Gorfaynta buugga: ‘Fire and Fury: Inside the Trump White House’

Gorfaynta buugga: ‘Fire and Fury: Inside the Trump White House’

Buuggan Fire and fury (dab iyo caro) waxaa qoray Michael Wolff, wuxuu ka kooban yahay 327 bog, wuxuuna soo baxay gu’gan 2018. Buugga wuxuu ka billaabanayaa farriinta qoraaga, waana wax iska caadi ah, in qoraa walba uu ku billaabo farriintiisa, si akhristeyaashu u helaan ararta buugga. Hordhaca buugga ku ma arkaysid ka hadalka Trump, balse sheeko dhex maraysa Steve Bannon iyo Roger Ailes ayaad ka arkaysaa. Qeybaha dhexe, buugga wuxuu ka hadlayaa doorka fadeexaddii ruushka, jawaab-celintii warbaahinta, marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay ol-oleha doorashada iyo siyaasaddii xarigjiidka ee u dhexeysay shakhsiyaadka u dhow Trump, kuwaas oo kala ah: Kushner, oo ah la taliyeha Trump, Bannon, oo ahaa madaxii istaraajiiddiyadda aqalka cad iyo Reince Priebus, oo ah agaasinkii hore aqalka cad.

Qoraaga buugga Wolff wuxuu sheegay, in madmadow badan uusan ku jirin sababta keentay qorista buugga. Aqalka Cad wuxuu dhex sabbaynayey duufaan siyaasadeed tii ugu darneyd, ka dib fadeexaddii watargeyt (watergate). Qoraagu wuxu sheegay, in uu isu diyaariyey tebinta sheekadan habka ugu maangalsan, uguna suurtagalsan; maadaama uu goobjooge u noqon doono halka iyo sida ay u dhaceyso duufaantaas. Dhacdooyinka xambaarsan duufaan siyaasadeedka waxaa loo fasirtay, in ay ku ekaan doonto boqolka maalin ee ugu horreysa, maaddaama ay tahay waqti lala qabsan karo xafiiska, lana ogaan karo shakhsiyadda madaxweynaha. Balse dhacdooyin duufaaneedkii waxay noqdeen kuwa aan kala joogsi lahayn, waxayna wax kala caddaadeen markii John Kelly, oo ah janaraal howlgab ah, loo magacaabay madaxa shaqaalaha ee aqalka cad iyo iscasilaaddii madaxa istaraatiijiyadda aqalka cad Steve Bannon.

Xog ururinta buuggu waxay ku salaysantahay wada sheekeysi si toos ah u dhexmaray qoraaga iyo madaxweynaha, qoraaga iyo shaqaalaha ugu sarreeya aqalka cad. Haddaad eegto farriinta qoraaga, Wolff laftirkiisu wuxuu xusay habkii uu u maray macluumaad ururinta, wuxuuna yiri “[Waxa aan] isku dayayaa in aan cabbiro nolosha Trump, asagoo dhex fadhiya aqalka cad, aniga oo u maraya aragtida dadka u dhow.” Qoraagu wuxuu sameeyey in ka badan 200 wareysi, si uu xogahaa u ururiyo.

Guud ahaan, buuggu wuxuu ku dulwareegayaa dhacdooyin la xiriira ka hor iyo ka dib doorashadii Trump iyo doorkii ay ka ciyaareen shakhsiyaadka u dhow sida Jaren Kushner iyo Steve Bannon. Qoraaga buugga Micheal Wollf, wuxuu si qurux badan oo farshaxamaysan u dhigay sheekada buugga; iyada oo sidaas ah, haddana buuggu ma aha mid ka madax bannaan dhaliil iyo gef. Inta aad akhrinayso, meelo badan oo ka mida buugga waxaad ku arki doontaa aragtida qoraaga, balse uu u ekaysiiyey in ay tahay aragtida jilayaasha (Protagonists). Buugga waxaa ka dhex muuqda isku dhex yaac dhanka hakadka ah, waxaad arkaysaa meelo badan oo qoraagu si khaldan u adeegsaday calaamadda hakadka.

Qoraagu wuxuu adeegsaday kelmedo adag oo mararka qaar kugu qasbaya in aad raadiso qaamuus. Taa waxaa ka sii daran, inta badan qoraalkiisu waa sarbeeb; mararka qaar hal baaragaraaf ayay kugu qaadanaysaa in aad dhowr jeer ku celceliso, si aad u fahamto. Marar badan qoraagu wuxuu si dadban farta ugu fiiqayaa dhabnimada xiriirka ruushka iyo Steve Bannon, wuxuu yiri “Halkaas waxaa joogay Steve Bannon oo qabanaya hawl aan caadi ahayn, taas oo aan qofna wax ka ogeyn.“

Waxyaabaha buugga xiisaha u yeelay waxaa ka mida sheegashada qoraaga (claim), taas oo ku saabsan in madaxweyne Trump uusan wax akhrin, sidoo kale dhageysan warbixinnada. Balse caddeymaha uu qoraagu u haayo hadalkaasi ma aha caddeeymo xooggan. Markaad akhrinayso buugga, ceebaha kuu soo muuqan kara waxaa ka mid ah; sida loogu kalsoonaan karo ilaha qaar uu qoraagu soo xiganayo, sida in Trump uusan aqoon u lahayn qofka uu yahay John Boehner. Sida la hubo, Trump laftirkiisu wuxuu dhowr jeer ciyaarta golofka (Golf) la ciyaaray Boehner, sidoo kale wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qoraallo ku saabsan John Boehner. Intaas waxaa sii dheer, in buugga loo dhigay sida hab werineedka wararka, hana hilmaamin in qoraagu yahay weriye, sidaas darteed, meelo badan oo buugga ah waxaa ku badan kelmedda ‘la yiri’ iyo ‘hebel baa yiri.’

