FILANWAA Q7AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q6AAD

Filsan markii ay guriga ku soo laabatay saaxiibteed Canab waxay u sheegtay in amar ilaahay waxani ku dhacayaan oo ayna Maxamed is arag, balse ay warqadii u dhiibtay gabadh ay walaalo yihiin, intaa kaddib waxay si cad ugu sheegtay Canab inay baabkaa iska xidho, una diyaar garowdo arooska.

Waa xilli galaba cimmiladuna aad u daganyahay dadaal iyo diyaar garow badan  kaddib arooskii ayaa la soo qaaday, waxaa laysa soo daba dhigey gawaadhi tiro badan, markaasa magaalada lagu soo wareejiyay, alalaas iyo mushxarad ayaa isqabtay, Huteel Wabi Shabeele oo lagu balansanaa in gaafka lagu dhigo laguna ciyaaro, ayaa layskugu yimid, wixi ka dhacay waaba la ogaa, aroos qiimo iyo sharaf loo agaasimay ayaa madashaa lagu soo bandhigay, fannaaniin loo carbiyay maalmahaaso kale ayaa wacdro ka dhigay, halhaysku wuxuu noqday gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax,  dabadeedna gurigii loogu talagay oo ku yaalla  Xaafadda Xaawo taako ayaa lagu soo hooyay.

Galabtaas Maxamed oo ka mid ahaa dhallinyaro garoonka Iskuulka Mujamac kubad ku cayaarayay, ayaa gabagabadii arooska halkaasi soo agmaray, waxay  iswaydiiyeen Su’aalo iyagoo leh, waxaa  fiicnaan lahayd  inaan ka qayb galno  xafladda arooska ee ka socota Huteelka, inkastoo marti qaad aan la inoo fidinin, haddana waa  gabadh ka mida gabadhaha iskuulka aan wada dhigano.

Maxamed wuxuu saaxiibadii way diiyay gabadha la sheegayo magaceeda?, waxaa loo sheegay inay tahay gabadha  la yidhaahdo Canab oo daganayd Xaafadda Xaawo Taako. 

Maxamed oo yaaban ayaa si gaara wax uwaydiiyay wiil dhallinyaro ah oo ka soo baxay Huteelka kana mid ahaa dadkii ka qayb galay xafladda arooska, dabadeed si wanaagsan ayuu ugu warramay.

Maxamed, halkaas ayaa hugun iyo hadal ugu dambaysay, isagood moodo in geeridii waalidkii loo sheegay ayuu luuditaan ku tagay gurigoodii, dhakafaar iyo dhabanahays waxay arrintani ku noqotay Filanwaa, sariirta ayuu isagoon dharkiisa iska bedelin dusha ugu dhacay, sidaasuuna xaalkii maxamaed waji cusub u galay. 

Maxamed laba maalmood wax cunto ah ka ma dagin, walwalka iyo waalaahowga ka sokow waxaa intaa u dheeraa xumad iyo xanuun, waxaa maankiisa hadheeyay qalbi jab iyo qaracan.

Waxay ku noqotay qadan waa iyo anfariir, sida kediska ah ee wanaaggi iyo kalsoonidi muddada dheer la soo waday uu halmar daaqada uga baxday, wuxuu yidhi.

  • Markii aan asaagaa
  • Inanyahay ku dhaafshoo
  • Inta aan ku aaminay
  • Axdi wada abqaalno
  • Ka igmadey asaaga
  • Inta inan ku nool duni.

 

  • Balantiyo Afgaradki
  • Wacadkii is fahankii
  • Dhankaygii adkeeyo
  • Ka ilaashay baylahe

 

  • Anfariirka igu dhacay
  • Adigaa u sababoo
  • Abaalkii xumeeye
  • Adaa gudin afweyniyo
  • Ableey Ubucda hoosiyo
  • Oofahaygu gooyee

 

  • Wa xaal adduunyiyo
  • Alabkii nabsiga ooo
  • Ayaamaha is dabayaal
  • Iyagaa is gurayooo
  • Hadba idhan degaayee  
  • Ifka inta aan kunoolnahay
  • Adoo ii ildaranooo
  • Aragay raadshaan
  • Ku awdalay jacaylku
  • Waa is arki doonaa!

Marxaladaa aad ka u adag Maxamed waxay dhaxalsiisay jahwareer iyo fikir badan, xaalkiisu wuxuu noqday qof jacayl la ildaradan oo bukaan socoda.

Inkastoo ilaa markaas Maxamed wax faahfaahin oo dhaafsiisan in Canab la guursaday mooye wax kale oo akhbaara aanu helin, haddana dhibaatada soo gaadhay waa mid qalbigiisa dhaawacday rajadii uu muddada dheer naawilaayayna albaabada u soo xidhay. Warqadii loo soo dhiibay oo arrimo badan ku qoraayeena walaashii ayaa gacanta ku dhigtay oo ka qarisay, kaddib markii ay ogaatay dhibaatada muragada leh ee meesha ka dhacday.

Hooyadii oo aad ugu jahwareertay xaaladda Maxamed iyo isbaddalka ku dhacay wiilkeeda, ayaa marar kala duwadan si gaara u weydiisay waxa haya, balse Maxamed mar walba hooyadii dhib ma jiro ayuu ku qancin jiray, waxa ay hooyadii dhowr jeer kula talisay inuu isbitaalka aado oo isa soo baadho.

Si walba oo u ildaranyahay Maxamed iskuulka maalin qudha kama uuna baaqan, isagoo luudayaa ayuu tagi jaray, wallow inta badan cashir uuna dhigan jirin, sababtoo ah mar walba xiisadu fikir iyo murugo ayay ku dhaaftaa, mararka qaar ee uu macalinku ardayda su’aalo waydiiyo, isaga ayaa ugu horkaca, dabadeedna meel aan loo joogin iyo Canab ayuu ka warramaa,  ilaa mudadii dambe la gabartay,  halhayska ugu badan uu isticmaali jiray wuxuu ahaa magaceeda  iyo suugaan ka turjumaysa xaaladda uu ka dhaxlay jacaylkii qotada dheeraa ee dhaxmaray isaga iyo Canab.

Baarnaamij la odhan jiray Dhibane jacayl oo Idaacadii Radio Darban ka bixi jiray oo dadka dhibaatooyinka jacaylku ku habasaday ama ku guuldaraystay loogu talo celiyo, ayuu dhowr jeer warqad u qortay, taasoo oo kaga warramayo marxaladda  uu ku suganyahay iyo dhibaatada uu kala kulmay, gabadh ay sheeko wadaag ahaayeen, oo isagoo jecel nin kale guursatay,  balse talo celintii la siiyay kuma uusan qancin.

Waxaa horay looyiri nin meeli u caddahay meeli ka madoow, ilaa maalintii  dambe uu si toosa xarunta idaacada Radio Darban uu u tagay, islamarkaana wariyaashi barnaamijka Dhibane jacayl  soo saarijiray oo uu si fool ka foola uu ula kulmey.

lasoco qaybaha dambe…….

W/Q Yaasiin Xasan Muse 

Yaasiinxm114@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN