Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q6AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q6AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Hidde iyo Dhaqan” waxaa tiriyay: Laashin Maxamed Gacal Xaayow (AUN) Waa guurow tilmaamaya sida uu u nabaad guuray dhankii toosnaa ee beri ahaan jiray haybad lagu faano. Abwaanku wuxuu ka dhiidhinayaa dhaqammada dhawaan galaha ah ee gadaal nooga soo biiray, lagu na nabay dhaqankii saafiga ahaa. Si gaar ah wuxuu u bidhaaminayaa xishoodkii hablaha Soomaaliyeed iyo sida degdegga ah ee is beddelku ugu dhacay.” Guurowgii na wuxuu u dhacay sidaan ee ka bogasho wacan;

• Gabaygaan hugmine guuxin ee, Goray haldhaa moodin
• Oon habar dugaag iyo ka didin, Dawaca heerraydu
• Ee aan horwayn iyo irmaan, Halaba kuu loogin
• Een Faraski heesaha yiqiin, Hodon wax kuu quurin
• Ee haybadlow qoragu waa, Hiilya wehelkaa’e
• Marna waa hub lagu faano iyo, Howl ragguu bilane
• Adigoo habiinnada dhexee, Haajir iyo doola
• Oo howd cidlaa iyo Libaax, Hor ugu sii jeeda
• Heragaya maqaarkaaga waa, Lagu hallayn jiraye
• Habkayna iyo dhaqankii horaan, Ka hindisaayaa’e
• Habaar iyo ducaa lagu yiqiin, haybad iyo guule
• Haasaawihiinnu na u badan, Heesti niika lehe
• Maxaan uga hadlaa waa waxaan, Lagu hanuunaynee.

• Hayeeshee balaan sii hinjiyo, Layga hari waay’e
• Hayaanka iyo geeddiga balaan, Howdka naqa geeyo
• Habki horaya taariikhdi aan, Hubanti sii sheego
• In kastoo hannaan gobannimiyo, Horumar ii muuqdo
• Halkay maanta joogtiyo halkay, Shalay ka soo guurtay
• Lays-kuma hadfoo waan hubaa, Waa se huri waay’e
• Soomaalida hawiran iyo hablaha, Haatan soo kacaya
• Wiilashaan sirwaalladi hugtaye, Hebel ba waa biid leh
• Ee sida Haweenkii Hindiya, Guudka halabeestay
• Haloodkaya waddada toosan baa, Laga hor joogaa’e
• Hiddaha iyo dhaqankoodi bay, Hoos u dhigayaanee.

• Wiilkii hannaanka u dhashaye, Helen-gay dhuubnaaya
• Ee haybaddiisiyo qawida, Dumar ku haasaabay
• Hon-god wayla qaadliyo haddow, Tuur ku hilan yeeshay
• Sirwaal halafa goortow gondaha, Hoos wax uga daahay
• Ee sida Biciid howd ku qaday, Horogta dheereestay
• Hagafyada tallaabada markow, Hore u dheereestay
• Haween quruxsan moogiye nin raga, Hansihii ma lehe
• Halaw iyo ma joogtaa heblaa, Hadalku joogaahe
• Hiddaa lagu bar-baarshee haddaan, Hooyo kale nuujin
• Howraarta qumman ummadda waa, Lagu hanuunshaaye
• Inaan hilin kallaallada ka duwo, Wow hanwaynahayee.

• Yartaad sida Hareeriga ku yaal, Hogobka buureedka
• Dhirta uga hanwayn tahay hablaha, Uga ammaantaa ba
• Hubkeediyo malaykaan markay, Hodon ku laaf-yootay
• Tima hudur madoobehe garabaha, Harafku soo gaaray
• Hilif lagu maleegiyo marnaan, Heega lagu taagin
• Oon hagoog i taageera iyo, Buruko lagu huurin
• In kastooy hannaankaa qabtiyo, Haybad lagu faansho
• Ambay laba horaadoo si-siman, Hore usoo taagtay
• Hagaag ugu dhamayn waa indhaha, Howl karkii rabaye
• Waxaa hima-jab wiilka ugu filan, Howsha berigaahe
• Howraarta qumman ummadda waa, Lagu hanuunshaaye
• Inaan hilin kallaallada ka duwo, Wow han-weynahayee.

• Haadkaa gawaaridu marta na, Boorso la hanfiicdo
• Ee hebel i qaad iyo halkay, Hadal is waydaartay
• Ninkaan ku hurgufeyn lacag haddii, la la heshiin waayay
• Hablow mays barqabataan haddii, Hore ba loo sheegay
• Horta baro tacliintey ku tiri, Huban jawaabtiiye
• Hebla meeday iyo moogi baa, Hadalku joogaahe
• Maxaan hoogga ugu saadiyaa, Heerku waa nabadee.

• Maxaad hoogga ugu saadisaa, Heerku waa nabad’e
• Markaan ku hindisooda ba wax baa, Lay horkeenaa’e
• Maxaan hees wal-waal uga tirshaa, Hodon jacaylkeeda
• Maxaan haanta ugu saabiyaa, Hoyga laga guuray
• Maxaan uga hambays-taa nin kale, Hadalow sii sheegay
• Maxaan Hilib kalgacaloon la rabin, Haybiyaa anigu
• Taariikh habaawdiyo maxaan, Uga hadlaa guurka
• Maxaa hoos ka guuxiyo i baday, Hebelow ii kaalay
• Maxaa sida nimmaan hodon ahayn, Heeryada i saaray
• Hidda laga hayaamiyo maxaa, Howl i garan siiyay
• Waa hadal su’aalehe hakaday, Ee hamso u taale
• Hal-abuurka joogee ka naxa, Howla dhaqameedka
• Haweenkiyo Raggaa laga rabaa, Hubane Soomaalee.

• Hayeeshee hirbaa muuqda iyo, Maanyo hugunkeede
• Hilo aan la cabin baan arkiyo, Haawis webeyeede
• Haadaan la qodayaan arkiyo, Hog iyo booraane
• Himil ila cuslaadaan arkoo, Hoos an loo dhugan’e
• Hoga iyo cad-ceeb baan arkiyo, Howd abaarsadaye
• Haween baan arkaa iyo ragaan, Meher ku heegayne
• Ee hadda na heshiisehe si kale, Howl u maamulaye
• Hayb waliba tii kale hadday, Hagar ku eedayday
• Hindisooyinkaa kala fogee, Laysu heli waayay
• Waxa nagu hafiyay ee Laftiyo, Herigga jiirsiiyay
• Ee labadi hooy wada gashayu, Nooga kala haaddo
• Waa hadal su’aalehe hakaday, Ee Hamso u taale
• Hal-abuurka joogee ka naxa, Howla dhaqameedka
• Haweenkiyoo Raggaa laga rabaa, Hubane Soomaalee.

 

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

 

SHEEKOOYIN