Home Qoraallo Waddada suubban. Q23AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q23AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada suubban. Q23AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“Camal Suubban la ma aqbalo, haddii aan niyaddu daacad ahayn oo aan dar Alle loo la jeedin.”

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Salaadda uu qofku jameeco ahaan masjidka ugu tukadaa waxay salaaddiisa uu guriga ku tukado, iyo goobtiisa shaqada, IWM dheer tahay dhowr iyo labaatan darajo.” maxaa yeelay, qofku markii uu weesaysto oo weesada hagaajiyo, dabadeed na uu masjidka aado isagoo salaadda maahee wax kale aan u aadayn, waxaa tallaabadii uu qaadaba loogu dhaafaa dembi, deraja na waa loogu kordhiyaa ilaa uu masjidka ka galo. Markii uu masjidka gala na wuxuu la mid yahay isagoo salaad ku jira inta uu salaadda sugayo, marba hadduusan cidna dhibaato u geysan, weesadiina qabo, malaa’igtu waa u duceeyneysaa, markii uu tukado oo uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday, iyadoo leh; Allow u naxariiso, Allow u dambi dhaaf, Alloow ka towbad aqbal.” (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaah ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu ka weriyay Nabiga (S.C.W.) xadiisul-qudsi uu Rasuulku Rabbigii ka soo weriyay: kaa soo ah in xumaanaha iyo samaanaha ba Alle jirsiiyay, mid walba na uu caddeeyay, qofkii wax san ku hammiya oo aan falin hal darajo oo buuxdaa loo qoraa oo sammaan ah haddii uu fala na Alle wuxuu ku abaal mariyaa toban darajo iyo ilaa toddobo boqol oo laba laab ah iyo laba laabyo kale oo fara badan. Haddii uu xummaan ku fekero oo uusan falinna hal derejo oo buuxdaa Alle agtiisa looga qoraa oo sammaan ah, haddii uu ku fekero oo fala na hal xumaan ah oo kaliyaa Alle u qoraa.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Seddax nin oo ummadihii idinka horreeyay ahaa ayaa safar meel isugu raacay, waxay Socdaan ba habeenkii ayaa dabeyl daran darteed gebi galeen oo u hoydeen, dhagax weyn ayaa inta soo ruqay gebigii afka ka gooyay, macnaha isku daboolay. Mid ka mid ahaa ayaa waxaa uu yiri: wax kale oo maanta dhagaxaan naga feydi kara lama arko, inaan Alle ku barinno maahee camalladeennii wanaagsanaa wax ka mid ah. Markaa ayaa mid kale waxaa uu yiri: Allow waxaan lahaa laba waalid oo ahaa waayeel da’ ah oo aanan fiid gooyada caano siintooda ka hor mari jiray carruurteyda iyo ehelkeyga intiisa kale oo dhan. Markaasay maalin daaq raadintii ila fogaatay oo aanan soo dheelman jeer ay gam’een, hurdeen. Goortaan imid ayaan caanihii usoo lisay mase waa hurdaan, inaan toosiyaa oo aan hurdadooda ka qaso waa i dhibtay, inaan carruurteyda iyo Ehelkeyga kale ka hor mariya na waa i dhibtay oo aan caanaha siiyo iyaga ka hor. Waxaan sugay anigoo weelkii gacmaha ku haaya oo toosintooda dhowraya jeer waagii dillaacay, carruurtiina hoosteydey intaas ka qaylinayeen, markay kaceen ayay caanahoodii dhammeen, ee Allow haddaan saas falay aniga oo raalli gelintaada u dan leh, waxa na heysta naga saar oo dhagaxaan naga feyd. Dhagixiina xoogaay aysan ka bixi karin ayuu ka feydmay.

Midkii labaad ayaa yiri: Allow waxaa jirtay Gabar adeerkeey dhalay oo aan jeclaa intii uu nin naag jeclaado, oo aan markaas inta damaaciyay, isu key diidday; dabadeed na waa’ dambe ay abaar xumi gabadhii ku dhacday, markaasay ii timid iyadoo caawinaad iga dooneysa, waxaan siiyay Boqol iyo laabaatan Diinaar anoo ku shardiyay inay isu key dhiibto. Markaasey yeeshay, markii aan lugaheedii ku fadhiistay ayay tiri: Alle ka cabso, oo xaaraan ha igu qodob goyn; markaasaan ka kacay oo ka tegay anigoo aad u doonaya, lacagtii aan siiyana u dhaafay, ee Allow haddaan saas falay anigoo Raalli gelintaada u dan leh, waxaan na heysta naga saar. Xoogaa kale oo aysan ka bixi karin ayaa dhagaxii ka sii feydmay.

Midkii Seddaxaad ayaa as na yiri: Allow niman ayaan kula heshiiyay inay ii shaqeeyaan, waa na ii shaqeeyeen, dabadeed na xaqoodii ayaan siiyay, hal nin oo aan soo doonan xaqiisa maahee. Waxaan uga shaqeeysiiyay lacagtii, wixii aan xoolaha u galiya na waxay u noqdeen, ama u dhaleen Faa’iido badan oo miro dhaleen. Waa’ dambe ayuu ninkii soo laabtay oo yiri: Addon Allow isii xaqaygii. Waxaan ku iri: maalka aad aragto oo dhan oo geel Lo’ Ari iyo Addoomo leh waa xaqaagii. Wuxuu yiri: ha igu jeesjeesin addoon Allow. Waxaan ku iri: kugu jees jeesi maayo. Markaas ayuu kaxeystay isagoo aan waxba ka tegin. Ee Alloow haddaan saas falay anigoo raalli gelintaada u dan leh, waxaan na heysta naga saar. Markaasaa dhagaxii feydmay oo ay ka baxeen iyagoo nabad ah.’ (Bukhaari iyo Muslim) .

Fiiro gaar ah: xadiiskaan faa’iidooyin badan ayaa laga kororsanayaa waxaa na ka mid ah faa’iidooyinka xadiiskaan, inuu qofku dalbado naxariista Eebbe iyo gargaarkiisa hadday dhibaato la soo gudboonaato, qofku na uu ka yeesho acmaashiisii suubbaneyd wax uu dhibaatada uga gudbo iyo gaashaan uu uga hortago, Naxariista Alle na ku helo iyo gargaarkiisa. Qodobka kale waxaa waaye ajarka badan ee ku jira iyo sammaanta lagu helo u baarri ahaanta waalidka. Sidoo kale wuxuu xadiisku tilmaamayaa ahmiyadda ay leedahay dhowrsanaanta, oofinta ballanta, daryeelka bulshada, iyo xajinta ammaanooyinka iyo gudidda xuquuqda dadka iyo oofintooda. Waxa kale oo xadiisku daaha ka qaaday, in daacadnimadu tahay saldhigga abaal marinta camallada, sida uu ahaa ba ciwaanka mowduucaan.

Hadal iyo dhammaantiis, xagga Islaamka qowl iyo ficil wuxuu qof la imaanayo waa in Eebbe lagu ogaadaa oo loo la jeedo, raalli gelintiisa looga dan leeyahay, ee ma aha in loo la jeedo adduun ku hel, ama munaafaqnimo, ama magac doonasho, ama maal ku raadin intaba.”

Jimco Suubban: W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE