Home Qoraallo Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q3AAD.” W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q3AAD.” W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Shukaansiga Qarnigii Shan iyo tobnaad. Q3AAD.”

Weerarkii Waraabaha ee Toxoboow iyo Toxobeey.”

Toxoboow wuxuu jilbaha u dhigtay inuu Waraabaha meel saaro, si ay naftooda u badbaadiyaan, Waraabuhu moorada soo ma geli karo, sina uma hawaysan karo dhinacyadeeda, marka laga reebo iridda dhacantu saaran tahay oo ay isku curjinayaan. Toxobeey waxaa saaqay urtii iyo uskaggii Waraabayaasha kasoo kamkam laahaa ee isku suyucay (23). Waraabuhu wuxuu ka mid yahay xayaawaannada faylasha isaga kaadiya ee aan iska duwin kaadida waxaa la bah ah Dhidirka iyo Weerka, waa na sababta, xoolaha iyo ugaartuba uga uriyaan meel ka fog. Toxobeey ma suuxin ma na siririn sida kalkii Libaaxu soo weeraray, muuqeeda iyo maankeedu na waa soo jeedaan oo waxa dhacaya iyo dhibta Toxobow iyo Waraabayaasha kala haysta waa u jeeddaa, macallin cadde ayay ku tahay. Laakin qurunka iyo qarmuunka Waraabaha ka soo duul-duulaya ayaa miidaan geddiyay oo waa walaacsan tahay, geeri filasho na waa u dheer tahay oo circiraha ayaa naftu ka hingaagaysaa cabsi aawgeed.

Toxobow wuxuu gacana gaddoodo (24), wuxuu dhidido, wuxuu jilbajabsado, wuxuu istaago, wuxuu fadhiisto Waraaba-yaashii na weerar ba’an ayay ku haayaan, iridda ayay dhooban yihiin mar haddii aysan u dhawaa karin oo uu dhacantiisa xejistay. Waraabayaashu waa carrab daarayaan afkooda dhareer ayaa ka qubanaya, miciyaha ayay isku ruuracayaan, ciil ayay la qaroofanyihiin mar mar na waa uugaabayaan illeyn dhiig cartamaya ayaa hortooda diicaya oo indhahoodu qabanayaan ma na u dhawaan karaan’e. Toxobow na waa dagaallamayaa markii Waraabe ku daalaba hal kale oo caabboon ayaa usoo beddela, Toxoboow talaa ku cuslaatay saacaddu waa ordaysaa, waxaa soo bixi raba bil dhammad joogta oo habeenka kala barkiisa soo baxaysa. Waraabayaashii waa daaleen say u duufayeen, waxaa se go’aan degdeg ah qaatay oo sabri la’ Dhurwaagii ugu waynaa ugu na awoodda badnaa, wuxuu isku dayay inuu dhiiggaan kabbado hortiisa ka soo cartamaya iyo inuu geeri u bareero. Kuwii kale waa daaleen iridda horteeda ayay tubanyihiin, sidii ari ruun bacrin ah lagu ooday ayay gorodda is geliyeen, halka kuwii yaryaraa ay riimayaan. Toxobow na waa yara daalay sow warankii jinfa laawaga ahaa mar na oodda hoosteeda uga coocinayay (25) mar na dhexdeeda. Noolaha wax dila marka dadka laga reebo Waxaa ugu xeelad iyo tab badan Waraabaha oo ma jiro usuud dagaal aqoon ku dhan xitaa Libaaxa’e Waxaa isasoo callaqay kii ugu xoog waynaa Waraaba-yaasha, inta soo dildilloomay ayuu ooddii dhacanta ahayd korka kasoo fuulay, Toxoboow wuxuu dareemay in markaan jilib ciid ka dhaartay arrintu na taagan tahay in la kala weecdo iyo in shaabada lays ku qaado. Wuxuu indhaha ka qaaday Waraabihii ugu xoogga waynaa oo bahal duqoobay ah oo oodda inta korka ka fuulay kusoo dil-dilloomaya, nin il mac ayuu ahaaye Warankii Jinfa laawaga ahaa ee deelaysnaa oo caawa dhan ciidda lagu ruquusayay oo deeladii ka dhacday ee hillaacaya illeyn markii hore ayaa laga tummay “AASTADA” oo ah bir lab aan ruujinoobin’e caloosha ayuu kala helay Waraabiihii oo ku yimid. Waraabihii hore uma soo gudbin mar haddii calooshiisa bannaanka la keenay’e, asigoo naf la caariya ayuu gadaal u dildilloomay dhulka na waq ku yiri, cabaad iyo uugaaw ayuu afka furtay. Waraabuhu waa xayawaanka kaliya ee haddii dhaawac soo gaaro aan boogtiisa baxnaanin ee is dhammays-tira is la markii ba wuxuu billaabay inuu caloosha iska soo qufo oo uu bannaanka wada keeno, wixii mindhicir, baar ka yare, wadne, oora-dugge, Sambab, ilaa uu gaaray in naftu ka haaddo ee uu hammaansado. Waraabayaashii kale ee tirada badnaa markii ay arkeen dhiigga ka faqlaynaya kii ugu tunka waynaa ayay fagaarta qutumiyeen (26), cagta na wax ka dayeen, dib na loogu ma sii jeedin, ilaa barxaddii moorada ku hor tiillay noqotay cidlo haawanaysa. Waxaa isku soo haray, Toxoboow oo neef wayn ka soo fuqday oo culayskii ka degay iyo Toxobeey oo muuqsanaysay waxa dhacaya, farxad na la boodboodaysa la na yaabban geesinimada igaarkaan Ilaahay ugu kaalmeeyay ee la soo jidqaaday, iyo Waraabihii xoogga waynaa oo xaraarugaya neeftu na ku daba yartahay. Goobtii xasaraddu ka oognayd daqiiqado ka hor, waxay isu beddeshay goob juuq la’aan ah oo aan wax nuuxsada lahayn. Dhababartina dhas ayay tiri oo cawo laba ayay isu dhigtay.

