Farxaddu iib maaha Q6AAD W/Q:Cabdulle Cabdi kariim(Jallaato)

Farxaddu iib maaha Q6AAD

Raage, xaaskiisa iyo carruurtiisa oo barwaaqo adduun dhax galay muddo kooban oo sannad ka yar,  waxaa dhacay isbadal weyn, Raage waxa uu yeeshay la taliyayaal xagga ganacsiga kuwaas oo ay markii danbo sheeko wadaag noqdeen, waxa uuna billaabay inuu bannaanka ku qaato waqtigiisa, marka uu guriga yimaadana uu cidna la hadlin ama afjigo taas oo xaaska Raage ku abuurtay walwal iyo kalsooni darro.

Habeen habeennadda ka mid ah waxaa dhacday Raage inta uu yimid guriga  xaaskiisa oo ku jirta jikadda isaga oo aan cidna la hadlin inuu toos u abbaarey qolkiisa jiifka, xaaskiisuna si lama filaan ah intey u soo gashay ay aragtey ninkeedii oo duuduuban,  aadna ay uga naxday, markii ay in door ah dul taagneyd oo wax dhaqdhaqaaq uu sameyn, ayey go’a uu huwanaa si naxariis leh uga feyday gacantana madaxa uga taabatay, ayadoo eegeysa in xummad heyso iyo in kale, balse waxaa dhacday waa loo qaadanwaa ah ka dib markii uu Raage gacanteeda iska filqay una raaciyay, “Waan fiicanahay sharna ma qabo ee i dhaaf waxaan rabaa in aan seexdo.

Xaaska Raage waxey ku noqotay fajac iyo af kala qaad go’ii ayey ku dabooshay markii ay u soo holotay iney ka soo dhaqaaqdo  waa kan Raage uu qeylo af labaddii yeeray asagoo leh sow kuma dhihin  i dhaaf buuq uma baahni maxaad noo dul taagan tahay iyo erayo la mid ah. Inta kusoo gaddoontay ayey ku tiri Raagoow is daji waxaan rabay oo kaliya inaan xaaladdaada caafimaad ogaado, waxaanse ujeedaa inaad geedigga u rartay jidkii qodxaale, inta sheydaanka iska naartid seexo haddaad seexaneysid kuma heysto anigee. Raage oo garowsan garta hortaal isna diidsiinaya, ayaa jiifkiisa ku laabtay asagoon wax jawaab ah ka bixin.

Xaaska Raage oo darreenkii ay ka qabtay xaqiiqsatay in xaalku is badalay, waxaa maskaxdeeda ka dhax guuxaayay talooyin badan oo ay ka mid yihiin iney madaxeeda ka qaadato nolol cusubna sameysato,  wax ay marba dhinac iska taagto waxa ay go’aansatay, “Kaadi badane waa loo gogol badshaa iney waqti siiso arrinkeedu uusan gurigaan dhaafin dhib iyo dheef.

Muddo ayaa kasoo wareegatay markii Raage uu ka mid noqday hantiilayaasha magaalada, waxa uu billaabay inuu adduunka u kala goosho, gurigiisana uu ka maqnaado, bil ama  labo bilood in ka badan markuu yimaadana uu buuxin waayo kaalintii Aabbanimo ee xaqa ay ugu lahaayeen carruurtiisa iyo hooyadood. Wuxuu sameystay guri cusub arooskiisana waxa uu ku dhigtay markab dushiisa, taas oo u sahashay in xaaskiisii hore aysan u ogaan si sahal ah. 

Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah, xaaska Raage oo ku gudda jirta xiligii ay masaakiinta ay wax u qeybin jirtay, ayaa islaan ilmo agoon heysatay oo maalin walba ay u roonaan jirtay dad kale, iska ooysay, waa ay usoo dhawaatay oo hab siisay oo sasabtay, “Waxey ku tiri sabar kuwii sabro ayaa guusha u ahaatay ee walaaleey maxaa kaa ilmeysiiyay?

Islaantii ayaa si kadis u tiri abbaayooy iga raali ahaaw,  waad ii dhaqaaleysaa oo ii roonaataa,  laakiin waxaan dareemayaa inaan ahay danbiile is qarinaya, oo daneynaya inuu kista aad i siiso iga go’in waxaan ogahay xantaada oo aad adiga ogeyn waan ku dhici waayay inaan kuu sheego waayo? Haddaan kuu sheego waxaa laga yaabaa in ay naftaada halis gasho. Xaaska Raage oo amakaagsan isla markii waxa ay sawiratay wax kale ineysan jirin ee uu Odaygeeda naag la guursadday waliba magaaladda dhinac uu ka joogo safaradaan uu sheegayo mar walba ay tahay boor isku qaris, waxey tiri haa waan dareemi karaa in aad sirta iga dhankaa ee dahsoon aannan ogaan karn ee ii sheeg waxaa igu ballan ah inaan waligeey kuu qaadin cuqdad ama aan kula coloobin. Islaantii waxey tiri walaaleey wax kale maaha ninkaaga waxa uu guursaday naag kale, ha guursado ma xumee magaaladaan ayey kula dagan tahay,  afkeena waa isku amaano aniga waxba kuuma sheegin. 

Xaaska Raage oo awalba dareen qabtay waxa ay u mahadcelisay Islaantii waxey tiri i sug wax yar, guriga ayey ku laabatay waxeyna u soo qaaday lacag ay ku noolaan karto sadax bilood, gacanta ayey ka saartay mar labaad ayey u mahad celisay, “Waxeyna ku tiri waa iska war qabeynaa haddii Alle idmo kaba dhig in aad waxba ii sheegin.

Xaaska Raage waxa ay go’aan ku gaartay in ay gurigeeda dhaqato aysan juuq u dhihin ama ha joogo ama ha baxo hantidana ay gooni ka dhigato ayada iyo carruurteeda aan laga dareemin, noloshaan aan farxadda laheyn,  Ninkeeda waa yimaadaaa waa sii baxaa muddo ayaa ka soo wareegatay markii ay ogaatay in lala guursaday,  waxaa dhacday habeen habeennada  ka mid ah,  Raage inuu xaaskiisa ku soo hadal qaaday oo uu yiri maxaa qaldan oo aad mar walba iskaga key indho tirtaa sow xaq kuguma lihi?  Xaaska Raage oo ilko caddeyneysa ayaa tiri, “Wagar ma adigaa xaq kaa maqan yahay mise anaga? Ay ula jeedo ayada iyo carruuteeda. Raage oo is moogeysiinaya su’aasha ayaa yiri waxaan ahay Odaygii reerka oo aad gabteen mar hore inteed u socotaa iyo inteed ka socotaa qof i dhahaayo ma arko xataa carruurta waxba ima weydiistaan sidee wax u jiraan. Waxey ku tiri Aw Raaggoow soo dhawaaw waxa aadan dhigin ma yaalaan meeshaan sidaas ay tahay waxaad fashay waxba kaama weydiin oo Alle ayaan talo saaranay, hadda iyo dan waxaan kaa rabaa inaad ii qirato waxaad muddo iga qarineysay oo aan ogaal u ahay. 

Raage filanwaa ayey ku noqotay inaan waxba u qarsaneyn ee wax walba la ogyahay, haddana waxa uu is yiri waa ay kaa kor baxeysaa waxa uu billaabay inuu is diidsiiyo oo inkiro  taas oo ka careysiisay xaaskiisa, waxey ku tiri kol haddaad diiday inaad madaxa soo dhiibato si aan kuu cafino, howshaada wado  waan ogahay wax walba laakiin afkaaga inaad iiga sheegto ayaan kaa sugaa, haddaad diidana awal ayaan kuu lug xirneyn ee habeenku ha kuu macaado. Raage waxa uu xaqiiqsaday in uu runta u sheego iney ku quman tahay lana joogo waqti ay ku habboon tahay,  waxa uu yiri run iyo ilko waa la cadeeyaa  waan kula guursaday waana furay oo hadda waa kala tagnay. Xaaska Raage oo sii socotay ayaa kusoo laabatay,  waxey ku tiri teen qaataa beentaadii horre iyo tan, ma hadda ka dib ayaad furreysaa naag aad saakay gurigeeda kasoo toostay, ayaan furay ha iigu sheekeyn ee xaqa aan kugu leenahayaan kaa helno.

Raage arag in uusan beentiisa laga dabo tagay oo geed danbo uu isku qariyo u bannaaneyn waxa uu bilaabay inuu hoos u guuxo  asagoo wali isla weynin uu ka muuqdo, balse markii loo firaaqeeyay qolkii uu fadhiyay waxa uu xaqiiqsaday in  qiiq isku qaris dhammaaday xal dagdag ah uu u baahan yahay, waxa uu uga daba yimid qolka jiifka.

 

La soco qaybaha xiga

Cabdulle Cabdi kariim(Jallaato)

 

SHEEKOOYIN