FILANWAA Q6AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q6AAD 

Maxamed markii xilli danbe ay saacaddu gaadhay ayuu ka huleelay halkii uu ku sugayay gabadhi warqada loogu soo dhiibay, kaddib markii uu arkay in aanay waxba ka soo naaso caddayn, balantii iyo farriintii uu dhanka Canab ka dhowrayay, isagoo ka niyad jabsan sida ay wax u dhaceen ayuu gurigoodo soo aaday,  intuu qolkiisi galay ayuu sariirtiisii  ku dul dhacay.

Ma seexan oo habeenkii oo dhan kaligii ayaa isla sheekaysanayay, wakhti dambe oo daakiraadi ku dhaw ayuu indhaha isgaliyay, wax yar ka dibna waagii ayaa baryay, intuu kacay ayuu salaadi subax tukaday.

Maxamed  hooyadii ayaa u yeedhay, waxayna ka codsatay in uu san hurdada ku laaban oo uu quraac u geeyo gabadh ay walaalo yihiin oo isbitaalka wayn ku xanuunsanaysay. 

Sidoo kale Canab warqadii xalay habeennimo ayay diyaarisay, subax hore intay toostay ayay soo kicisay saaxiibteed filsan ka dibna gacanta ka saartay, waxayna kutiri: “Warqadan waxaad iigu gaysaa Maxamed, dabcan waxaan u malaynayaa inaad garanayso, wiilkii aan xidhiidhka lahayn, waxay intaa u raacisay haddii uu ku waydiiyo arrinta guriga ka jirta, waxba ha usheegin.

Filsan way ka aqbashay iyadoo dareensan in uu jiro jahwareer saddex geesood ah, laakiin, Canab ayay canaan iyo qaylo kula dul dhacday, waxay ku eedaysay inay ka gaabisay sidii ay arrinta la soo daristay Maxamed ula socodsiin lahayd, waxay si kulul u waydiisay sababta ay ilaa hadda Maxamed wax ugu sheegi wayday? 

 Canab oo aad uqiiraysan indhaheedana ilin ka socoto, ayaa ugu jawaabtay: “Walaahay waa runtaa walaalo, laakiin waan ka baqay inaan usheego, waxaan is lahaa dadka ayuu ka maqli doona, ilaa haddana waxba ma ogo,  aad ayaan uga xumahay, waad ogtahay Maxamed  si qoto dheer ayaan ujeclahay,waxaan aamisanahay in farxadaydu ku xidhantahay isaga oo kaliya inaan nolasha la qaybsado.

Si walba ha ahaate Canab, arrintani fajac iyo filanwaa ayay ku noqotay, iyadoo murugaysan wajigeedana isbadal weyni ka muuqdo ayay Filsan u sheegtay, inay farxaddii noolasha ka rajo dhigtay, mar haddii ay weyday qofkii ay ifka ugu jeclayd.

Filsan oo awal aan la dhacsanayn labadan qof ee madaxa laysu galiyay iyagoon is aqoon, ayaa haddana waxaa calool xumo ku sii abuurtay dhibaatadan uur ku taallada xanuunka badan leh ee saaxiibteed Canab ku habsatay, ka dib iyadoo amakaagsan ayay baxday, waxay aad ulayaabtay mashaqada meesha kajirta, mar waxay ku fikirtay inay isku daydo, bal in arooska labaajiyo, haddana waxay iskadhaadhicisay in arintani hadda wax kaqabasho ayna lahayn.

Filsan durba gurigii ay usocotay markii ay timid, irida ayay garaacday, waxaa kafurtay, gabadh ay Maxamed walaalo yihiin, waxayna waydiisay maxamed inuu jooge iyo in kale?

Waxaa loogu jawaabay, walaalo ma joogo, saaka ayuu isbitaalka u kallahay oo gabadh xanuunsanaysa ayuu booqday, laakiin haddaad waxyar sugi karto, dabcan waa laga yaaba inuu yimaado ee soo dhawow.

Filsan firaaqo iyo wakhti ay ku sugto ma aysan haynin, waxay ahayd qof aad u         dagdagaysa,iyadoo ka xun maqnaashaha Maxamed ayay iska soo dhaqaajisay, isla markiiba gurigii ayay ku soo laabatay, ka dibna si hoose ayay ugu sheegtay Canab in aanay Maxamed is arag,  warqadiina ay wado oo ay soo celisay.  

Filsan markay soo laAbatay iyadoo warqadii wada, arrinkaasi markale Canab aad ayay uga niyad xumaatay, waxay ka walwalsanayd ogaal la’aanta Maxamed,  iyo arrintan markuu maqlo, qalbi jabka ku dhici doonaa, waxay dareemaysay ama u muuqanayay dhibaato aan ka soo kabasho lahayn inuu la kulmi doono, intaa waxaa u dheer eed iyo nabsi hadhow dusha loo saari doono, maadama ayna waxba kala socodsiin guurkeeda. 

Filsan oo ah gabadh aad u wanaagsan ayaa mar walba waano iyo wax sheeg la garab taagan saaxiibteed Canab, waxay ka codsatay inay isdajiso, murugadan faraha badan iyo oohintana iska dayso, waxay ugu caqli celisay inay ku kalsoonaato qadarka alle, wax walibana wakhti ayay leeyihiin, inkastoo jacayl iyo xidhiidh wanaagsan idinka dhaxeeyay adiga iyo Maxamed, haddana calaf ayaa ka soo soko maray, sidaa darteed waxay ka dalbatay inay Maxamed iska ilowdo, waxayna ku tiri: “isa sii diyaari hadda wixii ka dambeeya howshiisa arooska ayaa bilaabanaysa”. 

Ka dib Filsan mar kale ayay warqadii qaaday, balse nasiib daro lama aanay kulmin Maxamed, laakin kaligeed ayaa go’aan gaadhay, waxayna warqadii u dhiibtay gabadh ay Maxamed walaalo yihiin, waxay ka codsatay inay gacanta ka galiso Maxamed warqadaa markuu yimaado.

lasoco qaybaha dambe 

 

W/Q Yaasiin Xasan Muuse 

 

yaasiinxm114@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN