Waa nasiib darradayda! Q2aad Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Waa nasiib darradayda! Q2aad

Isbaddalka igu socda wuxuu ahaa mid iila sii sikhaya meel aan barteeda aqoon, waxaan bilaabay in aan raadsado waddo aan cidladan uga baxo, qanaacada oo dhan ayaa iga tagtay, xaaskayga shalay ii ahayd wax walba maanta iima ahan.
Waxaa noloshayda kusoo biirtay Ubax oo ahayd markaa Dhaqtarad cusub oo riyo fog leh.
Ubax iyana waxay ka dhalatay qoys aad u ladan oo shuruudo badan, shuruudahaas dartood waxaan ogolaaday wax badan o aanan ogolaan lahayn, jacayl baaxad weyn ayaan ubax u qaaday iyadu guur uma diyaarsanayn waxay ahayd naag damac dheer ku jiro, damaceedana wuxuu ahaa in ay ka sal gaarto waxa ay soo baratay, ugu yaraana ay ku shaqayso shaqadeeda 10 Sano.
Ubax waan u sheegay in aan xaasle ahay balse gaashaanka ayey iigu dhufatay oo waa taa i tiri nin xaasle ah gayaankayga maahan.
Ma aqaan waxa qoorta ii suray dumar isla wada qaalisan, fowsiyo sidaas ayey iyana qaali u ahayd balse waa ka duwanayd ubax.
Fowsiyo waan is jeclayn in aan wax wada noqonana waan isla fahamsanayn oo waa taas dartey loo soo deyrshay ilaa maantana ila nool balse ubax aniga ayaa jecel oo iyada ima jecla haddii ay i jeceshahayna shuruudo ima galin lahayn.
Qof shuruud wax ku xiraya haddaad aragto waa qof aan dan saas ah ka lahayn waxa uu shardinayo, ubax waan ogaa in aysan dan iga lahayn balse waxaa igu jirtay raganimo ii sheegaysa haddaad mar dibriso in aysan saarnaan doonin dabaqa ay hadda saarantahay oo jacaylka iyo waxa aad ka doonaysaba ay imaan doonaan dibrinta kadib.
Ubax dhib badan ayaan u maray hanashadeeda xoolo badana waa iiga baxeen, xitaa waan maal galshay oo dhowr jeer ayaan u diray dibadda waxbarasho si digree ay usoo qaadato ileen jaamici qof ah kama dhamaato waxbaan soo diyaarinayaa in uu ku dhaho.
Jacaylka aan u qabo ubax ayaa i indha tiray wuxuu iga laabay indhaha aan ku eegi jiray wiilkayga Fahad iyo xaaskayga, wax walba oo lahaa waan dayacay ubax darteed, shaqadayda oo kaliya ayaan qabsanayay taasna waxay ahayd isha kaliya oo ubax aan ka maal galsho ubaxna ma ogolayn in meesha aan wax ku ahay iyana wax ku tahay ay halowdo, waxa kaliya ee ay igu dhiiri galin jirtayna shaqada ayey ahayd.
Kadib markii aan daba socday muddo afar Sana ah, ubax oo qarash iyo waqtiba aan ku beelay ayaan go’aan kama dambays ah ula tagay.
Waxaan ku dhahay ubax intan ka badan waqti kuuma sii heli karo waana kuu dulqaatay walalley ee xaaskayga ma noqonaysaa mise ma noqonaysid?
Ubax waqti isii ayey igu tiri waan soo fakarayaa maalmo markii ay iga maqnaydna waxay tiri hal shardi ayaan wataa oo fudud.
Waxaan waydiiyay waxa daba dhigay shardiga in ay i guursato iyada oo og waxa aan u qabtay iyo inta aan lasoo maray.
Waxay igu tiri adiga qayb yar ayaa ka qaadatay noloshayda dhisiddeeda balse inta badan waalidkey ayaa soo dhisay marka shuruudahooda in aan fuliyo kaagana ogolaado hal mid ayey iigu suura galaysaa, waana in aad xaaskaaga furto oo aniga kaliya aan marwo kuu noqdo anigana taas haddii ay suura gasho waxba kaama rabo dhaqalana kuma waydisanayo, aniga ayaa shaqaysanayo oo hadaba shaqo waan helay.
Aniga waa hore ayey iga soo dhamaatay fowsiyo waxaana aqbalay in waqtigeena uu waa hore dhamaaday, sidaa darteed, maadaama aanan nolol ku haysan waxa kaliya ee inaga dhaxeeyana uu yahay fahad waxaan is tusiyay in haddii aan ku helayo ubax aysan waxba iiga halaabeen, waxa kaliya ee muranka keeni karana waa hantida aan wada shaqaynay, waa noo kala, bar taasna diyaar ayaan u ahaa si aan uga baxo nolosha Fowsiya uguna biiro tan Ubax.
Balse waxaan watay anigana shardi, ubax maadaama ay isla qaalisanayd gabar yarna ahayd shardiyo badana igu xirtay wax badan oo dhaqaala ahna iga salfan doonto waxaan ku xiray furidda fowsiyo shardi ah in haddii ay ii dhasho hal Da’ aan oofin karo shardiga furidda fowsiya, balse aniga oo waxba ka haysan aanan waxba oofin karayn.
Qorshe ayaan ka lahaa arrintaa, waxaan is lahaa haddii ay mar xaaskaaga noqoto way xasili doontaa, waana maaweelin doontaa qorshahana iiguma jirin marnaba in aan Fowsiyo furo ee waxaan is lahaa kusoo xera gasho Ubax.
Ubax shardigayga waa aqbashay balse waxay tiri heshiiskan waa in ay ila ogaadaan dadkayga, waan ku qoslay waxaan ku dhahay waa nacasnimo in aan dadkaaga waxan ula tagno aan is aamino isna dhaarsano haddaad u aragto in balantii aan oofinin maxaa kaa halaabay taas baddalkeeda naag isku filan ayaa tahay.
Kuma aysan qancin hadalkayga waxay tiri waa in aan sabab aan kugu aamino helaa, nin la wato oo waalan ayaan ahee waxaan farta ka saaray dhowr dukument oo gurya aan wada lahayn aniga iyo fowsiyo ah, waxaana ku iri haddaan oofin waayo ku wareeg.
Runtii waad ila yaabi kartaan balse waxaan dhan waxaan u sameynayay waxay ahayd jacayl aan u qabo waana aaminsanaa in uusan midna ka fulayn shuruudaha ubax aan la galayo, waxaan aaminsanaa haddii ay xaaskayga noqoto in aan sida aan rabo ka yeelan karo waxaan oo dhana waxay iga ahaayeen soo xera gali oo kaliya.
La soco qaybta 3aad Axadda dambe insha allah
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail 

Xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN