“DARDAARAN” Maansadii 8AAD Silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansada; DARDAARAN

 

Waa tix ka mid ah silisladda midnimo ahna maansadii 8AAD ee silsiladda. Waxay sii xoojinaysa aragtida midnimada ee maansooyinkii ka horreeyey, waxayna ku billaabatay sidan;

 

Maansada; DARDAARAN

 

Meeshan gocanayaad

Mudmuddeen ayaantee

Dhallintaan mudnaatee

Madaxood shaqeeyoow

Mowle ha idin daayee

Maandhe yaal ha daaline

Ha habaajin miigaha

Majaraha ha seegina

Illaad miidda gaadhaan

Mooshinkiinu yuu lumin

Marna wixii na soo diley

Maankiinna yey gadin

Kuwo uur ku maallaa (malax)

Maja dhiigla yalooy

Midnimadu colkood tahay

Yaaneey magacyo idin bixin

Meeshan gocanayaad

Mudmuddeen ayaantee

Dhallintaan mudnaatee

Madaxood shaqeeyoow

Mowle ha idin daayee

Maandhe yaal ha daaline.

 

Yaa maalin jirayeey

Intaad mar ugu yeertaan

Oo aad qalinka maashaan

Hindisaha ku meertaan,

Ma hiigaan aboorkuba

Inuu wadajir meel dhigay

Dudummaha mutaxanoo

Muuqoodu dheeryahay

Intaad mar is tiraahdaan

Inaad magac ku reebtaan

Dunidaan malaasane

Laga owdey maankee

Miyirkeedu gadan yahay

Ee meshan gocanayaad

Meeshan gocanayaad

Mudmuddeen ayaantee

Dhallintaan mudnaatee

Madaxood shaqeeyoow

Mowle ha idin daayee

Maandhe yaal ha daaline

 

Intaa mililicoontaan

Kuna muusannoowdaan

Maatida dayacanee

Meydka u dhowaatee

Mid mid loo diloodee

Ka maqnaatey dunidee

Isla wada mugweynee

MAHIGA iyo KAY na

Maamulan dalkoodoo

Welina aan masayr qalbin

Meeshan gocanayaad

Mudmuddeen ayaantee

Dhallintaan mudnaatee

Madaxood shaqeeyoow

Mowle ha idin daayee

Maandhe yaal ha daaline .

 

Murti baa waxay tiri

“Miyir qabaha joogaa

Ninka waalan maradi ah”

Haddeynaa is maan gadin

Dadka keennee miir qaba?

Keenee majnuunoon

Calallada ku moosnaa?

Boqolkiiba meeqaa

Midnimada u heellano

Bulshadaan miciin u ah?

Meeqaa dillaaloo

Magacsada silloon

Iyo istimaala MRJaa?

Waa maxay NGO

Iyo miidda hoostaal?

Muftigiyo aqoonluhu

Maxay ugu maryaadaan

Waxan loo maleynayn?

Midnimada u diiddaan

Mowjaduhu u keenaan

Lagu mooso kaabaha

Bulshada u miciinka ah?

Masalooyinkaan iyo

Kuwaan mesha qabanoo

Hiraroo mashaqo badan

Baan soo mariyi doonaa

Maalmahan na haayee

Meeshan gocanayaad

Mudmuddeen ayaantee

Dhallintaan mudnaatee

Madaxood shaqeeyoow

Mowle ha idin daayee

Maandhe yaal ha daaline.

 

 

Curiye; Somali Samale Koodhin.

 

 

SHEEKOOYIN