Farxaddu iib maahaQ7AAD W/Q: Cabdulle Cabdikariim(Jallaato)

 

Farxaddu iib maahaQ7AAD

Raage arag in beentiisa laga dabo tagay oo geed danbo uu isku qariyo u bannaaneyn waxa uu bilaabay inuu hoos u guuxo, asagoo wali isla weynin uu ka muuqdo, balse markii loo firaaqeeyay qolkii uu ku jiray, waxa uu xaqiiqsaday in qiiq isku qaris dhammaaday xal dagdag ah uu u baahan yahay, waxa uu uga daba yimid qolka jiifka, hase ahaatee waa ay ka diiday in ay la hadasho, waxey ku tiri: ” Raaggoow cawo kalaba yeelkeed, waxaad fashayna waad ogtahay annigana waan ogahay ee ku laabo jiifkaaga, ee beritoole ha noo ahaato wareer cawo waa loo waa bariistaa, waxeyba u raacisay hoyo hoyaadku ha ku dhibee oo carro ba’an ka muuqato. Raagge si kasta uu yeelay waa ay ka diiday in ay wada hadlaan oo xaalka la qaraabeeyo ugu danbeyntii waa uu iskaga tagay.

Raage habeenkaas waxuu u ahaa habeen baas labo indhood uu leeyahay isma saarin sidii uu wax ka yeeli lahaa, dhibka ugu weyn qofkii la talin jiray waa qofka uu xumeeyay, yaa talo siinaya waa cidlo ciirsi la’ taa waxa uga sii daran xaaska cusub in ay uur mataano ah sido sidii uu ugu sheegi lahaa, waxa uu is tusiyay inuu ka aamuso ilaa ayada ay la soo raadsato hadal, taas oo u arkay in ay xal tahay balse waa dab shidan oo gaas ku bilbishay oo kale, waayo labada qofood ee lammaanaha markii dhib dhaxdooda ka dhaco aamusnaan kuma xalismo ee waa uga sii daraa. Si kastaba arrinku ha ahaadee waa beriggii ayuu seexday saa waa nin xalay dhan soo jeeday.

Dhanka kale Raage xaaskiisa, walwalkii iyo shakigii ku jiray waa ka baxay waxeyna xaqiiqsatay in uu naag kale la guursaday, waxa ay talo gorfeyso marba dhinac iska taagto waxaa is tustay iney gacan labaad u baahan tahay ay xogteeda ku qarsato, waxaa u soo baxday Islaanta Rooble iney ku soo ag nafisto taasoo ay sheeko wadaag ahaayeen muddo badan, laakiin arrimaha hoose, waligood kama sheekeysan, dannu tiri maanta waxa ay ugu socotaa in talo laga siiyo iyaddu go’aankeeda meel ayuu u yaal bal mid ka roon iney hesho. Wax la yiri: “Geel jire asagoo og ushii uu goosan lahaa ayuu ku weydiiyaa, goor ay barqaddii ay tahay Raagana uu hurdo wali; ayey u tagtay Hibo salaan diiran iyo soo dhaweyn kaddib. Rooda waa xaaska Raagge ayaa u sheegtay in ay maanta ugu timid arrin xasaasi ah ugana baahan tahay hiilo.

Hibo oo afka gacanta saaratay ayaa ku tiri: “Waxaan awoodo kaa hagran maayo, waxaan awoodinse ha igu eedin hana iiga xummaan. Rooda ayaa tiri eed iyo xummaan kulama soo doonnan ee arrin igu ugub ah, oo uurkeyga gubaayay waayahaan ayaan rabaa inaad talo iga siiso waliba mid dhaxal gal ah. Hibo ayaa tiri soo deey wixii qof dhiba labo ma dhibaane.

Rooda ayaa tiri: “Waxaan ka dhashay qoys sabool ah, Aabbahey waxa uu geeriyooday annigoo sagaal jir ah, waxaa iga yaraa wiil iyo gabar, wiilna waa iga weynaa oo curadkeena ayuu ahaa, Hooyadeey ayaa dhaxda u xiratay in ay na soo korriso afarteena, 7 sanno ka dib waa markaan 16 jirsaday, ayaan is baranay ninka hadda i qabo oo kirishboy ka ah baabuurta BL ka(Gaadiidka dadweynaha) magaalada ka shaqeeyo, waxaan sheeko waddaag aheyn hal sanno, markaas ayuu u dalacay inuu Darawal ka noqdo, bil kaddib waxaan ku heshiinay inuu waalidkey iga doonto, wax aroos la yiraa aan dhigan oo qarashkii ku bixi lahaa waalidka looga duco qaato, maadaama uu dhaqaalo buuran heysan.

Sidaas ayaan ku aqal galnay, waxaan ku nooleyn farxad iyo reynreyn, annagoo xaalkeenu maalinba maalinta ka danbeysa uu kasii fiicnaanayay waxaan iibsanay gurigaan aad u jeedid, saddexda yaryar gurigaan ayey iigu dhasheen, waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah inuu shil galay, muddo labo sanno uu isbitaal ku jiray, waxaan ku qasbanaaday Dhul bannaan oo aan dhaxal u helay inaan iibiyo, Alxamddu Lillaah waa ku soo moodnay, asagana Alle waa noo caafiyay, nasiib darro waxaa laga mamnuucay inuusan gaari wadin mudo shan sanno ama ka badan, si kastey ahaataba waxaa uu noqday dalaal maalin goosatka noo soo dhiciya nagama qasneyn, waxaan aheyn dad noloshooda meel u yeeshay. Waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah, inuu ii yimid asagoo farro ka naxsan oo 500,000 Doolar wato, waxey aheyd maalinkii iigu murugadda badneyd lacagtaas inaan eersan doono waan ku fikiray mana ka qarin oo waan u sheegay, waxa uu ku dhaartay carruurtiisa, annigana waan aamminay sidii aan waligeyba u aamminsanaa lacagtaasna waxey ka timid jeebka Odaygaaga, haddaad la ogeyd iyo haddii kalaba. Hadda xeerro iyo fandhaal waa kala dhaceen ninkeygii aan adduunka ka fiirsanaayay waa la ila yeeshay oo naag ayuu guursaday. 

Hibo oo intaa hadalka ka koobineysay oo aan hal mar ka dhax galin ayaa ku tiri: “Horta waa Alle mahadiis caqli kuma dhaafin mar haddaad ku fakartay in dhibka ku haayo aad u dad badsato aan war ku siiyee aad ii dhageyso Rooddaay, walaaley macaaneey digasho ha iiga qaadan FARXADDU IIB MAAHA oo suuqa ma taalo ma garatay, maalinkii lacagtaas gurigaaga soo gashay waa maalintii farxadda noloshaada lagaa iibsaday, wixii tagay tiigsimaad ma leh, tagto timaadaa ka badan ee waxaad yeeshaa reerkaaga dhaqo oo ilmahaaga korso Aabbahood oo nool yeysan Aabbo la’aan ahaanin, xaqana feeraha ayuu ka dilaacaa, intaas ayaan kugula talin lahaa. Rooda aad ayey ugu riyaaqday talo soo jeedintaas waa sidii ay ku tallameysay markeedii hore. 

Rooda oo aad moodo in culeyskii ka dagay ayaa gurigeeda ku soo laabatay, wali Odaygeedi Raage ahaay waa hurdaa, quraacddii miiska ayey u saaran tahay, waxey ku fakartay iney toosiso haddana hoos inta iskala hadashay ayey tiri, maxaa toosintiisa ku dabo dhigay awalba naag kaluu aadi lahaa, faraha ka qaad. Goor ay casir liiqii tahay ayuu soo kacay, Raage arag in maanta wax walba ay dayacmeen gurigii uu amiirka ka ahaan jirayna uu liic liic taagan yahay marna wuu xanaaqaa marna asagaa eeda dusha iska saara, orod iyo heel heel guriga uga baxay si uu maalinka inta ka dhiman uu uga gaarsiiyo..

Waxaa uu tagay garaashkii ugu weynaa garaashyadiisa, kaddibna waxa uu u sii gudbay goobtii ay ku qaxweyn jireen saaxiibaddiisa, wax yar markii uu la joogay waa cudur daartay inuusan la sii joogi karin guriga ayuu toos u yimd, xaaskiisa oo soo noqodkiisa marna ku faraxday marna la yaabtay, ayaa ku tiri candhalaa curatay haye Aw Raage Alle ma ku samo keenay? Raage hadalkaas sidii gantaal ayuu wadnaha gooyay, waa mar oo arag in laga tashtay iyo inuu eed ka galay qofkii ay isla soo qadeen isla soo quuteen waa uu dareensan yahay balse inuu ka garaabo gafkiisa waa ku adag tahay, balse Rooda uma furin umana xirin ee gogol xariir ah ayey u fidisay.

Waxaa kasoo wareegatay in muddo ah Raage waxaa loo dhallay labo wiil oo mataano ah, habeenba xaafad ayuu u hoydaa. Waxuu waqtigu is guraba maalin maalmaha ka mid ah Raage oo asxaabtiisa la caweynaya goor casir ah ayaa nin socotaa soo dul istaagay. Ninkii socotada ahaa ayaa yiri: ” waxaan rabaa in aan la hadlo ninka Raage la yiraahdo waxaan u wadaa farriin. Raage oo yaaban ayaa yiri adeer waa aniga ee bal soo fariiso oo shaah cab. Ninkii ayaa yiri shaah caboow uma imaan waxaan u imid inaan kuu sir waramo ee ma dadka dhaxdoodaan kuugu sheegaa aad ka shallaaydide mise meel goonni ah ayaad na geynee, Raage oo aan jecleysan sida ninka uu ula hadlay ayaa ku yiri meel waa tageynaa dhib ma jiro ee bal marka hore fariiso oo wax cab kaddib aan is raaceynaa haddii Alle idmo. Ninkii waa ka aqbalay codsiga danbe, asxaabtii goobta la joogtay ayaa go’aansaday iney u faq daayaan Ninka socotada iyo Raagge.

 

W/Q: Cabdulle Cabdikariim(Jallaato)

 

SHEEKOOYIN