Markii nefis la helay ba Toxobey waxay billaawday inay dhiishii u hartay ee biyuhu ku jireen ganuunka ka bujiso’e biya ka shubto, si Toxoboow u harraad gooyo, laakin Toxobow waa ka diiday illeyn Gob waa gacalkaa oo kuu go’aya’e is la iyadii ayuu yiri cab biyaha oo dhuunta ku qoyso. Markii ay soo hambaysay ayuu as-na shubtay, markaasuu laba cantuugyo oo halis ah u geliyay. Waxaa la soo xasuustay in la baahan yahay oo cadaw kale haysto, bishiina waa u soo baxday oo xoogaa caddaan aan buurnayn ayaa la helay oo carceero (27) ah. Waxaa afka laga furtay Xashin (28) yar oo Qoloon Diiro oo mura-qaysan ku jiro, dhexda ayaa na la dhigtay, markii laga baahi beelay ayaa Toxobeey kaftan billawday oo tiri: “Waxaa tahay Halyeey, la’aantaa na ma noolaadeen, ma na aqaan wax aan kuugu abaal gudo. Toxoboow oo hadalka ku laabqabowsaday ayaa dhankiisa u jiibiyay oo yiri; walaasheey waa isku leennahay oo dhammaanteen ayay badbaado noo tahay, ad-na kalkaaga ayaa bixis (29) lagaaga baahan doona, waxaan se la sugaynaa goorteeda iyo goobteeda gobeey geenyo. Markii uu Toxoboow markiisa ku tuuray sheeko sandahan (30) ayay ilkihii waxaraha lahaa bikaac siisay, oo qosol dareen naxariiseed leh ku jiidday, oo tiri: “Waaqow anoo Toxobow u abaal gudi kara i gaarsii.” Toxobow oo halkaas ammin fiican ka helay ayaa dhowr bayd oo gabay ah laabta ugu qaboojiyay ku na yiri:

“Yartaad sida Hareeriga ku yaal, Hogobka buureedka
Dhirta uga hanwayn tahay hablaha, Uga ammaantaa ba
Hubkeediyo malaykaan markaad, Hore u laaf-yootay
Tima hudur madoobehe garabaha, Harafku soo gaaray
Hilif lagu maleegiyo marnaan, Heega lagu taagin
Oon hagoog i taageera iyo, Buruko lagu huurin
In kastood hannaankaa qabtiyo, Haybad lagu faano
Annaad laba horaadoo si-siman, Hore usoo taagtay
Hagaag ugu dhamayn waa indhaha, Howl karkii rabay.”

Dadka Soomaaliyeed meel iyo waa ay noolaayeen-ba tixdu waxay u ahayd aalad wax walba lagu cabbiro ma na jirin meel ay ka reebbanayd, Ragga iyo Dumar kuna umma kala soocnayn, in kastoo Raggu ku awood badnaa curiska iyo kor kaqabashada ba. Toxobeey oo u bisin-bisootay (31) gaba saraarka Toxobow, ayaa waxay labta ka baarbaartay dhowr bayd oo ay Toxobow ugu bootayso, waligood ba Dumarku iyagoo indhohooda kaa jecel ayay hadda na is giijiyaan’e Toxobeey waxay ku beritantay (32) afarraydaan ku na tiri:

“Al-fajriya nimmaan iibsa karin, Aarad yare suufa
Oon Eriya Geel soo tabcane, Aafta wax u joogin
Orkunow (33) iftiinayn hadda na, Uus ku jire-huu eg
Ewelnaan igaar madar ahayn, Way anfici waayay.”

Geesinimada iyo awoodda Toxobow waa hubsatay, quruxdiisa indha daraan-darka ah na hore ayay u soo kasbaysay oo si fiican ayay indhaha uga buuxsatay, markaan se waxay rabtaa inay hubiso inuu seddaxda ul xoolaad haysto iyo aaladda lagu ilaaliyo’e gammaan Fardood. Haddii uu geesi yahay xoola na u joogaan milge iyo muuq bilanna Eebbe u dhaliyay waxay laabta iska tiri; gacantaad ku haysaa geesi rageed oo mudan in gole looga daalliyo. Toxoboow oo gabay saraarka aad u yaqiin ayaa fahmay, in Toxobeey kasbeynayso inuu xoola leeyahay iyo in kale, ayaa dhankiisa qaatay kaftanki asiga oo dib ugu celinayaa rafaadkii ay soo mareen, iyo kan wali u dhimman, iyo rabitaanka asiga u dheeriga ah ee dhareerku uga da’ayo. Wuxuu u sheegayaa in Eebbehey Xoola siiyay, wax kastoo nolosha ku saabsanna uu badar noole (34) ka yahay wuxuu na ku gaba saraaray:

Waxaan goofba goof uga baxnaya, Geeri waxay joogto
Wixii goor gadaashoow Libaax, Gorodda noo fuulo
Gellin dheer habiin guura socod, Gomaddu dhiigaawdo
Waxaan gacal is eegnaa gadaal, Goor iyo ayaanba
Anoo layga gaar yahay waxaan, Guura dhaxan leeyo
Gaasaskii lasoo dumay wuxuu, Igu gashiineeyo
Gerki Ceel Lebaalaya waxay, Gebi ka laalaaddo
Haddaan galabta gaar kuula jiro, Guulle mahaddiiye
Sidii good madoobaa qalbigi, Gees-ba mar u liicay
Gabaryahay ogsoonow adduun galabba waa cayn’e
Gaasha na Ilaah-baa i baday, Waa na garabkayga.

Toxobeey waxay heshay jawaabtii ugu dambaysay ee ay ku bacdaadinaysay gaashada (35) uu leeyahay Toxoboow mar haddii aysan doonayn inay nolol la wadaagto, nin aan waxba haysan. Markaan se rayrayn ayay la oobsatay iyadoo nasiibkeedu u bilkeediyay wixii ay doonaysay waxay na ugu jawaabtay Gabay afarray ah oo tiri:

Geerow lo’aad iyo adoo, Geelya Ari haysta
Geedqaad na ii fali karoo, Gacalku kuu loogo
Geesinaad u dhalatee Ilaah, Gooni kugu siiyay
Inaan gole ka daalliyo ha sugin, Wali adoo gayfan
In garraarka wiil gaabiyaa, Soo garaangeriyo
Anna gaaddaa saaraa ha sugin, Geeri laga roone
Anigaba naftaadeey gubtee, Guur u tabab-taabo.

Iyadoo dhaayuhu isku dhacayaan mis-na aan laysu dhammayn karin, oo qof walba hoos fiirinayo marka ay ku dhacaan indha qofka kale, La ye: “Indha xileed waa la kala kaayaa indha xummaaneed na waa laysku xajiimiyaa’e.” Lays ma dammoo karo, qof walba laabta ayay ka dareen celinaysaa iyadoon bannaanka u soo saari karin guuxa ku jira boggeeda. Toxobeey waxay gashay hogasho (36) iyo dib isu celin, waxay ka yaabtay sida fudud ee ay ninka isugu dhiibtay, waxaa kusoo dhacay waanadii Abootadeed Roobo Ratiwaal Rarane, ku dhihi jirtay. Abootadeed Roobo waxay ahayd: abooto goor iyo ayaanba Toxobeey ka waanisa dhanka guur gelidda iyo haawaha rageed ee kusoo fool leh, waxay ku guubaabi jirtay dardaaran mug wayn una badnaa garaad hadal waxay dhihi jirtay: Gabar waa tii dhex yar oo dhuuban, cuntada intay hooyadaa kaa dhowri jirtay is ka ilaali, Xarako xishood lehe ku dedaal. Qabwayni iyo quursi yaan laguu qoonsan, qofku wuxuu kuu sheego ku qaddari kuna qiimey, warka na xubintaada ka qaado. Warkaad dhahdo lagu ma qoslo, dhubuq dhubuq hore dhabanno hays dambay leedahay. Quruxdaada iyo qaayahaaga yaan rag waran isugu qaadan. Seddax gurigaaga la la soo galaa: Gaajo, qarqaryo iyo qaraw hurdo. Waxaad na ogaataa Dumar waa Udgoon, ragna meeshay dabayshu u socoto ayaa laga maraa, Dumar na meeha ay ka imaanayso ayaa laga maraa. Ballan guur ha gelin adigoo ka bogasho kuu dhiman tahay. Guur waa nasiib ee ha ka daahin, ha na ku degdegin. Boqollal waano oo abootadeed Roobo Ratiwaal Rarane ku taageeri jirtay ayaa kusoo dhac-dhacaya, Toxoboow oo dareemay hogashada iyo himbiriirsiga galay Toxobeey ayaa uga naxsaday: hawadaa ku la duushay habboon?’ say tiri: maya Wolow’e waan hamminayay. sow yiri: ma haadaanbaad ka booddayoo himil-baad kor hurdaysay?’ say tiri; hubsiino halba la siistaa’e danbaa howdka loo galay. Iyadoo hal muceedkii hadalka lays ku tuurtuurayo, ayaa Toxoboow dareemay inuu galiilyoonayo, jirkisu na qaman-dhacyoonayo, reedaha ayuu dadamooday, mase wuxuu indha bac ku yiri; Aar Libaax oo horogtiisu kusoo abbaaran tahay, oo aad mooddo inuu xantooda dhegaysanayo. Toxoboow wuxuu si tartiib iyo turriinsho leh u tusay Aarkii soo eegayay ee dhacanta caalsaarinaya, Toxobeey oo tawallinaysa talo kale, ayaa indhaha ka qaadday, mase waa Aar Libaax oo kali joog ah “KOWKABE” (37) wehel la’aanna ah oo Rati Geel la eg. Aarkii markuu gartay in la arkay iskama waalin’e dib ayuu u ruuqaansaday, wuxuu na ag roogsaday rabtii dhurwaayga meydkiisu yiil, markii uu keni ururiyay ayuu inta seddex jeer hingaag ku dhiftay, dhabbigii ay ku yimideen baruugu dhacay. Libaaxu ma cuno wax uusan dilin, waa na dhaqan gobeed u gooni ah Aarka. Asuudka inta kale waa cunaan wixii kasoo hor baxa ee nool ama dhintay, laakin Libaaxu wuxuu cunaa, carun iyo cad kulul oo soo kam-kamaya oo uu isagu dishay. Sidaa aawgeed Dhurwaagii dhacadiiday ee maydka ahaa afkiisa ma saarin, inuu kuwa moorada ku jira damca na waa ka xishooday, Aarku haddii aan baahiyu hayn dulmiga ma jeclo’e dhabbiga ayuu ku hadaafay. Toxoboow iyo Toxobeey neef ayaa ka soo fuqday qof walba waxaa niyadda uga soo dhacay siday Af Libaax ugu dhacaan hadda na uga bab-baadaan, Toxobeey oo markaan quusatay ayaa Toxoboow ku tiri; walaalow tartii waa dhammeynay oo seddax jeer ayaan halis ku dhacnay hadda na ka baxsannay ee markaan waa naloon yaabaa?” Toxoboow ayaa qosol jagac ka siiyay si uu wel-welka iyo walbahaarka uga bi’iyo geenyadiisa ugub ee laab gubanaysa, ayaa yiri: ha ka biqin inta aan kula socdo in asuud wax naga qaado, Eebbe na na ma hoojinayo ee is deji Gacaliso. Intii is rog-rogidda cawanimo lagu jiray iyo xarbiga dagaalka, ayaa amminkii dhammaday, waxaa bari kasoo muuqday bikaalkii waa beri. Waxaa loo holladay in la seexdo inta qorraxdu ka soo baxayso, si in yar loo gam’o dhinaca ayaa dhulka la dhigtay qof walba na moorada jabadkeeda ayay baarin (38) ka xaar-xaaratay.”

