaya dhabbar. Intii mariid wax ku halakaysa ayaa diyaar garoobaysa, halaqyadii hoose ayaa soo kaagacaya oo mariidkoodi qaboobay, jebisadii, goodkii madoobaa barriirow, good gaduud, good cadde, yaasiin madoone/wed-lasoo bax, abeeso, bah xammaarato oo dhan ayaa dhabbiga usoo qaraab doonanaysa, Hanraar caddihi iyo Ji-jimolihi ayaa bannaanka imaanaya, goodaddo/qallalisadii ayaa soo dhabbacanaysa. Dhan ka kale waxaa geedaha dushooda usii hoyanaya intii Cijo wax ku gummaadda, Gariirka, dafada, gor-gorka, Carsan ku jiraha IWM. waxaa godadka kasoo baxayaa intii mici wax ku disha, sida: Dhurwaayga, Dhidirka, Weerka, Dawacada, uulayda, shabeelka, Xoor-shiirta, Casoodka/Gaduudane, Libaaxa, Haram-cadka IWM. dhulkii gabiibta ahaa way ka baxayaan, waxay galeen dhul jilcan oo jilqab ah oo isku humaalan waa dhul carra-san oo shin-dhiriq isku ah waxaa u badan geedaha dheddig waa dhul bilcil-dheer ah, qorraxdii geeska hore ayay dhulka u raaricisay. Toxobeey oo intaas oo wer-wer ah niyaddeeda kusoo joogsanayaan dhawac na u dheeryahay ayaa si la ma filaan ah u tiri: “Toxobobow waxaa yimid mugdi iyo habeen, gabbalkii na waa dhacay waxa raad horteenna iyo dhinacyadeenna ku yaal na waa Waraabe ee talo keen?” Toxobow oo garaawsaday halista habeennimo ee soo wajahan, ayaa kadalloob yiri: asigoon wax jawaab ah siin Toxobeey, faraha na dhulka ku falaanjiyay, Toxobeey oo garatay inow faalinayo ayaa tiri: “Faalku ma ayaanuu sheegayaa mase ebtelo?” Toxobow kadalloobkii ayuu dhakooc ka soo yiri jawaab na ma siin ee hore ayuu u tallaaba dheereeyay Toxobey na waa ka daba xaabsatay mar haddii aan meel la joogo la arag. In door ah markii ay socdeen gadaashooda waxaa kasoo yeeray uugaaw iyo werix Waraabe. Cirkood ayaa rooray waxaa ku dhacay ceyn wareeg talaa ku ciirsatay, waxaa laysla gartay inaan Dhuwaayga dhulka looga badbaadayn, hore ayaa na loo saaman boobay si geed dheer oo laga koro halista kusoo fool leh loo raadsado. Iyagoo si hagar la’aan ah u tallaabsanaya, Waraabayaashii na soo raad-gurayaan, waxaa hortooda ka soo baxay: “Dhiti” u samaysan sidii mooro xoolaad, illayn waa goob socotadu uga gaashaaman jireen dhurwaayga, habeennimo. Waxaa loogu magac deray; “DHITIGII MOORA-GUUL” Dhitigii mooradu ka dul dhisnayd ayay galeen, ood dhacan ah oo baal tiilla na daba geddi ayay kusoo siiyeen. Waxaa yimid wixii Wareebe carrada joogay, dhacantu ma celiso Waraabaha oo waa boqollaal xabbo. Nasiib wanaagse DHITIGU dhinacyada waa ka celiyaa, dhacantii waxay rabtaa qof celisa, Boqollaalka Waraabe waxay rabaan qof difaacda. Toxobeey mooradii ayay shiila-qaabta (22) u fadhiisatay, Toxobow-na dhacantii Cadaadka ahayd ayuu dabada uga dhegay, wuxuu gacanta midig ku qabsaday Warankii jinfo laawaga ahaa. Toxobow iyo Toxobeey naftiyaa cir-ciraha usoo joogsatay, waxaa soo weeraray cadaw kii hore ka daran, Waraabihii wuxuu galay uugaaw iyo isu habar-wacasho, Dhulkii wuxuu noqday mugdi aan isha farta la la helin, Toxobeey waxay mar kale isu diyaarisay geeri iyo silic, Toxobow wuxuu galay dagaal iyo xarbi kii hore ka halis badan.”

La soco weerarkii Waraabaha ee Toxobeey iyo Toxoboow.”

  • Sharraxaadda Erayada:
  • (1) Xamaamo: waa alaabta la qaato, eraygu waa Soomaali dhalad ah, waxaase lagu qaldaa “Xammaam” oo ah Carabi tilmaamaya Suuliga lagu xaaja guto.
    (2) Haanka: waa wax dhuunta ama halbowlaha laga jaro/bireeyo.
    (3) Dabca-leel: Joogsi, is qabasho.
    (4) Tucumbursaday: wax agta ama baalka laga roogsaday.
    (5) Hanqaloocsi: wax si togan loo fiiriyay.
    (6) Dhoocaarsaday: wax la fiiriyo si ciridhiibsi ah.
    (7) Dhakoolay: sii muuqda, sii socda, is daba jooga.
    (8) Xagar: waa geed dheddig agab fara badan laga qoro, gaar ahaan dhiilaha, serefka, qaloon-dubka iyo weelka.
    (9) Taxamboolaysi: Taataabasho.
    (10) Hebed: Baarri ah, inta badan waxaa loo adeegsadaa xoolaha neefka baarriga ah ee aan dhibka badnayn.
    (11) Waaq: waa magaca Eebbe oo Soomaalidii hore u aqoon jireen “WAAQ” ALLAAH.
    (12) Karkaar: ceelka afkiisa dhexe IWM.
    (13) AGAAX/HOYAAD: waa tirsiga Soomaalidii hore u aqoon jireen “Malinta Jimcaha.”
    (14) Caysane: magac loo yaqaan Faalka.
    (15) Dhergane: magac loo yaqaan faalka.
    (16) Jameec: magac loo yaqaan faalka.
    (17) Dariiq: magac loo yaqaan faalka.
    (18) AGUUX/UGBAAD: ayaantiriska Soomaalidii hore ee maalinka “Khamiista.”
    (19) AGAALLI/NAGAAD: ayaantiriska Soomaalidii hore u aqoon jireen maalinta “Sabtiga.”
    (20) CASE/SUNNI: ayaantirsiga Soomaalidii hore u aqoon jireen maalinta “Axadda.”
    (21) Dhoolgaad: waa hub raggu qaadan jiray, waa misaar ama godin yar oo daab dheer leh.
    (22) Shiila-qaab: wax bartamaha laga fadhiisto ama dhexda.

FG: ayaantirsiga Soomaalidii hore wuxuu ku salaysnaa laba xilli oo kala duwan sidaa aawgeed toddoba maalin waxay u yaqaanneen min laba magac. Tus: Axadda, marka ay tahay xiddigiska; waxaa loo yiqiin, “Case” tirsiga kale wuxuu ku salaysnaa dhacdo farxadeed, waxaa na loo yiqiin “Sunni” sidaas ayaan labada ba usoo qaatay, tan hore waa xiddigiska tan labaad ee aan saaray calaamadda / dhextaalka na waa tan ku jaan go’an dhacdo farxadeedka.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE