ILBAXNIMADU WAA HORUMARKA AADANAHA W/Q; Anab Diriye

Canab

ILBAXNIMADU WAA HORUMARKA AADANAHA

 

Waa maxay ilbaxnimo? Maxayse dadkeenna qaarkiis u yaqaanniin? Ilbaxnimo waa; wax kasta oo wanaagsan, oo qiimo kuu yeeli kara meel sarana ku geyn kara, haddaba, maxaa ka mid ah calaamadaha lagu yaqaanno ilbaxa?.

Waxaa lagu gartaa; aqoonta, aqlaaqda, xushmadda, xishoodka, naxariista, hadal wanaagga, dabeecad fiicanta. Inataas waxaa fure u ah aqlaaqda marka laga reebo aqoonta, oo ah furaha nolosha Bini Aadamka.

Waa hubaal haddii aadan aqlaaq lahayn in aysan aqoontaadu waxba tareyn. Intaas aan soo sheegay haddii aad qeybo ka mida leedahay ama dhammaantood aad wada leedahay waxaa kuu caddaaneyeysa inaad tahay qof goolka uu rabo ka miradhalin kara, sida inaad noqoto qof shaqaysta oo bariiskiisa soo saran kara. Inaad wax cusub bulshada ku soo kordhin kartid. Inaad noqoto caaqil dadka garta u qaada. Sidoo kale, inaad gacan qabato ummad aan haysan noloshii aasaasiga ahayd, oo ay ku noolaan lahaayeen.

Waxaa kale oo jirta ilbaxnimo dowladeed, taas oo ah xiriika ay la leedahay  dadkeeda, horumarka ay gaarsiin karto dalka dhinac walba. Taas waxa u sii dheer xiriirka ganacsi iyo wadashaqeynta kala dhaxaysa waddammada dibadda. Haddaba, ilbaxnimada aan soo sheegay ka soo hor jeedkeedu waxay noqotay intii aan soo qodobbaynnay lidkood, oo waxaad arkaysaa;

– Qof weyn oo caytamaya, oo weliba ku faanaayo ma maqleysay taan ku dhigay?.

– Darka cusub oo soo baxa qaadashadiisa

-Qofka oo fikirkiisa lagu caayo.

-Ku faanka filim la soo fiirsaday.

– Aqoonyahanka oo lagu jees jeeso lana yiraah waa dhoorre, oo kabaha iskama bedelo.

-Derbbi la fariisto oo dadka lagu qoslo.

– Beenta oo lagu faano

– Rreer baadiyaha oo lagu tilmaamo dad aan wax badan fahamsaneyn.

Soomaali haddaan nahay waxaan aamin sannahay inaan ilbaxnimo fog leennahay, taasna waxaa caddeyn u ah in bulsho walba ka hormaran tahay buulshada ay uga dhawdahay badda iyo webiyada. Nasiib darro Soomaali haddaan nahay kama aanna faa’iideysan oo waa ka gaajeysan nahay.

 

Anab Diriye

anabdiriye48@hotmail.com

SHEEKOOYIN