Ha I Dhaafin! WQ: Abdishukri Haybe


Annigu ma aaminsani aragtida Federalism-ka waxaana u aqaana fadaraynta Soomaalida, mase xaqirsani dalkii inuu maanta ka jiro maamulo habkaas ku dhisan oo waxtar sidaas ubadan yaynaba lahaaninee maanta deeggaanada ayka arrimiyaan nabaddi ka jirto, haddayna colaaddi jirina caqligii wax lagu garan lahaa wuu iman. Mana xaqiri karo jiritaankooda oo waxaan aaminsanahay iyo waxa taagan waa kala cayn.

Deeggaan gaar ah ima xigo, markastase meesha aanku sugnahay ayaa lama huraan ii ah wanaajinteeda iyo qurxinteeda inta aan bulshadaas wax la qaban karan waan samayn. Intaan xumaan iyo colaad ka hortagi karana naf huridba ha noqotee waan samayn. Farqiga Kala duwanaanshaha qabiil iyo deegaanka dhib uma arko oo nolosha waa u muhiim kolba meesha aan nabad ka helayo ayaana gurigayga ah. Tusaalle annigu waxaan kudhashay meel la yidhaahdo. Maraacaato oo 33km u jirta magaalada Qabridahare, halka walaalladay iga waaweyni ku dhasheen magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Buundoweyn oo reerkayagu markii hore degganaa, haddana qoyskaygu waxuu degganyahay Dhoobleey oo gurigoodii ah.

Taasi waxay ka turjumaysaa sida aanan ulahayn deegaan ii gaar ah anniga, oo maanta haddaan dhaho meeshaan kudhashay anniga iyo inta igula dhalatay ayaa leh; walaalladay ayaan markaba foggaysanayaa. Kismaayada maanta aan joogana waa magaalo Soomaaliyeed qofna kama xigo qofna igama xigo, muhiim iima ahan ninka xilka ka qaban kara iyo kaan ka qaban karin, waayo aragtida aan aaminsanahay ayaa kasoo horjeedda maanta dhulka Soomaaliyeed habka ay maamulada u samaystaan, kamana dhigno inaan waallahay’e waxaan kasoo horjeedda qabiil kaste iyo deegaan samaysigiisa uu dowladda isu arko.

Waan yeelan karaa qadiyad lama taabtaan ah, waana u muhiim jiritaanka qofka bini’aadamka ah, iyo aragti aan si adag u aaminsanaan karo, walaalkayga iga aragti duwana waxaan u aqbalayaa sida aan u aqbalay nidaamka Federaalka jiritaankiisa ee maraba lagama yaabo inaan isaga aragti ku colaadiyo. 

keliya saddex arrimood ayaan aaminsanahay Soomaalida maanta sii kala fogaanaysa in dowlad loogu samayn karo, saddexdaas arrimood midba midka kale ayuu ku sidkanyahay oo haddii la waayo kan kale ma jiraayo.

Cudud, Caddaalad iyo Wacyi. 

Dhismaha cududda ayaan ka hormarinaynaa cadaaladda sababtoo ah cadaaladdu baryo iyo qancin reereed kuma imanayso, ee waa inay jirto cabsi cududeed oo cadli ah dadka u maamulaysa, qofna aan u turayn markuu sharciga ku xadgudbo, qofna aanku tumanayn markuu dulmanaha yahay. ciidanka awaamiirta caddaaladda fulinaya qudhoodu tabar iyo taag yeelan maayaan haddaan jirin hab cadli ah oo loo maamulayo Taliye iyo Dablena ay simanyahiin marka ay yimaadaan garsoorka.

Haddaba labadaasi marka ay istaagaan dadka la maamulayo garaadkoodu intee le’egyahay.? waa in ay jirtaa wacyi bulsheed oo dowladdu bulshada ayku tusinayso hab wax garasho toobboon, si dhimrin lehna bulshada looga dhaadhiciyo aragtida dowladda ee mustaqbalka, iyo halka loo socdo. Shacabku waxay xaq uleeyahiin markaas inay ogaadaan Caqabahada inay horumaraan hor taagan dowladduna waxaa waajib ku ah, bulshadeeda meesha ayku wado iyo waxa hortaagan inay farta ka saarto. halkaas waxaa ka dhalanaya dad aan kala sareynin oo siman, dad u gaajooda una dhibtooda aragtida mustaqbalkooda, dad aan jiifan oo ku hammiya ka midho dhalinta yoolasha nolosha uga yaala.

WQ: Abdishukri Haybe

SHEEKOOYIN