Ilaha macluumaad ee uu qoraagu isku halleeyey waa kuwa dhabnimadooda ay ku furan yihiin shucaac, sidaas darteedna aan la isku halleyn karin. Meelaha qaar ma kala garanaysid hadalka qoraaga iyo hadallada jilayaasha buugga (Protoganists). Tusaale, qeybta koowaad ee buugga, Wolff asaga oo ka sheekeynaya Kellyanne Conway, oo ah la taliyeha Trump ayuu xusay hadalkan: “Trump wuxuu ku guuldarraysan doonaa doorashada laakiin lix qodob baa u horseedi doonta guuldarradiisa.” Su’aasha isweyddiin mudan; waa kuma hadluhu? Kellyanne mise Wolff laftirkiisa?.

Marar badan shaki baa kaa galaya in buugga laga qoray Trump iyo in kale, waayo markaad aragto celcelis ahaan inta jeer ee la xusay magaca Steve Bannon waxay ka badan yihiin inta jeer ee la magac dhabay Trump. Sidoo kale, Bannon laftirkiisa wuxuu qiray in asaga iyo qoraaga ay ka wada shaqeeyeen buugga, haddaba markaad maqasho hadalkaas sow durbadiiba maankaaga ma geli karo shaki la xiriira macluumaadka ku jira buugga, in ay yihiin kuwa ka leexsan dhabnimada?

Marar badan ayaad moodaysaa in Steve Bannon yahay qoraha dhabta ah ee buugga, balse isticmaalaya magaca Wolff, waayo, qoraagu wuxuu in badan ku celcelinayaa magaca Steve Bannon. Qoraagu wuxuu si mala-awaal ah uga sheekeynayaa xiriirka hoose Trump iyo marwadiisa Melania; marar badan wuxuu leeyahay; maalmo badan waxaa dhacda in Trump uusan la hadlin Melania. Marka ay halkaasi marayso, qoraagu wuxuu u boodayaa ka sheekeynta doorka Melania ay ka ciyaartay xilligii doorashada iyo sida ay u rumaysnayd in Trump uu ku guulaysan karo doorashada.

Hubanti, haddaad isku shuqliso raadinta dadka kale ceebahooda waxaad arki doontaa wax badan oo kaa yaabiya. Hadalkaasi waxa aynu u dhahnay, in buuggani keliya uu diiradda saaray dabool ka qaadidda ceebaha shakhsiyadda Trump, qoyskiisa iyo saaxiibbadiisa; balse qoraagu muusan isku shuqlin ka sheekeynta qorshaha Trump iyo ballanqaadyadii uu sameeyey, kuwii u hirgalay iyo kuwii uusan fulin.

Buugga waxaa ku kaydsan eedooyin badan oo ku saabsan shakhsiyadda madaxweyne Trump iyo saaxiibbadiis u dhow. Sawir xumaynta uu qoraagu ka bixinayo shakhsiyadda Trump waa mid ka baxsan moorada daacadnimada. Marka qoraagu uu leeyahay Trump muusan rabin in uu ku guulaysto doorashada, halkaas far baa ku gudan, waayo, su’aal naqdineedka taagan ayaa ah: sidee ayay ku dhacday in Trump uu geed dheer iyo mid gaaban u galay ku guulaysiga doorashada haddii uusan rabin libinteeda?.

Buuggan waxaa ka buuxda fekerka Steve Bannon, qoraaga iskuma shuqlin xusidda siyaasadda Trump, balse wuu baalmaray. Taa caksigeeda wuxuu isku hawlay falanqaynta fikradaha Bannon.

Buugga gudahiisa waxaa ku jira dhacdooyin ay adag tahay in lagu kalsoonaado dhabnimadeeda, sida eedda ku saabsan, in Trump la seexday xaaska saaxiibkiis iyo in uusan wax akhrin. Buugga waxaa ku xusan xan fara badan oo ku saabsan shakhsiyadda Trump, taas oo uu qoraagu u isticmaalay sida caddeymooyinka buugga, asaga oon marar badan xusin ilaha caddeymooyinkaas. Kaba sii daran, qoraagu wuxuu si xad dhaaf ah ugu xeeldheeraaday buunbuuninta fadeexaddii ruushka isaga oo la barbardhigay tii Nixon iyo Reagan. (Fiiri Fadeexaddii WATERGATE iyo APUSH).  

Ugu dambeyn, qof walba oo doonaya in uu wax badan ka ogaado siyaasadda taalla aqalka cad, ha akhriyo buugga. Sidoo kale, haddii aad xiiseynayso ogaanshaha ceebaha shakhsiyadda Trump, akhriso buugga.

 

Gorfaynta bahda Laashin

Hassan Mudane

Cumar Yusuf

Hassan Leego

SHEEKOOYIN