Waddada suubban. Q22AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q22AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Camal Suubban la ma aqbalo, haddii aan niyaddu daacad ahayn oo aan dar Alle loo la jeedin.”

وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّـهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ ۚ وَذَٰلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ.

“Lama farin dadka waxaan ahayn in ay Eebbe oo kaliya caabudaan, iyagoo Diinta, yacni maqalka iyo hoggaansanaanta u gooni yeelaya iyo inay salaadda oogaan, sekada na bixiyaan sidaasaa na ah Diinta toosan” (Suuradda Al-bayinaad).

Waxaa kaloo Eebbe kor ahaayee yiri:

 لَن يَنَالَ اللَّـهَ لُحُومُهَا وَلَا دِمَاؤُهَا وَلَـٰكِن يَنَالُهُ التَّقْوَىٰ مِنكُمْ ۚ .

“Ma aha hilibkooda iyo dhiiggooda mid na waxaa gaaraya Eebbe, waa se daacadnimada iyo dhowrsanaanta xaggiina ka ahaatay waxaa gaaraya Eebbe.’ (Suuradda Al-Xaj: Aayadda 37).

Waxaa kaloo Eebbe kor ahaaye yiri:

قُلْ إِن تُخْفُوا مَا فِي صُدُورِكُمْ أَوْ تُبْدُوهُ يَعْلَمْهُ اللَّـهُ ۗ .

“Dheh Muxammadoow! (S.C.W.) haddii aad qarisaan waxa laabihiinna ku jira iyo haddii aad muujisaanba, Eebbe waa og yahay.” (Suuradda aali-Cimraan: Aayadda.29).

Cumar binu Khaddaab (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Rasuulka (S.C.W.) oo leh: Niyaddaa sal dhig ah xag Eebbe, mudnaanshaha in qofka laga abaal mariyo camalkiisa iyo in kale, qof walbaa na wixii uu camalkiisa ula jeedo xagga niyadda ayuu leeyahay. Qofkii Eebbe iyo Rasuulkiisa dartood u soo haajiray waa u sidaas. Qofkii arrin adduunyo la xariirta ama naag guursigeed u soo haajiray na iyaguu leeyahay, oo Eebbe waxba kama sugayo.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ciidanbaa kacbada kusoo duuli doona, markay soo gaaraan dhul siman oo Madiina u dhaw, markaasaa kan u horreeya iyo kan u dambeeyaba dhulka la la goyn doonaa, waxay tiri: oo Rasuul Alloow sidee kan u horreeya iyo kan u dambeeyaba dhulka loo la goynayaa, sow kuma jiraan kuwa ay soo kaxaysteen oo aan ku raacsaneyn camalkaa, iyo kuwa aan kaba tirsanaynba? Rasuulka Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: waa la la goynaya ciidanka oo idil dhulka kan u horreeya iyo kan dambeeyaba, dabadeed na maalinta qiyaamo hadba sida camalka iyo niyooyinkoodu ahaayeen ayaa loo soo bixinayaa oo lagu abaal marinayaa.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Caa’isha (A.K.R.) Waxaa laga soo xigtay in Nabigu (S.C.W.) yiri: kolba haddii ay muslimiinta Maka qabsadeen oo ay beel Islaam noqotay, haajirid looma baah na, laakin niyo iyo jihaad ayaa jiraya, ee markii jihaad usoo baxa la idin yiraahdo. Oo uu imaamka idiinku yeero usoo baxa.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Annago duullaan ah oo Nabiga (S.C.W.) la soconna ayaa wuxuu nagu yiri: Madiina waxaa jira rag meeshii aad martaan iyo toggii aad ka tallaawdaanba ajarka idinla wadaagaya, oo ay jirro reebtay, ha yeeshee niyaddooda ahayd hadduusan cudurku reebin inay idinla socdaan.! (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale ayaa ah oo muslim ku taal: Ajarka way idinla wadaagayaan.’ Imaam Bukhaarina wuxuu soo weriyay inuu Anas (A.K.R.) Yiri: Annagoo Nabiga (S.C.W.) la soconna oo duullaankii Tabuuk kasoo laabannay ayaa wuxuu yiri: waxaa jira dad Madiina nooga haray, oo dhudhuntii aan gudubno iyo toggii aan ka tallaawnaba na wehliya, oo qalbiga iyo niyadda ka jeclaa inay nala socdaan, haddii aan daruufo reebteen.’

Macan bin Yasiid ibn Akhnas (A.K.R.) Macan abbihii iyo awoowgiiba waxay ka mid ahaayeen asaxaabtii Nabiga (S.C.W.) Macan wuxuu yiri: Aabbahay Yasiid ayaa dhowr Diinaar oo uu sadaqeysanayay ag dhigay nin masaajidka joogay, markaasaan inta qaatay ula imid Aabbahay, wuxuu igu yiri: Adiga kulama aanan rabin lacagtaa dabadeed na waxaan isula tagnay oo u gar dhigannay Nabiga (S.C.W.) wuxuu yiri Nabigu (S.C.W.) Aabbahay: Yasiidoow adigu wixii aad niyootay ayaad leedahay oo lacagtaa waa kuu saddaqo. Anna wuxuu igu yiri: Nabigu (S.C.W.) Macaanoow adna wixii aad qaadatay ayaad leedahay.‘ (Bukhaari).

Sacad ibn Abii Waqaas (A.K.R.) oo ka mid ahaa tobankii loogu bishaareeyay Jannada. Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) I soo booqday aniga oo aad u xanuunsanaya. Arrintanina waxay dhacday markuu Rasuulku gutay Xajkii sagootiska, markaasaan waxaan ku iri: Rasuul Alloow (S.C.W.) waa aad aragtaa sida xaalkaygu yahay. Waxaa na aan leeyahay xoolo badan, wax i dhaxlaya na gabar kaliya ayaa ka jirta ee maalkayga seddax meelood labo ma sadaqeystaa? Wuxuu yiri Nabigu (S.C.W.): MAYA’ waxaan iri: barna Rasuul Alloow? Wuxuu yiri: Maya! Waxaan iri: Seddex meelood meelna? Wuxuu yiri: ‘Haah’ iyadaana waliba badan. Dadka dhaxalkaaga leh inaad ka tagtid iyagoo Hodon ah ayaa kuu kheyr badan, inaad ka tagtid iyagoo sabool ah oo aad ku qasabto inay dadka gacmaha u hoorsadaan. Saddaqo kasta oo aad wajiga Alle ula baxdidna ajar baad ka heleysaa, xataa raashin xoogaa ah oo aad haweentaada afkeeda gelisidba ha ahaadee, Alle waa kaa ajar siinayaa. Dabadeed waxaan iri: Rasuulkii Alloow saaxibbaday maka harayaa? Wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) kama aad haraysid camalkii aad fasho oo aad Eebbe dartii ula jeeddidba ajar iyo derajaad ka sii helaysaa, waxaa na laga yaabaa inaad muddo noolaato oo cimri dheer lagu siiyo oo ay markaas qoon muslimiin ah kaa faa’iidaystaan, qoon gaala ah na gacantaada lagu ciqaabo. Ka dibna Rasuulkii Eebbe Ilaahay ayuu baryay oo yiri: Alloow asaxaabtayda hijradoodii ka yeel mid dhan oo guulaysata, gadaal na ha u celin. Waxaa se in loo murugoodo leh Sacan ibnu Khalwa ee gadaal looga soo tegay, Makana ku dhintay, Rasuulkii Allena (S.C.W.) naxariis iyo samman ayuu Eebbe uga baryay.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hureyrah (A.K.R.).wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.)wuxuu yiri: “Alle fiirin maayo jirkiinna iyo suuraddiina toona ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiinna iyo camalladiinna.” (Muslim).

Abuu Muusa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaa Rasuulkii Alle (S.C.W.) la waydiiyay: nin geesinnimo u diriraya iyo mid ficillo qabiil ama qaran u diriraya iyo mid is tustus u diriraya, intaas midkee ayaa jidka Eebbe ku diriraya? Wuxuu ku jawaabay rasuulkii Alle (S.C.W.) kan u diriraya inay Diintii Eebbe kor noqoto ayaa jidkii Alle ku diriraya.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Bakrah Nufayc ibn al-Xaaris as-Saqfi (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: markii ay laba qof oo muslim ahi seef iskala hor yimaadaan, dilaha iyo la diluhuba waa ehlu Naar.’ Waxaan iri: Rasuul Allow kan dilay walaalkii garannaye, kan la dilay muxuu galabsaday oo Naarta loo gaynayaa? Wuxuu ku jawaabay inuu saaxibkii dilo ayuu is na doonayay.’ (Bukhaari iyo Muslim).

“Jimco suubban. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN