“MAANGAAB” Maansadii 9AAD ee Silsiladda MIDNIMO

Untitled

MAANSO; MAANGAAB

Waa tix ka mid ah silisladda midnimo ahna maansadii 9AAD ee silsiladda. Waxay sii xoojinaysa aragtida midnimada ee maansooyinkii ka horreeyey, waxayna ku billaabatay sidan;

 

  1. Dunidaan mugga waynle
  2. Milgaheeda dhammaan
  3. Mowlahay u sugnaatay
  4. Magaciisa sareeya
  5. Isagaa leh mudnaantee
  6. Maansadaan ha bilaabo
  7. BISMILAAHI RAXMAAN RAXIIM!!

 

  1. Meeriskaa dabadeed
  2. Miimleydaan furanaayiyo
  3. Tixda aan marinaayo
  4. Miro weeye bislaaday
  5. Murti weeye tilmaaman
  6. Macna weeye ballaaran
  7. Mas’alooyin adkaadoo
  8. Maara loo heli waayiyo
  9. Suugantii murantee
  10. Abwaaniintu marsheenoo
  11. Midnimo loo bixiyeey
  12. Midda aan tirinaayo
  13. Miftaaxoodi tahee
  14. Maqla oo dhug u yeesha!!

 

  1. Dadku waa kala muuqoo
  2. Midab baa kala geeya
  3. Marna waa kala heeroo
  4. Maqaamkaa noloshoodiyu
  5. Mansabkaa kala sooca

 

  1. Maansaley culusoo
  2. Curintaa maskaxdooda
  3. Dadku ay mahadshaanoo
  4. Maamuus loo fidiyaa
  5. Haatan maaxanayoo
  6. Tixo aan ka maqsuuday
  7. Mideyntii bulshadooda
  8. Ugu meel dayayee
  9. Anigoonan masuugin
  10. Oon mucaarad ahaan
  11. Miyirkeey hor kacaayoo
  12. Caqligay ah maciinee
  13. Manhajkuu I baraayo
  14. Anigoon maldaheynin
  15. Mid yar baan oranaaye
  16. Maqla oo I dhgeysta!!

 

  1. Danteenaa ah ma seegto
  2. Noloshaa ma-huraana
  3. Dhulku waa madasheeni
  4. Madhabkeena islaamkiyo
  5. Sharcigaa manhajkii ah
  6. Intaasoo wada miima
  7. Iyadoo mowqifka guud
  8. Dadku meel ku xireenoo
  9. Ku mideysanyihiin
  10. Marinkaa kala geeya

 

  1. Afartaa maqsad guudoo
  2. Laga maarmi kareyniyo
  3. Muraadkeen ha ahaado

 

  1. Tixdu maax durdureysiyo
  2. Mayay weeye da’aayee
  3. Aan wadaanta ku miisto

 

  1. Kan mideynta raboow
  2. Mid yar aan ku su’aalo?

 

  1. Soomaaloo magaceediyo

 

  1. Makaankeey deganeyd’iyo
  2. Milgihii dhaqankeediyo
  3. Muslinniima rumaad’iyo
  4. Ku mideysan afkeeda
  5. Maxaa keenay dagaalkiyo
  6. Madfac leysu garaaciyo
  7. Mindi leysu afeystiyo
  8. Madaxoo la is gooyiyo
  9. Kumanyaal mushkiloodoo
  10. Dalka maamul u diiday?

 

 

  1. Kan mideynta raboow
  2. Garaadkaa magantiisa
  3. Lagu meel marayaaye
  4. Midnimaaney dadkeenu
  5. Macaanteeda ogeyn
  6. Bey inoo maldaheenoo
  7. Maanka nooga xadeen

 

 

  1. Milicsoo bal ogoow
  2. Mudadii ina dhaaftiyo
  3. Maalmaheeni horeeyay
  4. Madashaan wada joognay
  5. Innagoo is makaabsan
  6. Cadawgeena maquuniyo
  7. Muruq xoogle u sheegan
  8. Maxaa nooga dambeeyay?

 

  1. Masas beynu ahayn
  2. Madaxood kala jeedo
  3. Oo mashquul ku jiroo
  4. Micidooda ku heysta
  5. Waxay muudsan karaan
  6. Maalintuuse idlaaday
  7. Mabda’ii na hagaayay
  8. Mariidkii wax dilaayay
  9. Innagaa isla maagnay
  10. Musiibaa naga raacday
  11. Maan-gaab taladiisiyo
  12. Midnimeey ku ahaatay?

 

  1. Mudnaaneey lagu waa
  2. Qof walbaa madaxiisa
  3. Ayuu meyrax ku duubtay
  4. Boqolaal madaxweyne
  5. Malaayiin xildhibaana
  6. Mas’uulkoo tira belay
  7. Nin kastaa magaciisa
  8. Muuna gaara u yeel
  9. Markaasuu kaligiis
  10. Matalaalac hadlaa
  11. Warkiisiina mulaaxdiyo
  12. Dhadhankuu ka marnaaday

 

  1. Gablan weeye muwaadin
  2. Dalkii wuu naga mooday
  3. Marxuum buuna ahaaday
  4. Intaasoo leh marqaati
  5. Maan-gaab taladiisiyo
  6. Midnimeey ku ahaatay.

 

Curiye;

Mohamed Abdullahi Abubakar (Dhaaley)

 

SHEEKOOYIN