  • Sharraxaadda Erayada:
  • (23). SUYUC: walax si xad dhaaf ah usoo urayaya qurmaya sida, Kilkillada/Toqfosha,qofka marka uu dhidido.
    (24). GACNA-GADDOOD: gacmaha oo laysku bed-beddelo oo midba mar loo nasiiyo/ bejisiiyo.
    (25).COOCIN: wax la isku taagtaago, sida laba qof oo mid walba torri haysto ee la isku cabsiiyo.
    (26) FAGAARTA QUTUMIYAY: walax kaa orday, ku day, cararay baxsaday.
    (27) CARCEERO: bishu marka ay dhammaad joogto ama dhallaan tahay iftiin yar oo ay la soo baxdo.
    (28) XASHIN: qandi yar oo ka samaysan maqaar xoolaad oo la megdeeyay, amminkii hore jiscinka ayaa lagu qaadan jiray, gacatada/Gocosada na waa lagu tummaa mar mar.
    (29) BIXIS: Qof aad bad-baadisay iyadoo la dili rabo ama aad dhib soo gaari lahaa ku dhinac dhigtay.
    (30) SANDAH: walax la maldahay, sarbeeyay.
    (31) BISIN-BISOOD: walax loo bogay, ama lagu farxay.
    (32) BERETAN: wax laysku bedray mar mar na faan ayay noqotaa.
    (33) OR: waxaa loo yaqaan dharka, caadiga ee aynu xiranno.
    (34) BADAR-NOOLE: qof hantiile, taajir, maal leh.
    (35) GAASHO: hantida magaceeda guud, sida Nool iyo Nood.
    (36) HOGASHO: hoos fiirin hun-dhursi, hoos u raaracsasho.
    (37) KOWBAKE: Magac ay Soomaalidi hore u aqoon jirtay Boqorka Libaaxa lab sida Aarka xayn hoggaamiya, libaaxa dheddeg ee aan curan, waxa loo yaqaan, GOOL kan dheddig ee curta na waxaa loo yaqaan BARAN-BARQO. Halka ilma na loo yaqaan Caga-barruur.
    (38) BAARIN: Dhulka oo ciidda la xaaro, xoogaa yar na hoos loo qodo laga na sameeyo intii qof seexato. Marka gacatada la qodaa na is la magacaas BAARIN ayaa loo yaqaan.

La soco qaybta kale.
W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE