Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q7AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Xulka iyo Xusuusta Suugaanta Q7AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Guurowgaan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Aqoonyahan” waa guurow ka hadlaya qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay AQOONYAHANKU bulshada Soomaaliyeed. Laashin Maxamed Gacal Xaayow EEBBE ha u raxmadee guurowgaan wuxuu farriin toos ah ugu diraya aqoonyahan walba ee Soomaaliyeed oo damiirkiisu noolyahay, ha ahaado mid maaddi yaqaan ama mid DIIN yaqaan’e waa guurow na baraya wanaagga ay leeyihiin aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dunta wanaagsan. Guurowgii “AQOONYAHAN” wuxuu u dhacay sida tan ee ka bogasho wacan:

1. Aqoonyahanku waa geesi adag, Kuu na uur nugule
2. Waa axad asluub iyo xishood, Lagu abuuraaye
3. Asaaggii la siman waa midaan, Ku af-laaddoone
4. Aqiiddada Islaamkaya markuu, Diinta aaminana
5. Si laysaga ilaaliyo yaqaan, Umalya shayddaane
6. Sida ummiga jaahila indha, Oodi kamma saare
7. Aas-aaska dhaqankee bulshadu, Ku intifaaceydo
8. Aqristaye iskiis ugu fikiray, Ka astur ceebaalka
9. Aqilgow ku fuliyaan ammaan, Ugu yaboohaa’e
10. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
11. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

12. Aqoonyahanku waa macallinkii, Laabta kuu culay’e
13. Isimada Ilaahay ku baray, Ku intifaacoode
14. Himlad iyo higaad iyo ku baray, Alif wax loo yeelay
15. Albaab laga gubaayiyo iyadoon, Iridu kuu muuqan
16. Waa kii iftiin iyo hillaac, Kuu agaasimaye
17. Adduunku ba inow kala warqabo, Aalad ka hadlayda
18. Sida loo adeegsado walxaha, Looga oon baxaye
19. Afka kaaga sheegaye kitaab, Kaaga uur xulaye
20. Adkaysiya dulqaad kugu wax baray, Abbe kuu noqoy’e
21. Abaalka na ma sheegtoo inow, Aamusaa badane
22. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
23. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amaran guushaynee.

24. Adduunyada dadkii soo ifbaxay, Aadan dabadiiye
25. Aqoonyahanka ka hor jiray wuxuu, Ka indho duubnaaye
26. Is beddelay intey la egyihiin, Awr la kici waayay
27. Ma ogtahay isku ma yaabtadii, Ewelka taariikhda
28. Aduunyadan ku noolaa jirtiyo, Ummadaahaan maanta
29. Oogada dayaxa soo dulmaray, Kala ilwaad roon’e
30. Aqoonyahanka waayaha ifiyay, Waa indheer garad’e
31. Ilbaxnimada qoomiyada iyo, Ubaxa laacaaya
32. Aas-aas waxbarashiyo cilmiga, Udubka loo taagay
33. Aqoonyahan la’aantiis iskood, Umma yimaadiin’e
34. Addimada celshaa awasha dhabar, Lagu ammaanaaye
35. Erguu kala dirtaa iyo aftidi, Loo ansixiyaaba
36. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
37. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

38. Aqoonyahan bulshadu aamintaye, Iilashada diiddan
39. Aqoonyahan ixsaan sama falee, Tiisa ku illaaba
40. Aqoonyahan dagaallada ahliga, Kuu abuuraaya
41. Ujeeddada u gaarehe ku neceb, Uunka kala geyda
42. Aboodiga shesheeyuhu markuu, Noo il galacleeyo
43. Ammuurtow watee eelka riman, Aaya xumadeeda
44. Aqoonyahanka sow u afgembiyo, Aragtideed yeesha
45. Ummaddowsan ku ogayn aqliga, Waa ka xadayaa’e
46. Ammaan fara ka baxay baa dhashaya, Belaya ayfaade
47. Anaa iri isoo raac intaan, La oggolaysiinnin
48. Oon awooddi kalitalisnimadu, Nagu ubaareysan
49. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
50. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

51. Afartaa ammaan iyo kalgacal, Uunka soo maray dheh
52. Aqoonyahanka Soomaalidow, Cabasho aawgeed dheh
53. Ummaddaan irmaanki na ka guray, Ugubkanaan haysan
54. Afar sano dadkaa ka arradnaay, Ilaha kheyraad’e
55. Ee adduunyaduu barakacdee, Edegta loo ooday
56. Aqoonyahanku waa waxaan ognahay, Kii wax ka ogaaye
57. Ogeysiiska gaabane arjiga, Lagu ishaaraayo
58. Adoon isu arkeyn inay, Eedu kugu raacday
59. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
60. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

61. Aqoonyahanku aadamiga kale, Ka intifaac roon’e
62. Ayniga qofkow kala egyahay, Il iyo baar dheere
63. Aqli dheelli tiran baa sharciga, Lagu abuuraaye
64. Ammaanada garsoorka na xaqaa, Lagu aroorshaaye
65. Haddaan ruuxa lagu oogayee eedda, Lagu hayato
66. Iyo kii wixii laga inkiray, ku astakoonaaya
67. Sida laba uloodoo is la eg, Loogu kala oofin
68. Aqoonyahanku ma oggola wixii, Aaf kasoo galehe
69. Ummadaan il ceel na u qodnayn, Teedina ammaagtay
70. Ee ajnabi wax keen iyo baddaa ku indha taageyda
71. Isboorkina xalaalaysatee, Ooman baa ku lehe
72. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
73. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

74. Aqoonyahanku waa aaqil beled, Oo indheergarad ah
75. Waa kii dadkiisuu ummiya, Ehel magaaleeyay
76. Ilaysaan demmeyn waaye iyo, Oogti waaberiye
77. Ad-adeeggu ways dhaafiyaa, Ubadka qaarkiiye
78. Illowshiyo ilduuf baa arrini, Kaaga gudubtaaye
79. Aarmiga aqoonyahanku waa, Aaraddii qalinka’e
80. Sida loogu aar goosan karo, Olola gaarsiiya
81. Aqoonyahanka muujiya marbaa, Ubaxu laacaahe
82. Ummad joogta geeska Afrikee, Ooman baa ku lehe
83. Aqoonyahanka Soomaalidow, Gaar ahaan adiga
84. Ha ba kugu adkaatee adigaa, Ku amran guushaynee.

Shirib nikax ah

“Aqoonyahanki arligow
Eed kuuma naqatee adeeg.”

W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

 

SHEEKOOYIN