Farxaddii Luntey Q1AAD W/Q: Cabdul Cabdikariim(Jallaato)

 

Farxaddii Luntey Q1AAD

Waa ammin laga joogo sided iyo toban sanno, markii aan gabarta aan indhaheyga ka jeclaa ku ballanay in aan is guursano.Goortaas aan ballameyno waxaan isla meel dhignay in aan Afar sanno kaddib sanno hawlgalno inaan ka dhabbeyno riyadeena, gu’ga aannu ballameynaa waa 1995 bartankeeda.

Wixii waayo baryo, gabalna dumo, maaliniba maalin riixdo, habeenba habeen ka daba maro, afarti sanno waxey igu dhaaftay si dhakhsi ah. Aniga iyo gabadhaan is gaclooney ee aan haween oodhan ka calmaday waxaan kala joogsanay labada cirif ee adduunka, maalinba maalinka ka sii danbeeya waxaan dareemayay in waqtigu is gurayo, waxaan ku jirey guluf iyo raadin sidii ama habkii ay suurtagal u noqon lahayd inaan hanto gabarta aan jeclaaday iyadoo duruufo badani igu gudbanaayeen kuwaaso oo culeys iyo culaab badanba lahaa, kacaa kuf iyo dhib badan kaddib ugu danbeyntii dadaal iyo juhdi badan Eeba waa ii sahlay arrintaan goobayey.

 

Waxaa ii suurta gashay inaan helo awooddii aan hal meel iskugu imaan laheyn. Waxaan ku war galiyay iney soo xirxirato safarna u diyaar garowdo, waxaana iyaguna safarka ku soo wehlin doona qaar ka mid ah qoyskeyga. 

Warkaa farxadda leh markii aan u sheegay, aad ayey uga xumaatay, waxey igu tiri waa kugu soo warcelinaa ee labo maalin i sii, waxey igu noqotay naxdin iyo af kala qaad, waayo marba ma ka fileynin in ay ka labolabeyn doonto, waa arrin aan la anfariiray u qaadan waa ayay igu noqotey, arrintanina waxay igu abuurtey walaac damiirkayga ayaa dood badan ila galay, anigoon ordina waxaan dareemayey daal, korkeyga oo dhan jiriiricyaa ku jabtay, xaadeyduna waa istaagtay aniga dhan waa jareeyay dhididka kuus kuusan oo sida dhibcaha roobka oo kale ayaa korkeyga qooyay,  maqal dhaweeyihii(Telefoon) aan gacanta ku heystay dhulka ayuu ku dhacay,  bakeeri jabay camal ayuu u kala faniinay. 

Maan garaneyn wax aan sameeyo iyo meel aan talo ka bilaabo, iyo sababta keentay waan ka soo fiirsanaa, waxa ay ula jeedo. Waxaa igu soo dhacday maahmaahdii “Kas dumar oo kadaloob rag kaaga danbeeyay kaad ku ogeyd maaha” Naf wax jecel wax ka dhib badan ma jiraan waa liqi waayay tuhunkaas iga galay inuu dhabyahay, hadda is weydiintu ka marneyn maankayga, armaan meesha waxba kuu oolin ee aad tahay qardaxoogsade. Wax aan fikiro oo aan marba dhan iska tuso anigoo wali mowjadda maqnaansha dhax maquuranaayo, ayaan billaabey in aan ku luuqeeyo waliba cod dheer: 

  • Wareerka waqtigaa keenaye
  • Wareer adduun iyo waayaheed
  • Wannaag iyo xummaan
  • Wax kastaa la arkaayee
  • Weerweerka dhaaf.
  • Wehelkii nafteydaay
  • Wacadkii jaceylka
  • Wadnahaan ku sidaa.

Labadii maalin waan sugi waayay, ogow markii hore toddobaadkii mar iyo labo jeer ayaan is maqli jirnay wax la yiri: “Ma dhammaado waqtigaad soo dhaweysataayee Dheeraa muddadu. Hal maalin oo sannad ka dheer markuu dhammaaday ayaan CALL BOX ka isku daayay,  wac lee ku cel celi wax jawaab ah waa ka waayay, maalintii labaad ayaa dhammaatay. Ma hurdin, ma harsan hawl iyo hunguriba waa gabay, kaaga darane inaan waco waa ku qasbanaa ileen ma heysto meel la igala soo xariiro, ileen talo iskuma kaa sheegto, waxaan ku hanweynaa iyo rajo xummada iga muuqato waa kaaf iyo kala dheeri, markii telephone ay iga qaban weyday maalinkii sadaxaad ayaan la tashtay nin aan saaxiibo aheyn markii aannu sheegay sidii ay wax u dhaceen iyo halka telefoonkaygi gacantu(Mobil) ku danbeeyay,  ayuu igu yiri: “Aaway mobilkii kaa jabay?

Waxaan ku dhahay qashinka ayaan ku riday, waxa uu yiri ina kaxee aan qashinka kasoo saarnee,  waxaan u sheegay inaan bacdii aan hanta qashinka ku riday saakay, waa soo orodnay nasiib wanaag bartiida ayaan ugu nimid iyadoo taala oo aan weli qolyihii dowladda hoose qaadin,  dadaal dheer kaddib waan helnay Simkii ayuu kasoo saaray mobilkiisa ayuu galiyay, intii aan isla joognay waxaa markiiba dhawaaqay telkiisa, haddaan eegnay number dibadda ayaa soo wactamaya, wuu iisoo taagay, aniga oo waxoogaa baqdin ahi igu jirto oo neef tuuray ayaan qabtay, mise waaba ayadii oo aan biyo is marrin markiiba waxay la soo booday Hello, aniga Farxad garriir ayaa igu dhacay.

Runtii waa ay dareentay in aan kala badbatay waxey igu tiri: “Ilaa iyo shalay dhan ayaan ku soo wacaayay waxaan rabaa inaan go’aankeyga kuu sheego ama igu yeel ana igu diid.

Waxaan ku dhahay soo deey waan kaa dhageysanayaa wixii macquul ah diyaar ayaan kuula ahay.

Waxey tiri: “Warku isma saarno waan soo baxaayaa laakiin ciddina ima soo raaceyso mida labaad, lacagtii aan ku soo bixi lahaa markaad gacanta iga saarto ayaan soo baxayaa dal ku gal ayaa meel kuu yaal iskuma haleyn karo.

Waxaan ku dhahay sababta ii sheeg ma anniga ayaad igu kalsooneyn?  Ma ciddeyda ayaad isku dhacdeen?  Sidey waxu jiraan? 

Waxa ay tiri: ” Waqtigaan aan kula hadlayo gurigiina ayaan dhax joogaa, Kalsoonidarro iyo kalsooni ma isku heysano haddii aad kaash farta iga saareynin soo ma socdo ee nabadgalyo daqiiqadihii waa iga dhammaadeen ee go’aanka adigaa iska leh labadaas aan saddax laheyn mid igala soo ekaaw.

Waagga ayaa igu baryay ma heysto wax kala qeybsama ama aan labo cid ku kala masruufo, dhoof warkiis daa taa waxaa ka daran waa hal dal ku gal oo qoys isku xiran ah waxa aan rabo inaan ku soo kaxeeyo, waxaan is tusiyay inaan ergo u diro goob joog ah oo xeerada salkeeda soo taabato, kaddibna aan go’aan ka gaaro.

 

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdul Cabdikariim(Jallaato)

SHEEKOOYIN