Home Qoraallo Inaad saama jiiddiyo sanqadh tirasho kala daa! W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Inaad saama jiiddiyo sanqadh tirasho kala daa! W/Q: Bile Cabdi Maxamed

10
0
SHARE

Inaad saama jiiddiyo Sanqadh tirasho kala daa.” Qormo kulul. W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Soomaalinimadaan dadka kaga sarreynaa, waa been la dhoo-dhoobay sababtoo ah dad uguma sarreyno haddaanan-ba ugu hoosayn maanta. “Dalkeenna nimcaa fadhida” oo maan la soo baxno yaa gacmaha nagu dheggan? Yaa se noo diiddan inaan isku tashanno? maxaan uga baahannahay kheyraaad shisheeye annagoo haysanna Dal barwaaqo hodon ah?” Soomaaliya kol horey horumar gaari lahayd’e beesha caalamka ayaan u oggolayn. Iyana waa been booskeedi dhaaftay, maxaa yeelay caalamku dowladaha naga yaryar ee horumaray ee Muslimka iyo gaalada ba leh maxay uga hor istaagi waayeen horumarka ay gaareen iyo isku tashiga dadkooda.

  • In kastoon sabool ahay
    Sacabbada ma hoorsado.

Waa been taasi-na, siyaasiyiinteennu qasriyada dowladaha kale ayay ka tuugsadaan, shacabkeennu na waa kuwaa qaayibay tahriibka, badaha na u jibaaxaya ceydha reer galbeedku bixiyaan, haddaysan sacabbo hoorsi iyo tuugsi rabin may dalkooda imaadaan ama joogaan oo beeraha fashaan badda na galaan oo kheyraadka dihin kasoo dal-dashaan?

  • Waa su’aal da’weynoo
    Madaxa daalinaysee
    Deb haddoow dhaxamoodo
    Maxaa lagu diiriyaa?”

Erayadaas iyo kuwa ka sii badan ba waxay noqdeen erayo Soomaaliya looga isticmaalo sida cirbadaha xanuun baabi’iyaha oo kale, marka dadkeennu rabaan in ay is moogaysiiyaan xaqiiqda iyo waaqica lagu jiro. Waa hadallo maaweelo iyo khayaali ku dhisan runta na ka fog oo Soomaalidu isku laab qaboojiso, waayahan damba na u muuqda in lagu daboolayo guuldarada iyo fashilka ummadeed ee nagu habsaday.” Bal ka warran haddii aan qashin-qub iyo bullaacado dhexdood inta maqaayad wayn ka dhex furto aan dusha uga qorto, “Nadaafadda iyo xaragadaan dadka kaga sarreeyaa?” sidee dareenkaagu noqon lahaa? waa hubaal haddaadan ba qosol-gariir u dhiman, inaad barbar ula dhici lahayd qosol iyo yaab!!

Soomaaliya, waa dal yar oo qariiraddiisa marka aad eegto ku caloolxumoonayso baaxad yaradiisa. Soomaalidu na waa dad ka yar 20 malyan marka laga reebo kuwa gacanta gumaysiga ku maqan. Badankood waa qaxooti dalal shisheeye ku hoos nool, qaar abaar baa laysay qaar na qarax iyo dagaal bay ku hoobtaan daqiiqad kasta. Waa dad adduunka laga nacay dhibkooda iyo baahidooda isku lammaanan ee aan dhammaadka lahayn, hadda na bulshada sidaa caalamka ugu bahdilan ee asaaggeed ka dambaysa boqolka sanno. Waxay isu haystaan dadka adduunka ugu caqliga iyo kasmada badan kibir iyo santaaglayn ayaa na qalbiyadooda degay. Hubaal Kibirku waa wax u gooni ah Eebbe oo ma jiro noole kibir is la taagi kara, illaa waa jariimo uu ka gelayo Eebbihii abuuray. Soomaalida se waxaa u geysay aqoondarro, ayaandarro iyo edebdarro, kibirka iyo is la weynanka.”

Ummaddaas afarta xabbo ah (Soomaaliya) marka cadawgeeda ku hareeraysan loo eego ayadii ayaa is liidaysa, isku mashquulsan, is dilaysa oo isku awood sheeganaysa; ayagii ayaa is kala faquuqaya qaar ayaa nasab iyo dhalasho ku faanaya kuwa kale na gunnimo iyo liidnaan ayay huwiyaan oggoobay ummaddaas is kala fadilaysa ee qabiil qabiilka isku gummaysata dunida na hal magac iyo hal astaan looga yaqaan oo ay ka simanyihiin. Waa ummad qaxar , colaad musuq-maasuq iyo macangagnimo u saaxiib ah, burcad-badeed, argagixiso, iyo ma sarriigtayaal baahan ah oo aan waxba qabsan karin.

Waxaan aaminsanahay sarraynta iyo qabwaynidu in aysan ahayn sifooyin afka laga sheegan karo ayadoo dac iyo dhiiqo la dhex mushaaxayo. Soomaaalida maanta dad uma sarrayso haddaan been la isku cammirayn waan la soconaa halka aan dunida ka joogno mase diiddani in aan soo kabasha ku jirno halki hora na aan ka soo dhaqaaqnay. Marka waxaan ku talinayaa in aan kibirka iyo hadallada beerlaxaawsiga ah meel iska dhigno, xaqiiqada na wajahno oo aan la nimaanno ficil iyo farsamo aan dunida uga saramari karno ama aan kula mid noqon karno taasoo ku imaan karta wax soo saar iyo waxqabad iyo baraarug aqooneed oo wadajira.”

W/Q: Bile Cabdi Maxamed