Waa nasiib darradayda! Q3aad Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Waa nasiib darradayda! Q3aad

Dadaalaa wuu gaaraa, ugu dambeyntii waan ku guuleystay dadaalkeygii soo xera galinta Ubax, guurkeenana wuxuu u dhacay qaab xagayga oo kaliya qarsoodi ka ahaa oo xagooda aan ka qarsoonayn.
Guurkayga ubax wuxuu ahaa guur uu hareeyay shuruudo iyo is ilaalin lakala ilaashanayo wax aan la aqoon, ubax howlaheeda dhaqtarnimo ayey iska wadatay, lixdii bil ee horana wax siyaada ah ma yeelan oo taxaddar barasha ay i baranayso ah ayey ku jirtay, nasiib wanaag sidii aan la rabay ayey noqotay jacayl daran ayey ii qaadday shuruudihii iyo banaan istaagi shalay maanta waxay ka maraysaa waqti walba ila joog.
Aniga xagayga jacaylka aan u qabo aad ayuu u sii siyaaday dhaga aan ubax ahayn iyo indha aan u bax ahaynba ma lihi, wax walba oo ay i dhahdana waa maqlay oo ogolaaday.
Is baddalka labadeenaba wuu nagu socday, Ubax Uur ayey ii yeelatay ay ku dhashay laba mataana ah wiil iyo gabar, waa Alle mahaddii balantu hal xabo ayey ahayd balse laba ayey xag Rabi ka noqotay, ubax kalsoonida ay igu qabto waa sii siyaadday, aniga oo ka codsan ayey ii soo celisay dukumintiyadaydii codsigii ahaa fur fowsiya waa iska daaysay, runtii hormood wanaagsan oo kalsoonidayda soo celisay ayey ii noqotay, sidoo kale lataliye wanaagsana waa ii noqotay.
Waxaan dareemayay in aan kasii fogaanayo fowsiya, ubax wax cadaadis ah iguma hayn markan qofka xayd xaydanaya ee doonaya in uu soo gunaanado nolosha fowsiya waa aniga.
Sababta aan sidaa u yeelayayna waxay ahayd aniga oo u samaysnayn nin maamuli kara laba Xaas waa sida aan qabay fakar ahaan, maxaa yeelay, waxaa iigu badnaa baahida aan u qabo Ubax iyo waqti siinteeda.
Fowsiyo waa ka war heshay in aan qabo ubax balse layaabka ayaa wuxuu ahaa in aysan waligeed i su’aalin ubax iyo xaalkeeda anigana kuma soo qaadin oo waaba sida aan rabay.
Ubax jacaylka aan u qabo marba waji ayuu yeelanayay, ubax iyada maadaama ay xaqiiqsatay in dhanka fowsiya uusan culays uga imaanayn anigana aan aad u jeclahay waxay ahayd libaaxa leerta jiifa yaa usoo laafyoon kara.
Dunida qof walba dhinac ayuu uga noolyahay waana xaaladaha waxa dadka is tusa, fowsiya xaaladdeeda ayaa haysatay waana sababta ay u gaabsatay ee wanaag dumarnimo oo ku jira uma gaabsan sida aan qabo, balse wax dhibaya oo baddalay ayaa jira.
Waan dareemi karay waana hubay in fowsiya aysan ahayn tii aan soo guursaday anigana waan dareensanaa in qudhayda ay wax iga qaldanaayeen balse wax walba oo fowsiya dhankeeda aan u samayn lahaa waxaa iga indha qabtay ubax teeda.
Xaaladuhu marba meel ayey wax kaa tusaan, marba jawi ayey ku galiyaan, waxaan dareemay in aan dambi weyn ka galayo fowsiya, waxaan qirtay in aanan sii ahaan karin ninka aan u ahaan jiray.
Runtii noloshayd oo dhan waxay kusoo aruurtay ubax iyo caruurteeda, fowsiyo iyo wiilkeeda waxaan arkay aniga oo u tagin muddo laba usbuuc ah waa ficil aan waligey iga dhicin.
Wiillayga waligiis ima waydiin su’aal ku saabsan hooyadiis mar walba uu ii yimaado wuxuu i dhihi aabo hooyo xaalkeeda maka warqabtaa, ilama fiicna waxna iima sheegayso fadlan aabe hooyo u imow ayuu igu dhihi jiray.
Fowsiyo in aan waco ma ahee ima soo wici jirin marka shaqada ay timaadana wax walba caadi ayey ahaayen oo wali iskuma dhicin, iyada ayaa safri jirtay balse shaqada waa inoo kala saarnayd aniga qaybta guryaha iyo dhismaha ayaan u xil saarnaa iyana dukaamada iyo bakhaarada, balse galabkii waan u imaan jiray oo xisaabta waan isla xiri jirnay.
La yaabka su’aalaha igu dhaliyay ayaa ah in fowsiyo aan kula yaabay in aysan is baddal yar ii muujin oo ku saabsan Masayr is baddalkayga ah oo muujinayo in aan kasii fogaanayo, wax walba caadi ayey ahaayeen aniga ayaaba mararka qaar daan daansi samayn jiray si ugu yaraan aan wax uga ogaado xaaladdeeda qarsoon.
Waan ogaa in ay jiraan wax dhibaya iyo sabab baddashay fowsiya, balse dhanka la iga jiro marnaba ma qayaasi karin, waan dareemi karay in miisaanka fowsiya isi sii dhimayo.
Xaalku wuxu marba dhinac u liico waxaa iga soo boodday fowsiyo oo u arkayay markan in ay i yasayso, waxaan is tusiyay in ay igu kibirtay ninimana ii aqoonsanayn, dhowr jeer oo aan su’aalayna inta ii qososho ama igu qososho ayey iga dhaqaajisaa, mararka qaarna waxay igu dhahdaa waxaa tahay ninkayga aan doortay inta aan ka dhimanayo, waxaa jiri doonta maalin aad jeclaanayso in aad iisoo dhawaato balse waqtigu uusan kuu ogolaan doonin, aniga kuma riixayo ee adiga ha i riixiin wax badan ayaa naga dhaxeeyee.
Hadaldaas waxay ahaayeen kuwa iga sii fogaynaya fowsiya ina sii nacsiiyo, runtii marka lagu soo asiibo wax walba oo waxba ahayn waxay kuula muuqanayaan wax xun, fowsiya ima xumayn wax xuna ima dhihin waligeed, balse aniga ayaa sidaa u arkayay.
La soco qaybta 4aad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Ekisyare@hotmail.com 

Xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN